SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
DUUFAAN LOOGA CABSI QABO SOOMAALIYA
Tarjumadii SomaliTalk.com | Nov 14, 2003

Sida ay Sheegtay Saadaasha Hawadu, Duufaan wadata roobab lixaad leh iyo dabayl ayaa looga cabsi qabaa Bariga Afrika.

Sida ay sheegtay NOAA waxaa la saadaalinayaa in duufaantaasi ay kusoo beegan tahay Soomaaliya 16ka November.

Allah oo Keli ah ayaa xaqiiqada og, laakiin tani waa saadaal, waana is bedeli kartaa.

Sida laga soo xigtey hay'adda USAID qoraal ay ugu talo gashay wargelin si looga gaashaanto loona sii qorsheeyo gargaar meelaha halistau kaga iman karto daadadka iyo dabaylaha ay duufaantaasi keeni karto haddii ay u dhacdo sida la saadaalinayo. Arintaan saadaasha ah waxaa iska kaashaday FEWS NET [Famine Early Warning Systems Network], USGS (US Geological Survey), hay'addo maxalli ah iyo kuwo caalami ah.

Sida ay muujineyso saadaashu waxaa hadda duufaantaasi ku beegan tahay xeebaha woqooyi Bari ee Soomaaliya (dhanka Badweynta Hindiya), taas oo si tartiib tartiib ah ugu soo durkeysa dhulka berriga ah. Waxaana dhici karta in ay duufaantaasi keento faa'iido iyo khasaareba taas oo soo gaari karta Soomaaliya iyo dalalka deriska ahba. Dhulka la filayo in ay ugu xoogweynaan doonto waxaa la saadaalinayaa in ay keeni doonto roob farabadan iyo dabayl xoog leh. Waxaa la qiyaasayaa in faa'iidada ugu weyn ay ka heli doonaan meelaha abaarta ba'ani saamaysay oo ah Sool iyo dhulka baadiyaha ah ee Itoobiya iyo Kenya. Waxaana la qiyaasayaa in duufaankaasi ay Soomaaliya ku beegan tahay labo ilaa saddexda maalmood ee soo socda.

Xaaladda Hadda ee Duufaanta

Sida ay muujinayaan sawirada saadaasha ahi waxaa muuqata duufaan aan weli magac loo bixin oo ah duufaanta nooca loo yaqaan "tropical cyclone" ama duufaanaaha ka dhaca dhulka u dhow dhul-baraha, waxayna hadda u soo siqeysaa dhanka galbeed ayadoo kusoo beegan xeebaha xiga dhanka woqooyi bari ee Soomaaliya ee kulaalaya badweynta Hindiya. Waxaa hadda lagu qiyaasayaa in xawaaraha duufaantaasi uu yahay 55 - 70 knots, ama 25 - 35 m/s oo u dhiganta 90 - 126k/h. Waxaana saadaashu muujineysaa daruuro kusoo siyaadaya Mudug, Nugaal, Bay & Bakool iyo Gedo. Waxa kale oo saadaasha hawadu muujineysaa in duufaantu ay keeni karto roob badan oo ku siqaya dhanka koonfureed oo kusii jeeda bartamaha kenya. NOAA (National Oceanic and Atmospheric Admistration) waxay saadaalisay in duufaanta xoogeedu kusoo beegan tahay dhulka Soomaaliya marka ay taariikhdu tahay 16ka November 2003. Waxaana laga cabsi qabaa in ay khasaare badan duufaantu u geysato dhulka ay ku beegan tahay.


SAWIR dayax gacmeed oo muujinaya meesha ay duufaantu ku beegan tahay: ISHA: FEWS NET

LIVE UPDATE: daawo halkan...

Meelaha looga cabsi qabo in duufaantaasi ay khasaare u geysato waxaa kamid ah gobolada dhexe ee Soomaaliya, qaar kamid ah gobolada woqooyi bari, dooxada Sool, iyo dhulka Soomaalidu degto ee Itoobiya. Inkasta oo halistaasi la saadaaliyey, hadana waxaa saadaashu ku dartay in roobabka lixaada leh ay faa'iido u keeni doonaan dhulka abaarahu saameeyeen ee Kenya iyo Itoobiya. Wararka saadaashu waxay intaas ku dareen in arintaas kor ku xusan ay markasta isbedeli karto, laakiin hadda sida ka muuqata saadaasha FEWS NET waxaa lagu saadaaliyey sidaas. Halkan Toos uga daawo wixii kusoo kordha warka duufaanta.

ISHA:
NOAA:
http://www.noaa.gov
FEWS NET: http://www.fews.net
USGS: http://www.usgs.gov

Abaaraha Soomaaliya

Sida ay maanta (Nov 14) faafisay hay'adda qaramada Midoobey, abaaraha Soomaaliya ku habsadey waxay halis ku hayaan in geelii uu cirib go', gaar ahaan waxaa warku xusay Sool iyo dooxada Gebi oo la sheegay in boqolkiiba sideetan (80%) kamid ah geela ay halis ugu jiraan in ay dhintaan. Waxaa warku intaas ku daray in ay halis ku sugan yihiin 90,000 qof oo kamid ah 650,000 qof ee ku dhaqan nawaaxigaas.

Wararka kale ee Abaaraha

Abaaro Lixaad leh oo Kadhacay Soomaaliya
Waxaa kadhacay Abaar Xaalufisay Gobolada Sool, Sanaag, Mudug iyo Bari, Taasoo keentay in Xoolihii noolaa Gabaabsi noqdaan, kaddib markii Daaqii ka dhamaaday dhulka.. Guji.. Nov 12

Abaarta Ku habsatey Dhulka Soomaalida
iyo Halista kusoo foodleh shacabka... Guji

Baaq Kuwajahan Abaaraha ka Taagan Ogaadeeniya
Baaqaas oo kasoo baxay jaaliyadda Absame ee Sweden Guji

Xaalufin Lagu hayo Dhirtii Jubada Dhexe Iyo J/Hoose
Taas oo lagu eedeeyey isbahaysiga Dooxada Jubba iyo imaaraadka carabta oo qaybweyn arintaas kuleh maadaama... Guji Nov 12

Ogaadeenya: Roobkii Dayrta oo La Waayey
Gobolo badan oo kamid ah Ogaden ayaan weli.. Guji

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 15, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD