SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
12 Qof ayaa Kudhintay Dagaal Ka Dhacay Xeraale

Jimce November 14, 2003

Ugu Yaraan 12 qof ayaa ku dhintay, 18 kalena waa ku dhaawacmeen dagaal Jimcadii soo cusboonaaday oo ay iskaga hor yimaadeen laba beelood oo Soomaaliyeed.

Wararka ka imanaya Soomaaliya ayaa tibaaxaya in ay dagaal iskaga hor yimaadeen labada beelood ee Mareexaan iyo Dir, dagaalkaas oo ka dhacay tuulada Xeraale oo ka tirsan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, wararkii ugu horeeyey ee halkaas kasoo baxayna waxay tibaaxayeen in dagaalku sii socdey oo aan xabad joojin la gaarin.

Bishii Octoober ee ina dhaaftay ayey ahayd markii ay dagaal iskaga hor yimaadeen labadaas beelood isla goobtaas, taas oo ay dagaalkaas hore ku dhinteen 27 qof, ayna ku dhaawacmeen 45 qof. Sida ay werisey jariidada aljazeera oo soo xiganeysey hay'adda wararka ee AFP waxaa dagaalkaasi markii hore ka bilaabmay kaddib markii bishii April la diley caaqil u dhashay beesha Mareexaan waa sida warku u dhigay'e.

Soomaaliya ma yeelan dawlad dhexe ilaa 1991 markaas oo xukunka laga tuuray Maxamed Siyaad Barre.

Tarjumadii SomaliTalk.com
ISHA: AFP

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 14, 2003

MAXAY INA YEESHAY CARTA? [Xariir]

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD