C/QAASIM OO TRIPOLI HESHIIS KULA SAXIIXADAY QAAR
KAMID AH MUCAARADKIISA
Tarjumadii SomaliTalk.com | Nov 14, 2003
TRIPOLI:
Madaxweynaha DKMG, C/Qaasim Salaad Xasan, ayaa magaalada Tripoli ee dalka
Liibiya khamiistii heshiis nabadgelyo kula saxiixday qaar kamid ah
mucaaradkiisa, sidaas waxaa sheegay hay'adda wararka u faafisa Liibiya ee loo
yaqaan JANA oo ay kasii xigatey ha'adda wararak ee AFP.
Heshiiskaas waxaa goob joog ka ahaa
madaxweynaha Liibiya Moamer Qadaafi, waxaana warku intaas ku daray in intii
heshiiskaas kala saxiixday ay ballan qaadeen in ay heshiiskaas ku dheganaan
doonaan si nabad gelyo loo gaarsiiyo dalka.
Wax faahfaahin oo dheeraad ah hay'adda JANA
warkaas kama bixin.
Soomaaliya waxay dawlad la'aan laga soo
bilaabo 1991, taas oo ilaa waqtigaas ay hogaamiyayaasha Soomaaliyeed kala
saxiixanayeen heshiisyo, isla markaasna qabanayeen shirar uu ugu dambeeyey kan
halka sano ka socda caasimada Kenya.
Tarjumadii SomaliTalk.com
ISHA: AFP
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 14, 2003
MAXAY INA YEESHAY
CARTA? [Xariir]
..
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|