BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM.
Ilaah baa mahad leh, nabad gelyo iyo naxariis Eebe korkiisa ha ahaato midka
u sharfanaa uguna danbeeyay Rususha iyo Nabiyada Eebe Muxammed(nnk).
Buuryaqab yahow been baad baahisoo, buur iskula saartee, banyaankan iga hoo.
Ilaah kaliyaan leenahoo ah kan koonkan iyo kuwa ku nool abuuray, naguna leh
sujuudoo mid asaga ka soo haray ama kaafir sidaada sujuudi noogama suuroowdoo,
waa wax uu kuu sawiray caqligaaga sacsaca ahoo, salaan uu mid silloonoo
saaxiib kaa dhigtay kuu taagaa sujuud la meel dhigtoo, u maleyn inay siman
yihiin. Intaan dunidaan ku noolnahay silic iyo saxariir walboon marno, sujuud
iska dhaafe inaan kuu soo rujuucnoo, na saamax ku niraah hanaga sugin.
Duni baad ku faantoo, darajaan ka gaaroo, diyaaradaa ii duuloo, daaraan is
dul saaroo, dabaashaa baddahaa dushoodoo, deeqaan leeyahaan tiriye. Maad
dareensanide dusheeda imisaa laguugu deyn? lixdan laba ku dhufo, waa boqol iyo
labaatan sano. Nabi Nuux(nnk) oo degenaa dusheeda kun konton sano dhiman baa
yidhi " guri aan albaabkan ka soo galay oo kan kale uga baxay iigama duweneyn".
Daari waa mida aaqiroo, aan ugu shaqaysaneynaa midaan, midigteenana midaasaan
ku haysanaayoo, maalin aan qadnaa iyo macluul mar na soo martaa midna nama
saameyneysoo, Macbuudkeenaan ku naqaan.
Cakuye caqli xumidaa, cilmi baad sheegatoo, caqliggaan noqotay, maad qaadan
xaqiiqda waxaad baratoo, mayna kugu hoggaamin hanuunkii. Ee ii sheeg cilmiga
waxaad ugu yeertaan maanta meeluu ahaado, miyaadan ogaanin inuu jiro wax
waxaad barateen ka sareeya oo maamula, maalinbana maalinta ka danbeysana ay
idiin soo cadaaneyso awoodaasu, natiijadii waxaad baratay kaaga soo baxday
waad inkirtoo, tacab qasaar noqotay. Meeshaad ka ahaan lahayd midka u horeeya
ee rumeysta xqiiqdaa, baad noqotay midka u horreya ee diida.
Cilmiguna waa inuu kugu hanuuniyaa uun Allaha Awooda leh ee Abuuray oo
maamula koonkan iyo kuwa ku noolba, kaasna waad inkirtoo beenisay.
Afkaad furatoo, awood baad sheegatoo, hub baan haystaa, wax buu halaagaa,
oo haadi duuli maayo tiriye. Aragti baa noogu kaa laabane, asalka miyaa tabar
iyo taag naloo sheegtaa?.
War tiro iyo tayo kuma dagaalanoo Towxiid iyo tii Allaan u dhimanaa. Ee
intaad Towxiidka diidan tahay, tub walbaan tacshiirad kuula taaganahoo. Marna
taagtaa marna tabartaa, ee maxaad naga tari kartaa?
Hub baan ku siiyoo isku halaagtaa haddaad tiri. Horta habaar qabe aad marin
habaabisay iyo hulqe hunguri wadaa hawiray dadka iyo dalkoo, waan looga daba
yimidoo la badbaadin maatadee. Ee yaad haddana hor kiciyoo heeryadaada saaran,
ileyn hadoodilidaadii, hagardaamadaadii, hargaamodaadii iyo hafaryodaadii
aragnaye.
Deriska maad deynoo la dagaasheen tiriye, war dowddar dabadhilifa maan
nihin, ee waa darisaan na darajeyneynoo, dadkaayaga ku duulaana, oo dulli iyo
daayac nala doonaya. Oo inana waa inaan u duubanaayoo, u diyaarsanaa dabkeena
intuu dabintaa noo maleegayo.
Dibadaa u soo cararteenoo, waa taa aad daafaha dowladahayga daadsan tihiin
tiriye. Dadku dufaysane dawarsanaaya ma wada ahoo, duul damiirloo doonaaya
dibindaabyadaadaa jira.
Raba inay ku darsaanoo, diyaar u ah inay danahaad dalka ka leedahay iyo
dibusocodyadaad wadato dadka u cadeeyaanoo. Dersi lama ilaawaana siinaaya
da'yartoo, daadaheynaaya duul dulqaad leh, ee durqunka maanta jira, how maleen
inuu waligii jiri, dersi baan ku qaadanoo dareenkeenu kor.
Xadaaraan lahaayoo, xoolaad raaci jirtey tiriye. Xogta aan kaaga warramo
illeyn ma xusuusatide, xilli aad xaaska, xoolaha iyo xaarkiinu isdhex jiifteen,
oon ku barnay xeyndaab in xaaska loo sameeyoo, xoolahana xero loo dhisoo,
xamaamna xaajo loo tago, ee xamdinaqaagii ma xagxagashuu noqday.
Maan ku soo gabagabeeyaa.
Allaan rumeynoo, Rasuulkiisaan qirnoo, Risaaladiisaan raacnay. Daarina waa
mida aaqiroo ayadaan u darbanaa, duni baan na dageynoo, naloo kaga digay. Ee u
degdegtaa, u dafdafleysaa, duni daaraan degeynoo ma ahoo aan darajeyneyno.
Waa
YUUSUF CABDI SAHAL
Yuusuf Xiddig.
yussuf_hiddig@hotmail.com
Ereyadoon idiin fududeeyo.
u soo noqosho
Hulqe: (qof) wax matare
Hawir: wax liita ka dhigid
Hadoodilid: dhis tabar yar muuqaalkana la moodo inuu roon yahay
Hargaamo: nac qarsoodi ku jiro oo cid wax loo yeelo
Hafaryo: qof wax aan la siin la yiraado waa la siiyay
Dowddar: aan dantiisa illaalin
Dufaysane: alle doori
Xamaam: musqul