Waraysi Dheer oo ku Saabsan Dilkii Suldaan Hurre iyo Imaatanka Isimada ee
Gaalkacayo
Sida aan lawada socono waxaa lagu dilay 8/17/02 magaalada Kalabayr ee ka
tirsan Gobolka Nugaal dil toogasha ah mid kamida Isimada ugu maga dheer
Puntland kaas oo ah Suldaan Axmed Maxamud Maxamed(Hurre)
ale ha u naxariistee, dilkaas oo lagu eedaynayo inay ka danbeeyeen ilaalada
khaaska ah ee C/laahi Yuusuf Axmed, hadaba markay ka soo wareegtay dilkaas
mudo sanad iyo dhowr bilood ah ayaa waxaa magaalada Gaalkacayo yimid Isimada
Puntland ugu magaca culus qaar ka mida, sida:
Boqor Maxmuud Boqor Muuse, Islaan Maxamed Islaan Muuse, Suldaan Siciid Maxamed
Garaase taariikhdu markay ahayd 10/22/03 iyagoo xal u raadinaya dhacdadaas,
hadaba waxaa Somalitalk usuura gashay inay waraysi layeeshaan afhayeenka
gudiga beesha Maxamed Cumar ee Suldaanku kasoo jeedo Axmed Muuse Nuuryare oo
jooga magaalda Gaalkcayo waxuuna u dhacay sidaan:
Somalitalk: Axmed waxaan ku waydiinaynaa waxaan maqaly inay
yimaadeen magaalada Gaalkacayo Isimo waawayn iyagoo xal u raadinaya arintii
Suldaan Hurre, majirtaa arintaas?
Axmed : marka hore waad mahad santihiin qoladiina Somalitalk, haa
way jirtaa imaatinka Isimadu , waxaa ka horaysay howlgal isdaba joogay oo ku
saabsanayd geeridii suldaan Axmed oo dhintay 17-kii August ee sanadkii hore,
howlgaladaas isdaba joogay waxay ahaayeen arimo lagu magacaabayo in xal loogu
raadinayo geeridii Suldaan Axmed, waxaana howlgaladaas kadanbayn jiray oo soo
abaabuli jiray C/laahi Yuusuf, waxaa ka horaysay inaanu is aragnay C/laahi oo
u yimid odayaal beesha ka mida magaalada Gaalkacayo iyo isagoo yiri arintii
baan u rabaa xal anaguna aanu niri markaad adigu runsheegto baa xal lagaari
karaa isaguna uu balan qaaday inuu run sheegayo.
Arinta isimadu saas bay ku yimaadeen Garoowaa lagu marti qaaday, qaar Dubai
baa looga yeeray, qaar Qardhaa looga yeeray oo Boqorkuu ahaa, qaar kuwii
Gaalkacayo joogay bay ahaayeen, qaar Islaan Maxamed buu ahaa oo Garoowu
daganaa, Garooway isugu yimaadeen ,waa kasoo kicitimeen oo Gaalkacayey isugu
yimaadeen waxayna u yimaadeen arintaas waxay iyagu ku sheegeen laakiin anagu
aan garan waynay sababteeda, haday yimaadeen waxay nawaydiiyeen yaa suldaankii
dilay?,anagoo og inay ogyihiin iyaga lafti goodu, Garoowana kayimaadeen C/laahina
soo diray ayna wada shireen waxaanu niri Boqorrow waxaad kusoo hormarteen C/aalhi
wax xal ah hadaydynaan ka hayn wax kale oo aad soo baarteen ama lafa gurteena
aysan jrin anagu mudici manihin, isimadaas way isku laabteen waxayna
nayiraahdeen raali ahaada waan isku noqonaynaa waa soo tashanaynaa waxay nala
dhaafi waydana waan idinku soo celinaynaa.
Waxay uyeereen C/laahi, Garooway cid u direen, C/laahi waa yimid maalmay
halkaan wada shirayeen, waa nagu soo noqdeen Isimadii maalma kabacdi waxay noo
soo jeediyeen in C/laahi u soo soocay Sagaal askari oo ka mida ciidankiisa,
inuu yiri sagaalkaanaa ka danbaysay dhimashadii Suldaanka iyo laba nin oo kale
oo midna dhintay midna rukhsaystay waa kala saari waynay midkii wax dilay waa
isku inkireen ee waxaan rabnaa inaad la sharcitantaan, anaguna waxaan niri
sagaal askari oo aanan soo dacwayn anagu oo nin soo soocay ninkii aan u
haysanay kiiska uu iska soo soocay isagu oo inuu hadeer qoray iyo kuwii kula
jiray kiiska inay yihiin aanan aqoon nin walbana qorigiisii albaabka ugu
tiirsanyahay ladacwoon mayno waxaad isu quudhaana waxaasi ma’ahan idinkoo
Isimadii dalka ugu sarayey ah inaad ka ogolaataan arintaasna xaqdaro weeye
midaad kiiska ku xaqiiyinkartaana ma ahan waxaan u aragnaa duudsi inay tahay
arintaas, dilkii Suldaanka idiinma aanan haysan laakiin duudsigiisa ha ka qayb
qaadanina ayaan ku niri odayaashii Boqor Maxamud, Islaan Maxamed, Suldaan
Garaase, Suldaan C/qaadir Cali Yaasiin Keenadiid, Islaan Bashiir Islaan C/lle,
Garaad Maxamed Cilmi Shirwac, Caaqil C/wahaab Maxamud Guray iyo C/qaadir
Islaan Maxamed oo aabihii warka utabiya odaygu waa waayeel e, saas baan ku
kala tagnay odayaashii waxayna na yiraahdeen waagii aan xal helo baan idinku
soo noqonaynaa.
waxaa nagu maqaala inay C/laahi ku laabteen inay yiraahdeen nimankaas waan
ka gardarayn naga diide waxaan usoo jeedinay hadii aad adigu xalkeentana waan
kaa sugaynaa, haday iyagu xalkeenaana waan ka sugaynaa hadii intaas ka horaysa
aan fekaro arimo kaloo xala waan soo jeedinaynaa saas baa lagu kala tagay.
Somalitalk :Isimada imaatinkooda mala socoteen wax se ma ka marti
qaadeen beel ahaan?
Axmed : May Isimadu inay imaanayaan ma’aanan ogayn waxna kama
aanan marti qaadin sidaan u jooganay bay yimaadeen kadibna noo yeereen.
Somalitalk : Suldaan Axmed waxuu mootan yahay halsano iyo dhowr
bilood hada kahor Isimadu ma idiin yimaadeen wax xiriirase arintaan ma
idinkala soo sameeyeen.
Axmed : May nalama soo samayn xiriir xataa Tacsidii Suldaanka,
waxayse yiraahdeen oo raali galin kabixiyeen waxaanu tacsida uga soo qayb
qaadan waynay oo idiinku iman waynay oo wax u qaban waynay wadanku waa kala
xiraa, waad ogtihiin oo markii Suldaanka la dilay bandow baa lasaaray tan iyo
halkan iyo Garoowe waxaa ladiiday in laas caano looga baxo in loo soo baxo
Gaalkacayo in Boosaaso looga soo baxo sadexdii bari ee Tacsida ahayd waxayna
ahayd markii C/laahi xooga ku qabsaday Puntland, raali galin bay ka bixiyeen
waxay muujiyeen inuu dalku kala xiraa amaanku uu xumaa xiligii Suldaanka la
dilay ee naga raali ahaada ayey yiraahdeen maanta ka hor idiinma aanan imaan
waxna ma aanan qaban kala xirnaanta dalka iyo amaandarada ayaana keenaysay.
Somalitalk : Ragaan hada aad Magac dhowday waa odayaashii Punland
ugu waawaynaa makusamayeen howshaan markii hore baaritaan intaysan idiin imaan
,mawaxayse u yimaadeen inay labo beelood dhexdhexaadiyaan, mise sidaad hadalka
u dhigtay C/laahi baa odayaasha yiri gala howshaan oo sidaas bay idinku soo
abaareen?.
Axmed : waxaa ka horeeeyey nimankaan Gudi Cumar Maxamud ah oo
Magaalada Nairobi kula shiray C/laahi Yuusuf iyo Jaaliyada Maxamed Cumar ee
Nairobi Gudigaas waxay ku yiraahdeen jaaliyada Maxamed Cumar waxaan
raadinaynaa cidii ka danbaysay dilkii Suldaanka ee manoo ogoshihiin inaan galo
howshaas jaaliyadiina waa u ogolaatay, Gudigaas waxay lakulmeen C/laahi oo
Niarobi jooga, waxay ahaayeen rag lasoocay oo 11 xubnood ka kooban, Maxamed
Cumar iyo Reer Mahad midna kuma jirin waxay yiraahdeen C/laahi waxaan rabnaa
inaan helo cidii dishay Suldaan Hurre oo adiga kaa helo waa u balanqaaday inay
helayaan cidii dishay Suldaanka markay Somaaliya tagaan, waxuuna soo siiyey
qoraal.Gudigaas afar xubnood bay soo dirsadeen, Gaalkacayo ayey yimaadeen waanoo
yimaadeen waxayna noo soo jeediyeen inay maandhayd ka haystaan C/laahi inay
raadinayaan cidii dishay suldaanka,iyagoo Cumar Maxamud ah waxay yiraahdeen
manoo ogoshihiin inaan galo howsha anaguna waxaan niri Gala hadaad awood u
leedihiin waan u ogolaanay iyagoo howshii wali kujira ayey dhacday tankalena.
Hadaan usoo noqdo su’aashaadii soo tagida Isimada iyo habka dhex
dhexaadintooda waxay kasoo bilaabeen Garoowe C/aalhi bay kasoo bilaabeen
Ticket-ka waxaa u diray Suldaan Garaase oo Imaaraadka joogay Maamulka C/laahi,
waxay isugu yimaadeen Garoowe, halkaas bay ku shireen C/laahina way is arkeen,
waxaanu filaynay Isamadu markay nooyimaadaan howl dhamaystiran oo ay kasoo
baaraan dageen inay gacanta ku hayaan maadaama kiiska ay lasocdeen howshuna ay
sadex iyo tobon bilood sii marayso inay howl bisil la iman doonaan walibana
iyagoo naga warhayey dadbadan oo noo yimid inaan jawaab uga dhignay waxii wax
nayeelay keena anogoo garanayna marwalba awood ka saraysa oo qabankartaaba
howsha laftigeedaba inay san jirin.
Ee Isimadu markay ku shireen Nugaal waxaanu u haysanay oo sii sugaynay inay
wax soo xaliyeen oo C/laahi u qabsoomay oo uu cadayn doona sida wax u jiraan,
markay noo yimaadeen oo nooga bilaabeen waxii idin dilay sheega waxaan u
aragnay anagu howl laga soo shaqeeyey oo lasoo meeldhigay oo Isimada lagaga
soo adkaaday oo ah inay hal dhinac ka shaqaynayaan baan istusnay waan ka
qawadnay qaabkaan wax uga sugaynay saluugmaa naga gashay, kadibna waxay
noqotay inaanu niraahno mar hadii aydinaan wax soo qaban cid idin tiri xalkaan
baan hayaa oo runtaan baa taal ee xaliyana aysan jirin anagu kama bilaabi karo
inaanu mudici noqono maanta, dad noo kala dabqaaday oo dhexdhexaad sameeyey oo
iyaga utagay oo anaga noo yimidna ma ahayn odayaashu ee waxay ahaayeen niman
intay soo shireen soo guuray macaa Maamulkoodii hal mara.
Somalitalk :Majirtaa arintaan hada kahor cid u gashay gobol ahaan
maadaama uu Suldaanku ahaa Gobol ahaan nin reer Mudug ah amase cidkaleba?.
Axmed : waayahay isla maalmihii uu dhintay Suldaanku ale ha u
naxariistee waxaa is abaabulay 17 xubnood oo kamida Cumar Maxamud waa noo
yeereen waxaa gudoominayey Islaan Bashiir waxay na yiraahdeen waxaan rabnaa
inaad noo qoor dhiibataan hadaan nahay Cumar Maxamud idinkoo katirsan beesha
Cumar maxamud waxaanu galaynaa xalkii dilkii Suldaanka, waxaan niri waa sax
inaan Cumar wada nahay waadna noo tiiriseen inaan suldaanka jifi u nahay, yaad
na dhex dhexaadinaysaan oo jifi u ah dilkii naloo gaystay oo idiin soo qoor
dhiibtay?, nimankaas jawaab waa nasiin waayeen waa isku noqonaynaa bay na
yiraahdeen howshoodii saas bay ku gabaabsiday mardanbana nooma ay yeerin
cidkalena nagama horkeenin saas baa ku kala tagnay.
Waxaa ku xigay Jen Cade Muuse oo xiligii Jabhadiisii iyo Maamulku ay
heshiiyeen Gaalkacayo yimid oo noo yimid isagoo wata wafti naguna yiri waxaan
rabaa inaan galo arintii Suldaanka oo xal ka raadiyo aniga oo ah nin Masuula
ahna dhinicii siyaasada ee C/laahi ka soo horjeeday ninkii hogaaminayey
Suldaanka dilkiisuna uusan ka marnayn arimo siyaasadeed, waxaan doonayaa inaan
arintaan xal ka keeno oo aad ii ogolaataan.
Waxaan niri Suldaanka cidii dishay, cidii amartay in ladilo iyo cidii
baaratay isagoo mayda oo furatay hadaad soo hesho oo awood aad wax kaga soo
qabato leedahay anagu nabad baan rabnaa xaldoon baan nahay waligayaanu u
fadhinay waynu isla ognahay waa kuu ogalahay ee gal, Cade Muuse iyo
wafdigiisii naguma soo noqon, qofku markuu noo yimaado waxuu ku noqonayaa C/laahi
waxna uga suuroobi mayaan, labadaas isku day horay bay u dhaceen.
Waxaa kaloo sadexaysay Gudigaan horay idiinku sheegay oo Nairobi kayim aana
dhamaysan howshoodii waxaana bar bar socday oo labar bar dhigay howshaan
Isimada waa naga tageen anagoo jawaab kasugayna gudiga laftigiisa waxaa
howshii kala wareegay Isimada, waxaana is leeyahay abaabulkaan dhaqsaha ah oo
Isimada waxaa keenay waa sababta gudigaas, waxayna wateen su’aal cad oo ay
waydiiyeen C/laahi iyo jawaab cad oo uu kabaxshay iyo balan qaad iyo qoraal.
Waxaana filayaa waxaa meel mari waayey oo socon waday Jawaabtay isku
ogaayeen C/laahi, kadibna Isimadu waxay noqdeen jid looga fakado howshii ay
wadeen gudiga noocaas ah, kadib gudii qaar kamida hadaan is aragnay waxay
yiraahdeen anaga howshii waa nalaga fara maroojieyey, waxaan waydiinay balan
aan horay gudiga u galay oo ahayd howshaan meeshay ku dhamaato xataa hadii wax
idiin qabsoomi waayaan cadayn inaad ka bixisaan, waanu is aragnay waxaan niri
kawarama howshii xagee idiinku danbaysay, waxay yiraahdeen anaga howshii waa
nalaga qaaday C/laahi baa naga qaaday maadaama howshiina dad badan galeen oo
Isimadii wadanka ay galeen marabno inaan wax qoraala ka samayno iyana halkaas
bay ku dhamaatay marka dadkaas oo dhan baa galay howshaaan Gobol ahaan iyo
Guud ahaanba.
Somalitalk : waxaa kamid ahaa odayaashaad soo xustay Caaqil C/wahaab
Maxamud Guray oo Suldaanka ay saaxiib ahaayeen siyaasad ahaana ay isku
dhawaayeen, hadana la socday Isimada aad tiri sidaad hadalka u dhigtay waxay
ka socdeen C/laahi taas sidee macquul ku tahay?.
Axmed:
waxay macquul
kutahay Caaqil C/wahaab waxuu ahaa raga ay isugu dhawaayeen suldaanka siyaasad
ahaan, saaxiibna way ahaayeen waxay ahaayeen ragii C/laahi ay kala fogaayeen,
C/wahaab waxuu ku jiri jiray xulufo siyaasadeed oo ay kala fog yihiin C/laahi
sida Wadaada, raga istaaguu ahaa hadba meesha ay ka aloosantahay siyaasada C/laahi
udaran.
Waxaan idin la socod siinaynaa C/wahaab iyo C/laahi waa heshiiyeen beel
ahaana way u heshiiyeen, taas oo uu ugu daneeyey dhinacyo badan sida: xaga
amaankiisa, xaga magaca beesha, xaga dhaqaalaha dowlada maanta xubnaha ugu
firfircoon oo siyaasada hurmuudka ka ah oo C/aalhi u gogol xaarayuu ka mid
yahay Caaqilka saas baan u aragnaa.
Somalitalk : waxaa jirta in la yiraahdo adna hada aad ka
dhawaajisay in suldaanka dilkiisii laga samaynayo baaritaan Maxuu yahay
baritaankaas yaase samaynaya?.
Axmed : Suldaanku waxuu dhintay 5 saac oo subax nimo qof aan
baqayn, oo dhuumanayn oo xishoonayn baa dilay, waxuu ku dhintay meel magaalo
ah ciyaalkii dugsigii laga soo daayey,dadkii xoolaha soo aroorsaday oo reer
miyiga ahaa ay joogaan, dadkii magaalada joogay oo ganacsanayey ay joogaan,
xiliga harsimada ah oo meeshu tuulay ahayd ee tuulooyinku ugu shacab badan
yihiin bay ahay, waxay ahayd xili kulul oo loo soo hardoonto magaalda oo bisha
August ah, baaris uma baahna waxay ubaahan tahay baan u malaynayaa oo dadyowga
loo tiirinayo Suldaanka oo qaba ay uga baahan tahay mar marsiiyo iyo duudsi
iyo waxuun lagu dadbo dilkiisii oo runta lagaga weecsho baa labaarayaa
xagayaga baaris kama leh waa ognahay cidii dishay dadkoo dhamina waa ogyahay
idinkiinaa hada wax i waydiinaya waxaa suurowda inaad maqasheen waxa dilay.
Caruurihii iyo dumaradii iyo dadkii baa lagu dhex dilay magaaluu taagnaa
bartan keed, ciidan dagaalamayey oo xabad is waydaarsaday majirin, baaris uma
baahna xagayaga waxaana u aragnaa in runta iyo xaqiiqada la iska indho tirayo,
malaha waa waji cusub oo la isku dayi doono wax wayna uma aragno malaha dadka
aan xogta hayn baa u dhagataaga.
Somalitalk : Hadalkaaga waxaa ku jirtay dad yowga loo tiirinayo
idinku beel ahaan yaad u tiirinaysaan dilkii Suldaanka ale ha u naxariistee?.
Axmed : inaa lilaahi waa noo cadahay C/laahi Yuusuf iyo wiilal uu
adeer u yahay baa dilay waa isaga kaaya cadahay anaga, 4km meel u jirta
kalabayr bay isaga hor yimaadeen Kolonyo baabuura oo C/laahi wato waxuuna ka
yimid dhinaca Garoowe, dadkana waxuu ugu sheekeeyey waxaan aadayaa Laascaano
Suldaankuna waxuu u socday Kalabayr, waa la joojiyey Kolonyadii laba gaari baa
dib loogu ceshay, Suldaanka Gaarigiisii ale ha u naxariistee Kalabayr buu
istaagtay, Labadii Baroona waa ka daba tageen isagoon kadagin gaariga ayaa
midna horay ka dhigtay midna dhinac buu ka dhigtay, halkaas baa waxaa si
khaasa uga soo dagay wiilal uu C/laahi adeer u yahay iyagaana dilay Suldaanka.
Taasna waxaa sii cadaynaya markii loo soo sheegay C/laahi in lagu soo
guulaystay dilkii Suldaanka horay buu usoo dhaqaaqay oo xataa dib uguma noqon
maydkiisii taas oo beeninaysa marar badan oo uu yiri anigu ha lasoo qabtaan
iri waayo haday taasi jirto wuu ku noqon lahaa, waxuuna soo maray Magaalada
Xarfo(Buuryaqab) oo ay dagto beesha Suldaaku ka dhashay halkaas oo uu ka soo
qaaday Islaan bashiir oo daganaa magaaldaas isaga iyo Aabihiis Islaan C/lle
waligood, kadibna Islaankii guri baa la galiyey oo xataa tacsidii noo muu
imaan isagoo jooga magaalada, hada laftigeeda raga askarta ah oo C/laahi noo
keenay 6 waa reer Yey marka C/laahi lagu daro, marka yaad u haysataan
saacadaan maleh waxaan u haysanaa C/laahi iyo Beeshiisa.
Somalitalk: waxaa jirta marar badan in la yiraahdo beeshiina
iyagaa xal laga Waayey oo dad badan oo Cumar Maxamud ah ama C/laahi lagtigiisu
inuu isku dayey inuu xaliyo howshaan, maxaad ka leedahay taas?.
Axmed : arintaas iyada ah C/laahi waxuu haystaa Maamul,
Maamulkastana Barabugaanduu leeyahay, war faafin buu leeyahay, rayul caamka
wax loogu tala galay buu leeyahay, howshuna howl ku fudud wadanka ma’ahan,
hadaan idin xasuusiyo Markii ladilay Suldaanka qaar kamida Internet-ka C/laahi
afkiisa ku hadla waxay soo qoreen Suldaanku inuu ku dhintay dagaal iyo xabado
la is waydaarsaday, waxaase taas ka sii darayd markay soo qoreen C/laahi oo
Tacsi u diraya Ciyaalkii iyo Qoyskii suldaanka ka geeriyooday, marka arintu C/laahi
laftigiisa kuma fududa oo waxuu rabaa inuu Somalia wax ka noqdo.
Hadii marka lafidiyo in aan xal diid nahay waa barabugaan kaas oo kale
arintaasna waxba kama jiraan waxaana kuu cadaynaya taxanaha su’aalaha aad iga
waydiiseen howshaan.
Somalitalk :ugu danbayntii waxaa jirta in laga dhawaajiyo marar
badan in C/laahi Yuusuf aad ka dacwayseen Dalka Ingiriiska maxaa ka jira
arintaas?
Axmed: Waa jirtaa dacwadaas oo suldaanku wuxuu daganaa Lodon
wuxuuna haystay dhalasho Ingiriis ah, ciyaalkiisiina waxay dagan yihiin London
ilaa hada iyagaa halkaas kawada Maxkamad C/laahi ka dhana.
Axmed aad baad u mahadsantahay .
qoraa@somalitalk.com
Faafin: SomaliTalk.com | November 14, 2003
QORAALADII HORE EE LAGA QORAY MARXUUM SULDAAN HURRE
..
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|