Xaaladda Abaareed ee ka Taagan Gobolladda Sool ,Sanaag iyo Cayn oo ka sii
daraysa
Assad Caddaani Ibaraahin
e-mail: asadlaska@hotmail.com
Laascaanood
Xaalada abaareed ee ka taagan Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa iyadu
maalinba maalinta ka danbaysa ka soo daraysa, iyada oo ay arrintani sababtay
roobkii dayrta oo aan de'in xilligiisii, horena uu u yaraa roobkii gugu.
Roobyaraantan oo ka taagnay deegaankan afartiisanno ee aynu ka soo gudubnay
ayaa waxa ka dhashay deegaankii oo xaalufay iyo xoolihii oo haadan dabargo'aya,
waxaana intaasi u sii dheer biyo la'aan ba'an oo ka taagan deegaankan
roobyaraata awgeed.
Hay'adaha samafalka ayaa iyaguna hore qaylo dhaan ugu diray dawladaha
deeqda bixiya si ay ugu gargaaraan dadka abaaruhu ku dhufteen ee ku sugan
gobolada Sool, Sanaag Iyo Cayn, ilaa iyo haatanna wax gargaar ah oo soo
gaadhay ma jiro.
Goobaha ugu daran ee abaarahani ku dhufteen ayaa waxa ka mid ah, Deegaanada
Taleex, Xudun, Sarmaanyo iyo Fiqi-fuliye, oo ka kala tirsan Sanaag iyo Sool,
waxaana haatan halkaasi ka taagan xaaladii ugu xumaydee ee soo marta
deegaankaasi.
Dadka socotada ah ee deegaankaasi ka imanaya ayaa waxa ay sheegayaan in ay
dhawaan halkaasi ku dhinteen biyo la'aan awgeed laba qof.
Waxa kale oo ay abaartani ku dhufatay Degmooyinka Dhahar iyo Laasqoray oo
iyagana ay xoolihii haatan dhamaanayaan.
Degmada Laascaanood ayaa waxaa ka bilaabmay biyo dhaamis loogu gurmanayo
deegaanada abaartu ka dilaacday ee Taleex iyo Sarmaanyo, waxaana dhawaan
halkaasi lagaadhsiiyey booyado biyo ah oo ay dadweynuhu iskood isu xilqaameen,
si ay dadkaasi tabaalaysan u badbaadiyaan.
Waxaa iyaguna dhawaan socdaal xaqiiqo raadis ah sida ay xaaladu tahay
deegaanka ku soo maray xubno ka tirsan Issimada deegaanka ,oo safararo ku kala
bixiyey Hawd Iyo Nugaal, waxayna warbaahinta u sheegeen in ay xaaladu aad u
culustahay loona baahan yahay in qaylo dhaan aduunweynaha loo diro ,
Waxaana xusid mudan in ay haatan booyada biyaha ahi marayso 70$, iyada oo
ayba gabaabsi yihiin, ceelashiina sii gudhayaan, dadkii baraagaha lahaana ay
xidhanayaan biyahooda iyada oo laga baqayo in ay abaartu sii dabadheeraato,
waxaana la hadal hayaa haddii aanu ilaahay raxmaad shubin in lixda bilood ee
soosocda roobku raagi doono, ilaa iyo inta laga gaadhayo bisha afraad ee
sannadka soo socda, arrintan oo cabsi ku abuurtay dadweynaha deegaanka Sool,
Sanaag Iyo Hawd.
Dhinaca kale waxaa dhawaan iyaguna soo gaadhay magaalada Laascaanood dadku
caydhoobay abaaraha haatan taagan, oo hadda dul saar ku ah eheladooda ku nool
magaalada.

Assad Caddaani Ibaraahin
e-mail: asadlaska@hotmail.com
Laascaanood
Abaaro Lixaad leh oo Kadhacay Soomaaliya
Waxaa kadhacay Abaar Xaalufisay
Gobolada Sool, Sanaag, Mudug iyo Bari, Taasoo keentay in Xoolihii noolaa
Gabaabsi noqdaan, kaddib markii Daaqii ka dhamaaday dhulka..
Guji.. Nov 12
Abaarta Ku habsatey
Dhulka Soomaalida
iyo Halista kusoo foodleh shacabka...
Guji
Baaq Kuwajahan
Abaaraha ka Taagan Ogaadeeniya
Baaqaas oo kasoo baxay jaaliyadda
Absame ee Sweden
Guji
Xaalufin
Lagu hayo Dhirtii Jubada Dhexe Iyo J/Hoose
Taas oo lagu eedeeyey isbahaysiga Dooxada
Jubba iyo imaaraadka carabta oo qaybweyn arintaas kuleh maadaama...
Guji Nov 12
Ogaadeenya:
Roobkii Dayrta oo La Waayey
Gobolo badan oo kamid ah Ogaden ayaan weli..
Guji
..
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|