Guud ahaan dalka Canada waxaa ka dhacey doorashooyinkii Dowladaha hoose
10kii November 2003.
Dadka Soomaalida ah ee degan dalka Canada waxay ugu badanyihiin magaalada
Toronto Magaalo Madaxda Ontario, waxaana lagu sheegaa dadka ku nool Toronto
qiyaaso kala duwan una dhexeeya 70kun ilaa 55 kun. mana jirto cid sheegi karta
inta dhabta ah ee ku nool magalaada Toronto. Doorashadii Duqa Magaalada
Toronto (Mayor), waxaa ku guuleystey David Miller. Waxaa jira 44 Xogyahe (City
Councials) Wards. Etobicoke North oo ah meesha Soomaalida degaan ahaan ugu
badantahay Ward 2
waxaa iska sharaxey labo ruux oo Soomaali ah lana kala yiraahdo Mohamed Daahir
iyo Cabdi Jamac. Waxaase nasiib daro ah in aan labadooda midna helin
doorashadii waxaana ku guuleystey Xoghayihii Ward 2 oo ah Etobicoke North nin
la yiraahdo Ford Rob. Waxaa nasiib daro ah in hal Ward ay iska sharaxaan labo
ruux oo Soomaali ah, waxaana la sheegey in dadka Soomaaliyeed ee ku nool
Degaankaas ay soo jeediyeen in loo daayo doorashada Mohamed Daahir waxaana la
hubaa haddii ay isku deysan lahaayeen in mid ku soo bixi lahaa Doorashada. Waa
nasiib daro in aan dalka gudihiisa iyo Dibadiisaba isku afgaran weyno.Mida
kale dadka soomaaliyeed dhaqan uma ahan doorashadu mana ka qeyb galaan
doorashooyinka sabatoo ah dadka Soomaalida waxaa doorasho ugu danbeysey 1960 -
1969. kadibna ma arkin doorosho. Haddii aad weydiiso qof Soomaali ah
doorashada ma ka qeyb gashey waxaad heleysaa jawaabo kala duwan:-
1- Doorashdu waa xaaraan.
2- Maxaan ka helayaa.
3- Qofkii aan doortey ima yaqaan.
4- Waqti uma hayo.
5=-Kaasi waa tuug.
6- Waan iloobey Doorashadii.
7-See u gartaa qofka fiican.
8- Ma banaantahey doorashadu.
9- Danbi baa iga soo gaaraya haddii wax doorto.
10 Xaggee doorashadu ka dhceysaa
Waxaan filayaa iney tahey markii labaad ee dadka soomaaliyeed ee Toronto
kukala qeybsamaan ama qof u deysanwaayaan doorashooyinka, taasoo khasaaro
badan u soo jeedey dadka soomaaliyeed. Xata dadka Soomaalidu iskuma raacaan
iney codkooda siiyaan hal meel ama hal Musharax, Doorashadu ha ahaato Midda
hadda dhamaatey ee Dowladdaha Hoose( Local Governments ), ama ha ahaato middii
Dowlad Goboleedka oo dhacdey Septemberkii aan soo dhaafney ama ha ahaato
Dowladda DHexe ee hadda la sugayo Febraury 2004 (Federal Government). Waxaan
ku boorin lahaa dadka inta wax garaneysaa iney codkooda meel iskugu geeyaan
iskana daayaan qeybsanaanta dan uguma jirtee
Towfiiqda Allah Soomaali ha waafajiyo inta dhibeysana Allah ka qabto.
Yusuf Osman, London On.
QORAALADII HORE EE YUSUF KEENADIID