SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

CABDULWAXID WAA BISHII SHEYDAANKU XIRNAAN JIRAY!!!!

Baydan Samatar
baydan5@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa la xiraa shayaadhiinta, dadka muslinnimada sheegadka ku aheynna waxaa la faray in ay dawga toosan isku waanshaan kan siloonna ay iskaga digaan.

Xaqiidaasna, nasiib-darro waxaa cad in daka qaarkiis ay dhinac mareen oo walibana cid si naruuro leh khaladkooda u tustana la la'yahay iyadoo maanta dilka iyo dhaca caado laga dhigtay meelo badan oo Somaliya ka mid ah ayna jiraan dad sooma amaba salaada oo xoolo booli ah 13kii sanoo tegay xoog ku heystay.

Sidaas oo kale ayaan iyadauna ay jiraan kuwo kuwas la mid ah oo mar walba dhanka xumaha wada la safan oo buunbuuniya kuna darsaday xayeeysiinta dadka wadanka raba in ay kala gooyaan oo lagu soo kari la'yahay Somalinimada oo ah barta kulmisa qawmiyadatan ku dhaqan geeska Afrika.

Waxaas oo dhan , waxaan u soo qaatay markaan dowr goor arkay ninka la yiraahdo C/waxiid oo eedeyn aan jirin la daba galay PL balse ay aheyd in lagu daydo.

Sida la garan karo, dhismayaasha sharci-dararda ah waxay khatar ku yihiin nabadda guud iyo bilicsanaanta magaalooyinka, marka maamul kastoo jira oo daryeelaya danaha dadkooda iyo degaankoodaba waxaa waajib ku ah in ay la dagaalamaan wayaabahaas oo kale si ayan uga hor imaanin ama u hakin gurmadka loo baahan karo marka meel uu dab ka kaco amaba qeylo dhaan xagga amniga ah ka soo yeerto meel ka mid ah magaalada loogu gurmado.

Marka dhibaatada dhismayaasha waxay ka jirtaa wadanka oo dhan, tallaabada Gaalkacyo laga hirgaliyeyna waa mid amaan mudan anagoo ogsoon tallabadaas oo kale in ayan ka hirgali karin meel kale oo wadanka ka mid ah Allahaba kja dhigee Burco oo dugsigeedi sare loo gubay markii leysku dayey in laga raro dadkii deganaa halkaas 13kii sano oo tegay.

Teeda kale, anigoo ka mid dadkii dalka dib ugu soo noqday kana qayb qaatay horumarka Pl gaar ahaana magaalada Gaalkacyo ayaa waxaan halkaan hambalyo ugu dirayaa hogaanka siyaasadda ee maamul goboleedka la mahdiyey oo marka meel leyska dhigo hawlgalkan caadiga ah soo hooyiyey guulo waaweyn ee xagga siyaasadda ah muddooyinkii dambe.

Guulahaasna waxaa ka mid ahaa Zenawi iyo Bush oo mowqif mideysan ka qaatay in midnimada Somaaliya ay tahay lama taabtaan, ururadii caalamiga ahaa oo dhanna sida midowga Afrika,Jaamacadda Carabta ,Ururuka Islaamka, Igad, E.U,Iyo Mareykanak oo wada taageeray shirka Somalida ee Kenya walow suuqa wax kale galiyeen kuwa dawladnimada diidan.Waxaana muran laheyn in xafiiska Pl ee danaha iyo midnimada Somaliyana isagu qiimo gooni ah leeyahay oo la mid ah tii Ciraqiyiinta looga furay Washinhgton DC intii aanan la ridin Sadaam!

Runtiina, waxaan garan la'ahay caqliyadda foorarta ee Cabdulwaxid oo ku dhalisay in uu magaaladiisii quruxdeedii uu cambaareeyo isagoo dheh yuururara London.

Si kastaba ha ka noqotee, waxaa hubaal ah in dadka qaxootinimada ay ugu darsanto ma shaqeystenimada ay yeeshaan balwado iyo cuduro kala duwan, arrintaasna waxaa tusaalo u soo qaadan karnaa xaaladda Cabdulwaxid xaatan ka heysata cariga Ingiriiska oo aadba isleedahay walaalayaaloow ma wuxuu la ildaran yahay wiilkayagu "Stockholm Syndrome".

Hadalkeygiina waxaan ku soo gunaanaday in dadka qaarkiis ay Ilaahey u noqdaan oo umadda lagu waaniyo waxa wanaagsan inkastoo garmaqaatayaasha shanta farood leh ayan dan ka laheyn in xilligii sheydaanku xirnaan jiray aanu ku jirno iyo in kale!

Allah Yah Diinaa!

Baydan Samatar
baydan5@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 12, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD