SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
WAA LA DOOGIYE YAAN LA DACAROON. pilot

Cali diiriye nuur pilot:::::::london
liibaan33@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

dhamaanba ramadaan kariim dadka sharafta leh ee ku xeeran shabakadaha aqrintooda balse markaan aan uu soo gallo qoraalkaan maanta oo aan ku bilaawe, Ereyaga ah birmagayso ama bir-ma-geydo. Waxaana isku dayi dooonaa inaan falanqeyo anoo baadi goobi doona eraygaan macnaha loola jeedo hadaan qaldane waa la saxi karaa inshaa alahu.

Erayga bari-ma-gaydo asal ahaaan waxuu ka soo jeedaaa dhirta aan la gooyn jirin iyadoo lugu tixgalinayo harkooda , midnimadooda amaba isla markaaba waxaa loo isticmaali jiray xoolaha qaar ay ka mid yahiin Awrka, lagu guura ,neefka irmaaan, oo in la bireyaa ay xaraaan ahayd(dhaca qoraalka) Waxaa erayga loo adeegsaday dadka aanay banaanayn in la dillo amaba si kale loo dhibaateeyo xiligga ay colaaduhu jiraaan iyo xilli kalaba iyadoo wax yeeladooda laga fogaanayo xaq-caaqiibo iyo xag-cuqubo." Erayga bir-ma-gaydo" Magacyo badan baa meelaha qaarkood loogu yaqaanaa, Kuwaaas oo ay ka mid yahiin Xushmalayda xumaha ka reeban, Lama taabtaaan ama lama dhici karo xoolahiisa ,Sida aan soo aragnay soomalida dagaalo wey ka dhex dhici jireen..

 Sababuhu waxaay doonaaan ha noqdeen.Hase yeeshee waxaay mar walba dareensanayeen in aay yahiin dad is huran oo aan kale maarmi karin iyo in dagaal kasta mudo ha qaatee heer kastane ha garee, ay nabadi ka danbeyn doonto. Sidaas darteed waxaay iska ilaalin jireen in colaada lugu talax-taggo oo la gaarsiiyo heer lugu kale colooba oo aan baritto laga heshiin karin lane soo ceshan karin xariirkii sokeeyanimo,Qaraabonimo,Darisnimo ee dadka uu dhaxeeyay..Markaaas in kastoo la colooba oo la dagaalamo waxbaa layskula hari jiray, Waxaana jira waxyaabo laga sariigto umadane been looma sheego.

Ddka soomaliyeed waxaaay ahayeen dad sharaftu la weyn tahay sumcadoodane aad uu ilaashada, Ninkii ama qabiilkii falal fool xumo ah oo dhaqanka wax khilaafsan xiliga colaada iyo dhibaatadu jiraan, Hadaba fal colaadeedka iyo ku talax-tagga iyo bahalnimadu ku jiraan ee ka baxsan xeerka dadnimada waxaa la odhan jiray,caaqilo ama cuqubo, Tasoo la rumeysnaa in cawaaqib-xumadeedu ay cida gasho facyaal badan la socon jirtay sida ka muuqato tuducyadaaan cabdi gahayr::::::::::

  • Caaqillo halkii lagu galay, Cow ku hurudaaye
  • caruurteey ka laysaa ninkii geesiga ahaaye......calashaan dhaca qoraalada

Si loo hubiyo inaan laga tagin shrafta iyo gobanimada marnaba laga tagin waxaay dadka soomaliyeed yaqaaneen amaba ahayd amaba dhigan jireen xeer adag oo si cad uu qeexaya cida ay tahay in la nabad galiyo iyo waxa ay tahay in la dhowro, Xiliga colaada, Xeerkaas waxaa loo yaqiinay xeerka biri-ma-gaydo, Hadaba nin gabyaa ah oo la yiraahdo Dalaayad baa waxuu ku yiri tix uu arintaan kaga hadlayay:::::

  • Cirkanooo gobshoobiyo, Dhulkooo goosi laga waaayay;
  • Guntintiyo hangooollada markiii, guunyo lugu dooojo;
  • Dhirtaba geed malko ah baa jiriyo, Lama garaaacaane;
  • Biri-ma-gayduuu dadkuna leeyihiyo, Lama guhaadsheene;
  • Gardariryo ninkaan lagu ogayn; Gacan.fudeyd toona;
  • EE gana tukubihiisa waa , Lugu gargaaraaye;
  • Gudo baas mid laga keenayo, garaca mooyaane;
  • Ma gilgilo dugytida ninkiii, Aw ka soo go,aye

Aqristoow xeerka bir-ma-gaydadu waxuu samaynaayay noocyo gaar ah dadka ka mid ah, Kuwaas oo ay ahayd in mar walbo aan wax dibindaabyo ah laga ilaasho. Xeerkaaas dhowristiisu waxaay ahayd mid ahmiyad gaar ah la siiyo xiliga colaaduhu jiraaan dadka uu quseeyaana, Waxaa ka mid ahaa culimada,hogaamiyayaalka dhaqameedka, Hadaba kooxahaas waxyeeladooda waxaa loogu fogaan jiray iyadoo laga baqaayo ceeb ama cuqubo ama iyadoo caqiiibo la xeerinaayo, Hadaba bushada raydka ah waxaa dilkooda laga dhaxli jiray ceeb, cuqubo iyo caqiibo xumo intaba. Ninka caruurta iyo waayeelka ku hoos noqdaaa

waxaaa loo arki jiray nin fuley ah oo dadka dagaaalkiisa ka soo baqay, Kuna ciil baxaya ama ku cara burburaya maatadda leynteeda . Dhinaca kale hadii laga eego, caruurta iyo dumarka waxaay ka dhignayeen iyo abuurka suura gelinayey taranka iyo waaritaanka mujtamaca, Haddii la laayane waxaay noqoneysay sidii gunta laga jaray, Taaasoo bulshada uu horseedi lahayd dhamaaad iyo dhabar go,.. ninka maanatadiisa la laayay waxaay ku haan jirtay arin uusan waligis ka sabrin nabadna ka qaadan, Sidaas darteed maanta laynta waxaay keeni jiratay colaad aan damin iyo godob aan harin sida ku cad odhaahdaan (Maato la laayay maallo reebtay) Waxyeelaynta waayeelka iyo fal colaadeed kasta oo ku sifooba foolxummo Iyo xad dhaafnimo waxaa lagu tilmaami jiray (Hiiro) oo macnaheedu yahay "Falkii hiiraanyada ama uurkutaallada reebay"..Waana tii lagayiri::

  • Hanti waa la ilaawaaye; Hiiro lamma illaaawo.

Waayeelku sidaas oo kale, Ninku haddii uu weynaado oo uu gaaro da, uusan hub ku qaadi karin,Dagaalna ka qayb gali karin waxaaa lugu tirin jiray maatadda . Dagaal kasta oo dhaca, Ninkaas oo kale dilkiisu waxuu ahaa sida dilka caruurta iyo haweenka mid ceeb iyo magac-xumo laga dhaxlo, Colaadane sii fogeeya. Hadaba sheeko tilmaamaysa sida loogu xumaan jiray dhibaataynta wayeelka baa waxaay leedahay ama wayeelka saan-jiifka ah ayaa isagane dilkiisa iyo dibin-daabyadiisa laga caaganaa iyadoo cadada somalidu ahayd in hadii dagaal dhaco lala dagaalamo layska celiyo ruuxii kula dagaalami kara oo kaliya. Sidaa awgeed hadii beel la weraro oo logu tago nin in la dilo waxaay ahayd wax dhaqanka iyo dadnimada ka baxsan, WAAYO? Waa wayeel waxuu ka tirsan yahay maatadda ama dadka aan awooda lahayn ee dilkoodu reebanaa, Culimadu ama xerta ragga soomaliyeed waxaa loo kale saari jiray; Wadaad iyo waranle, Wadaadku waxuu ahaa nin ilaah uu go,ay oo ka caagan waxyaabo badan oo ninka waranlaha ah uu furnaa sida dilka iyo dhaca, Wadaadu waxaay ahaayeen dad aan ku dhaqmin ficillo qabiil, Hub qaadan, Dagaalna ka qayb galin. Sidaa darteed waxaay door weyn ka qaadan jireen dhex dhexaadinta iyo nabadeynta qabaa,ilka markay colaadi dhacdo.. Taasi keentay in wadaadadu sahay la,aan uu maraan iyagoo huba in ay cid walbo marti gelin iyo soo-dhaweyn doona sida ku cad gabayga sayid maxamed cabdile xasan ee uu ku yiraahdo::::

  • Wadaadkii kitaabbo leh inaan, Wan uu qalaa weeye;
  • wayllaalis inaan meel dugsoon, Ugu waraa weeye;
  • walanqihiyo dhayada inuu, walamsadaa weeye;

Waxaa wadaadada loo haystay iney yahiin dad karaamo leh, Isla markaana leh awood gaara ah oo ilaaheey siiyay habaarkooda iyo ducadoodana markiiba wax arko. Sidaa daraadeed waxaaa la aaminsanaa in qofkii wadaad dila ama si kale uu dhibaateeyaa uu galayo cuqubo iyo caaqilo tii ugu xumayd... Hadaba ninka reer abtigiis ama xididkiis la dagan ama dan kaleba meel tolkiis lagaga badan yahay uu jooga, Hadii qolada uu ka dhashay iyo qolada uu la degan yahay dagaal dhexmaro, Waxuuu ahaaan jiray lamataabtaan isagoo magantaas uu ah guud ahaan qabiilka uu la joogo, Gaar ahaana koox ama qof ka mid ah.. Wxaaa kaloo dhici jirtay lamataabtaankaas isagoo magantaas uu ah guud ahaan qabiilka uu la jooga, Gaar ahaana koox ama qof ka mid ah waxaa kaloo dhici jiratay in laba qabiil is dilayo,DAD midkood ama labadba ka tirsan ay magan galaan qabiil sedaxaad oo ka isugu dagaalka dhex dhexaad ka ah waxaa kaloo intaas soo raaci jiray nin dagaal lagu qabtay oo colka qabtay nin ka mid ah ama la qola ah magan galay...Si kastaba ha ahatee maganta cida ay uu gashaana ma dili jirin, Hadii cid kale kale hoos baxdo dishana waxaay ahaan jiratay arin xad-gudub weyn iyo xumayn ku ah cida maganta loo yahay oo ay dagaal iyo dhiig daata ka xigi jirey,Ninka magantiisa la laayane waxaay ka dhignayd in isaga la dilay, XUmaanta arintaaasi leedahay isagoo tilmaamaaya waa kii cabdiqaadir haniiig lahaaa::::::

  • Inkatoo walaalkaaa la mirro, Waa magdhabataaye;
  • Manno kaleba waa loo samraa, Way ku soo mariye;

Aqrista waxaan filayaa inaan gabayada aanan ku ficnayn,lakiinse aan ogahay inaad maanta ku wada nasan doontaan qoraalkaaan diiran kolay cidna kuma socda qoraalka anigane dadka uma jawaabo maxaa yeelay wax laysku haytaa ayaanba jirin:::::::::

Qore

Cali diiriye nuur pilot:::::::london

liibaan33@hotmail.com

ama tigaana_52@hotmail.com 

 QORAALADII HORE EE PILOT

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 12, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD