SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ALMANHAL
GURMAD DEGDEG AH ABAARAHA KU HABSADEY SOOMAALIYA

[Sakaatul Fidriga]

Booyadii Biyo ah Waxay gartey meelaha qaarkood USD$45 ilaa 60 Doolar

asalama alaykum,

Walaalayaal salaan kadib, sida aad la socotaan waxaa Dalkii ka jira abaar xoog leh oo aad u saameysay xoolahii, dadkii iyo noloshii oo dhan.

Waxaa dhacay gobolada qaarkood in reer baadiyihii tuulooyinkii ka soo qaxeen oo magaalooyinkii soo dhoobteen, xoolahoodanii qaarna le'deen qaarna ka soo tageen, markay Daaq iyo biyo u waayeen.

Sidoo kale dadkii baa waayey biyo ay cabaan, deyrtii la sugayayna weli ma da'in, haddii ay arrintu sidaa ku sii socotana khatar weyn baa laga baqayaa Ilaahay ha ka badbaadiyee.

Jamciyada ALMANHAL waxay gurmad u fidisey dadkaas abaaruhu waxyaaleeyeen , waxay u dirtey afur, timir aan weli la qeybin, iyo booyado biyo ah oo hadda howshoodii socoto.

Booyadii biyo ah waxay gartey meelaha qaarkood 45-60 USD.

Walaalayaal waxaan idinka codsanaynaa inaad dadkaas walaalaheena ah aad il naxariis leh ku eegtaan oo aad u soo uruurisaan sakaatul fidriga wakhti fiicana soo dirtaan si ciida ka hor loo gaarsiiyo.

waxaad ku hagaajisaan waxii tabarucaad ah xafiisyadeena:

Laascaanood: Abdiwahid Hashi Hasan  email xashi51@hotmail.com

Bosaso: Khaliif C/raxmaan Maxamed tell: 728637

Muqdisho : Abdullahi Abubakar Xaaji tell: 658235

Hargeysa : Jaamac cabdi axmed tell: 524029

Nalana soo socodsiiya si aan u gaarsiino farrinta.

Walaalkiin

Abdirahman Hussein
almanhal@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 11, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD