NAIROBI: ku xigeenka Arrimaha siyaasadda Xoghayaha guud ee qaramada midoowey
muddane Kieran ayaa saakey Intercontinental hotel ku la shirey Hogaamiyayaasha
siyasadda Soomalida ee ku sugan madasha shirku uu haatan ka socdo ee Mbagathi.
muddane Kieren ayaa u sheegay in loo baahan yahay Dawlad ka dhalata Soomaaliya
iyo nabadgelyo waarta geeska Afrika, Soomaaliya aayaa sanadan ugu danbeeyey
waxa ay noqotey goobaha ay ku dhuumaleystaan Argagixisada caalamka ,si taasi
looga baxo waa in dabayaaqada sannadkan (2003) la helaa dawlad ka dhalata
shirkan socdey mudada sanadka.
Mr. Kieran ayaa soomaalida iyo dawlada kenya ka codsadey in dib loogu soo
celiyo hogamiyayaasha ka maqan shirka ama ka baxey, si loosoo afjarro
dhibaatada iyo silica soo jiray muddada 13-snno ,ka dib loo dhiso ama dib loogu
wada hadlo arrimahii la isku afgaran waayey ee ku sabsanaa dastuurka.
Qaramada Midoobey waxa ay mar kale soomaaliya u magacawdey Ambasator Mohamed
Sahnuuni iyo Winston Tubman oo ah wakiilka shirka nabada Soomaalida ee
Xoghayaha guud.
Masuulka kooxaha uu la shiray ayaa waxaa ka mid ahaa ururada bulshada ,waxa
uuna u sheegay in dadaal muujiyaan ,abaabulaalaan ,baraarujiyaan ,shirka si
looga gudbo dabaca soo galey shirka labadii bil ee ugu danbeysay.
Mr. Kieran ayaa shaley la kulmay madaxweynihii hore ee Kenya
Daniel Toroitich Arap Moi waxa uuna kala hadley arrimaha Soomaaliya
iyo suudaan oo hada dhameystir u bahan.
Hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa waxaa u hadley
Mowliid Macaani iyo
Maxamed
Saciid Xirsi Moorgan oo kala ah Gudoomiyaha Hogaamiyayaasha iyo ku
xigeenkiisa, waxa ay inoo sheegeen in ay diyaar u yihiin wado walba oo lagu
xalin karo arrihii la isku maandhaafey iyo dib u soo celinta walalaheen shirka
ka tagey.
Mr.Kieran ayaa horey warbixin ugu dhageysay muddane Bathuel Kipligat Oo ah
Guddoomiyaha shirka dib heshiisiinta Soomaalida ee haatan ka socda Mbagathi.
Mudane Kipligat ayaa saxaafada wax ay waydiisay suaal aheyd in koox uu gaar
ah garab siinayo ,waxa uu ku jawabey Aniga Soomaalida arrimaheeda waan la
socdaa oo 1976- ayaan ka mid ahaa wafdi metalayey
ama ka socdey Dawlda Kenya ,sideeda kale waxaa igu horeysay Eldoret,waan la
shiraa waana ka tagaa, cid aan si gaar ah u jacleysayo ma jiraan, haddna shirka
waa uu soconayaa nimankaasi maqan waxaan ka codsaneynaa dhamaan caalamaka iyo
qaramada midoobey in ay garab nagu siiyaan wadadii aan dib usoo celin laheyn
hogamiyyaasha shirka ka caroodey. Looma baahna hadii aad wax dhib sato in aad
aamusto oo iska baxdo, meeshan haddii khilaaf iyo arrimo la dhameynayo raggu
waa is qabtaa ,waana wada hadlaa, waa heshiiyaa, ayuu hadalkiisa ku soo koobey
Mr. Kipligat oo aan kula kulaney Barxada Intercontinental Hotel ee magalada
Nirobi saakey.
Dhamaad.
Abdikarim Aden hussein.
Nairobi ,Kenya
abdikarimhussein@hotmail.com