Haddii aan in badan dhex maaxi jirey dad aan
ila sinjiyad ahayn oo Sawaaxili iyo masuunguba leh iminka waanigaas sii dhex
jibaaxaya boqolaal walaalo Soomaaliyeed oo aanan marnaba kala didaynin. Af
shisheeye oo lagu wada hadlayaa haddii uu dhegahayga in badan weerar joogto ah
ku hayey iminka waanigaas dhex taagan meel aan jabaqdii yeedhaba ujeedadeeda
iyo macneheeda si fog u fahmayo.
Hadal badan dan baa dhaantee magaalada
Muqdisho markii aan soo galayba waxaan bilabay inaan booqdo dhinac kasta oo ka
mid ah magaladan quruxda iyo qiimaha badan balse uu dadkeedii Soomaliyeed
fadhataystay ama madfac aan Gacal lagu ridin meelo aan gacal deyin kala
beegsaday. Ugu horaynba waxaan wajahay Xamar weyne oo ah meelaha ugu daran ee
ay masiibadu haleeshay. Waxaan daawaday Al-Curuuba, Bangigii Ganacsiga,
Bangigii dhexe iyo wixii la hal maala oo aad moodid inay ciidamada Soomaalida
neceb ee Itoobiya si axmaqnima ah u bur-buriyeen. Marka aan halkaa marayno
waxaa na daba socday baabuur Baroon la yidhaahdo oo ay hareeraha maleeshiyo
hubaysani ka raaracaan. Gaaladii ila socotay oo sidii Riyo man loo dhigay ku
qamaamaya inay sawiro ka qaataan dhismayaasha ayaanka daran ee ay dadkii lahaa
dhulka la simeen ayeey qaar maleeshiyada ka mid ahi ila socodsiiyeen inaanu ku
jirro sakal khatar ah maadaama aanu ku gudo jirro lama galaay aan maleeshiyo
duur gal ah mooyee cid kale cagaha dhigin. Markii aan saaxiibaday arrintaas u
sheegay kumay farxin waayo waxaa u muuqatay lacagta adag ee ay heli doonaan
sawirada ay ka qaadaan faras magaalihii hore ee Muqdisho oo iminka gorof u eg.
Qofkii Soomaaliya ee indho gacal goobtaas aan
soo sheegay ku dhugta dareenkiisu wuu is bedelayaa, waxaana tin iyo cidhib
xulaysa wel wel iyo walaac uu ku lafa gurayo talaabada taas xigta ee ka iman
karta dadkiisa ficiladaas ku kacay.
Ilaa shalay waxaan ku wareegayey Koonfurta
magalada Muqdisho, waxaa ka muuqda deganaan aad u saraysa, dadku badiba waxay ku
hawlan yihiin shaqooyinkooda gaar ahaaneed, dhismayaashuna badiba way nabad
qabaan marka laga reebo xarumihii ciidamada oo ay fool xumo iyo fagasho badani
ka muuqdaan. Dadka hubaysan ee aan ilaa shalay arkay waxay ahaayeen kuwa
hubkooda ku haya shaqo ee aan u wadan inay cid ku waxyeeleeyaan. Qoryahaan
arkay waa kuwa ganacsi lagu waardiyeeynayo, kuwo baabuur lagu ilaalinayo iyo
kuwo nin madax ah ama nin ganacsade ah nabad gelyadiisa ku foogan. Waana dhif
iyo nadir inaad koonfurta Muqdisho ku aragto cid qori ku laafyoonaysa. Shalay
galab markii aan koonfurta Muqdisho dhex dawaafayey waxay igu kaliftay inaan
darawalkii gaadhiga weeydiiyo inuu I tuso cid si madax banan u hubaysan.
Xaafadaha qaarkood sida Hawl wadaag iyo Hodan waxay u muuqdaan sidii ay waayo
waayo ahaan jireen, nabad gelyada aagaasina aad ayuu u sareeyaa. Nin aan
xaaladda magaalada Muqdisho wax ka weeydiiyey ayaana ii sheegay inay nabad
gelyada magaaladu fiican tahay lakiin haddii uu dagaal dhaco ay markiiba si
lama filaan ah xaaladdu u xumaan karto, waayo buu yidhi haddii ay laba
maleeshiyo rasaas isku furaan iyagana khasaare ayaa soo gaadhaya shacbkana
dhibaato lixaad leh ayaa haleelaysa.
Halkan in kastoo uu af duub ka jiro haddana
af duubku iskama yimaaddo ee wuxuu ku yimaaddaa qaab si cilmiyaysan looga
baaraan degey, sida cilmi baadhis lagu sameeyey qofka la af duubayaa midka uu
yahay waxa uu haysto IWM. Laakiin haddii aad buur ku tiirsan tahay way adag
tahay sida laguugu soo deg degaa, masalan maalintii oo dhan waanu shaqaynaa
waxaana nala socda ilaalo naloo ratibay oo aad u dhiifoon. Hotel Saxafi oo ah
hooy aad u qurux badan oo mudan in ay dadka safrayaa ku soo noq noqdaan ayaan
ninka iska leh weeydiiyey sababta uu maleeshiyada badan noogu daray maadaama
aan arkay inay magaaladu aad u xasiloon tahay, wuxuuna ii sheegay in haddii
martidiisa la wax yeelleeyo uu cabsi ka qabo inay sumcadda hoteelkiisu lunto.
Dhinaca siyaasadda ayaa ah dhibaatada keliya
ee magaalada Muqdisho mushkiladda ku noqotay waayo dhamaan dadku halkan waa
walaalo marka ay wada shaqaysanayaan, sida ay isu dhex maryaan, kaftanka ay is
dhaafsanayaan iyo sida ay isu xushmaynayaan laakiin waxay kala qabaan figrado
aad isu diiddan oo si weyn u kala qoqobay. Markii aan shalay magaalada dhex
marayey waxaan garowsaday hadal uu nin Soomaliyeed igu yidhi oo ahaa: “magaaladu
wax kale ma qabtee dawlad uun baa ka maqan”. Waxaan qabaa haddii
khilaafka siyaasadeed meesha laga saaro inay xamar noqon lahayd halka
Soomaaliya ugu nabad gelyada badan waayo hadda oo ay aad u jaah wareersan
tahay oo ay dad badan oo aad u kala duwani ku nool yihiin ayaad ku arkaysaa
dad afarta jaho ka kala yimid oo Soomaali iyo shisheeyaba leh oo si nabad ah u
soo galay ugana tegaya.
Intii aanan Muqdisho booqan waxaan ka haystay
figrad gebi ahaanba beenowdey oo ku soo aroori jirtey weligaa ha tegin,
laakiin hadda markaan imid waxaa aad iigu yaraatay 3 beri oo ku talo galkaygu
ahaa inaan ka shaqeeyo. Waxaan Xamar ku ogaaday in figradaha xun xun ee
Muqdisho laga fidiyey ay ka qayb qaateen maleeshiyooyinka hubka ku ugaadha ee
haddii uu dhibku dhamaado moodaya inaan loo baahnaan doonin oo cidda ay markaa
ilaalinayaan ama la shaqaynayaan xaalad xun oo been abuur ah u muujiya. Tan oo
kale annaga ayeey shalay na qabsatay meel aysan waxba jirin ayeey kuwii na
ilaalinayey noo sheegeen inay ciidamo wax diirtaa ku jiraan, laakiin markuu
abwaan hab dhaqankooda yaqaan hubiyey warkaasi wax jira ma noqon. Wiil
hubaysan oo qori Aaka ah degta ku sita oo ilaaladayada ka mid ah ayaan
weeydiiyey inta sano ee uu qorigaas sitey wuxuuna ii sheegay inuu 12 sano
guudka ku sitey, markaan ogaaday da’diisana waxaan fahmay inuu 12 jir qoriga
ku qaatay. Waxaan wiilkaas weeydiiyey sababta uu qoriga u sito wuxuuna ii
sheegay inuu wixii ka soo gala quuto.
Dhinacyo si xille u dumay Muqdisho guryaheeda
ha ku jireene waxaa iyana jira dhismayaal qurux badan oo xiligan dagaalka
Muqdisho ku soo kordhay. Waddooyinkuna in kastoo ay bur bureen haddana waxaa
jira kuwa badan oo bed qaba. Tirada dadka magaalada ku nooli ma aha dad aad u
tiro badan, waxaadna yaqiinsanaysaa odhaahdii Ruushaka ee ahayd: “meeshii
uu Kalaashoov ku soo bato dadka ku yaraada” Waxaan warbixintaydan aan
deg dega ku qoray ku soo af jarayaa ereyga aan ciwaanka uga dhigay ee Muqdisho
sida la moodayo ma aha mana bed qabto.
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Muqdisho, Somalia
E-mail: imdeeq@hotmail.com
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
....
WARARKII
KALE EE DECEMBER -GUJI
com