DIGNIIN KU WAJAHAN ARDAYDA DUGSIYADA SARE EE ISU
DIYAARINAYA JAAMACADAHA USA
Tarjumadii SomaliTalk.com | May 10, 2003
- Baraarujin: Lacag Deeq Waxbarasho oo aan
waba ka jirin
- Sidee Lacag Ku Bixinayaa anigaa lacaag la
ii ballan qaadaye!!!
Barnaamij baraarujin ah oo uu sii daayey
Telefishanka maraykanka ee lagu magcaabo CBS ayaa sheegay in ay soo shaac
baxeen barnaamijyo ardayda lagu hodayo. Waa barnaamij ardayga loogu ballan
qaadayo in uu heli doono lacag deeq waxbarasho ah, laakiin ay shardi tahay in
uu ardaygu marka hore bixiyo lacag khidmo ah oo gaareysa ilaa $1000.
Khidmadaas weeye tan digniinta hadda laga
bixiyey. Sidee lacag ku bixineysaa adigoo lacag laguu ballan qaaday?
Baaritaan uu sameeyey TV-gu ayuu ku sheegay in
lacagahaas deeqda ah ee ay shirkaduhu ardayda u ballaan qaadayaan ay tahay
waxba kama jiraan iyo khiyaamo bareer ah oo ay tahay in laga fogaado si aan
dabinkaas loogu dhicin.
"Haddii aad lacag bixineysid si aad lacag
u heshid waa dhagar ama khiyaamo" sidaas waxaa yiri lataliyaha Dallas
guidance, oo lagu magcaabo Patty Sisco oo uu TV-gu soo xigtey.
Waxaa warku intaas ku daray in shirkadahan soo
shaac baxay ay ardayda u dirayaan waraaqo ay ku qoran yihiin hadalo ay ka mid
yihiin kelmedo ay ka mid yihiin: waqtigii aad lacagta dalban lahayd waa la
gaarey, in aad hadda dalbatid haddii kale waqtigu waa ku dhaafayaa iwm.
Hadaladaas waxaa lagu tilmaamay kuwo cabsi gelin ah oo aan waafaqsanayn
anshaxa.
Hooyo reer Mexico ah [Mexican immigrant] oo
magaceeda la yiraahdo Maria Sanchez iyo gabadheeda Brenda waxay laga
khiyaameeyey lacag boqolaal doolar ah ka hor intii aaney lataliyayaasha
Iskuulku arintaas uga digin.
TV-gu waxa uu sheegay in dawladda dhexe ee
Maraykanku ay ku qiyaastay 350,000 [saddex-boqol iyo konton kun) oo arday
iyo waalidkood in sannad kasta laga khiyaameeyo in kabadan $5 million taas oo
ah ballan qaad aan waxba ka jirin oo ay u sameeyeen shirkado, shirkadahaas oo
qayb kamid ahi ay diideen in ay waraysi siiyaan TV-ga. Shirkada diidey in ay
waraysiga bixiso oo TV-gu baaritaan dheeraad ah ku sameeyey waxaa uga soo
baxday in dacwado badan shirkadaas horay uga yaaleen sida ay cadaysay qaybta
ganacsiga hufan u qaabilsan maraykanka.
Waxaa TV-gu cadeeyey in ay Jaamacadaha USA
leeyihiin qaybo u qaabilsan deeqda wax barasho, kuwaas oo aan ardayga wax khidmad
ah ka qaadayn.
Bilahani waa waqtiga ugu badan ee ay ardaydu
heli karaan waraaqo waxbarasho ka hadlaya maadaama ay xirmayaan dugsiyada sare,
sidaas darteedna ay arday badani kasoo qalin jebinayaan dugsiyada sare, kuwaas
oo diyaar u ah waxbarasho machad ama jaamacad.
Haddaba haddii
laguu soo diro warqad kuu ballan qaadeysa in aad heshay deeq waxbarasho, oo markaasna isla warqadaasi kuu
ku weydiineyso in aad iska bixisid khidmad, markaas
xusuuso "Sidee lacag ku bixinayaa anigaaba lacag la ii ballan qaadaye"
Habka kale oo aad khiyaamadaas uga badbaadi
kartaa waa in aad toos ula xiriirtid jaamacadaha aad qorshayneysid in aad
dhigan doontid, gaar ahaan la xiriir qaybta jaamacada u qaabilsan deeqda
waxbarasho ee loo yaqaan "Financial Aid"- Jaamacadaha badankoodu ama
dhammaantood qaybtaas waa leeyihiin.
Tarjumadii Maxamed Cali
somalitalk@hotmail.com
Minneapolis, MN
ISHA: http://www.cbsnews.com
May 10, 2003
Kulaabo Bogga
Hore....
Dhibaato
Weyn ayaa Soo Martay
Laakiin wuxuu hadda higsanayaa Derejo
sare,
waa cabdinaasir haji-Bare oo ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota oo.. GUJI..
9/5/3
...Labo
halisood ee Qarnigan Soo Food Saaray Soomaalida..
...Waxbarasho ee
BDeeqdii Waxbarasho ee Bill Gates
Xafladii Ardayda Soomaaliyeed ee Dhigta Dugsiga Sare ee Edison, Minneapolis GUJI.....
ARDAYDA
SOOMAALIYEEED EE DHIGTA JAAMACADDA MINNESOTA
150
arday Soomaaliyeed ayaa dhigta Jaamacada Minnesota
HABEENKII
SHOWRKA SOOMAALIDA MINNESOTA
Caruurta
Somaliyeedow Ilaah baad leedihiin
<><>
Cabdul Fataax waa
xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
<><><>LINKS<><><>
Weydii Dr. Math [Ask Dr. Math]
http://mathforum.org/dr.math
Weydii Su'aalaha Sayniska [Ask Science
Questions]
http://www.sciencepage.org/question.htm
Khariidadaha iyo Joqraafiga [Maps and
Geography]
http://www.nationalgeographic.com/resources/ngo/maps/
|