Soomaaliya intii u dhexaysay sannadihii 1960 ilaa
1969
Maxamed Xaaji Caddoow
London, England
Email: mohamedadow@hotmail.com
|
Ka dib markii, siduu abwaan Soomaaliyeed hore
u yiri “ay curatoo mataanaysay” oo uu abwaanku murtida ku cabbirayay
curashada dawlad qaran oo Soomaaliyeed ee ka dhalatay is-raacii labadii qaybood
ee dhulka Soomaalida ee ay mustacmiriintii (gumaystayaashii) Britain iyo
Talyaanigu kala maamulayeen ee la kala oran jiray Maxmiyaddii British
Somaliland iyo mustacmaraddii Italian Somaliland ee ay Maxmiyaddii British
Somaliland ka xorowday mustacmirka Britain 26-dii Juun ee sanadku markuu ahaa
1960-kii, oo shan maalmood ka dibna oo ku beegnayd 1-da Luulyo ee sanadkii
1960-kii ay iyadana heeryadii gumaysiga laga dul qaaday mustacmaraddii Italian
Somalilnd, oo si rasmi ahna u midoobay isla 1-da Luulyo ee sanadkii 1960-kii,
ka dibna la magac baxay magaca Jamhuuriyadda Soomaliya ayaa qaab- dawladeedkii
ugu horeeyay ee dalka lagu dhaqo loogua yeeri jiray maamulkii rayidka (madaniga,
shacbiga) ahaa, ayadoo xukuumadihii dalka soo maray intii u dhexaysay 1960-kii
ilaa iyo sanadkii 1969-kii loogu magac daray Dawladihii Rayidka ahaa oo sida
laga fasiran karo erayga rayid ay majaraha siyaasadeed ee xukunka dalku
qabteen madax rayid ah oo aan ciidan ahayn. Sadarrada uu maqaalkan ka
koobanyahay waxaa xuddun ah oo ay diiraddu saari doonaan mid ka mid waayadii
siyaasadeed ee ay Soomaalida soo martay oo ay dawladnimadu ugub ahayd,
siyaasadda dalkuna curdun ahayd. Wuxuuna maqaalkan dib u jalleecayaa oo uu
faaqidaad kooban iyo muqaal guud ka bixinayaa qaar ka mid ah dhacdooynikii
xilligaas iyo hab-dhaqan siyaasadeedkii dalka Soomaaliya ka jiray xilliyadii
Dawladiihii Rayidka ahaa ee u dhexaysay sannadihii 1960 ilaa 1969.
Inkastoo labadii gole ee sharci-dejinta1ee
ka kala jiray labadii geyi Soomaaliyeed ee ay gumaystayaashii Biritain iyo
Talyaanigu kala xukumayeen ay si buuxda u ansixiyeen midowga labadii qaybood ee
dhulka Soomaalida, haddana ma jirin haba yaraatee wax mucaahado amaba heshiis
ah oo dhex maray labadii qaybood oo ku saabsan awood-qaybsi siyaasadeed oo ma
uusan jirin baayactan (gogortan) ay labada qaybood wada galeen oo la tacaalayay
ilaa xad heerka awoodihii ay yeelan lahaayeen labada geyi ka dib isku darka iyo
istiqlaal gaaridda. Waxaana si wayn uga dhex muuqday dawladdii cusbayd ee ka
dhalatay is-raaca madax ka soo jeeday waxa loogu yeero gobollada Koonfureed
“reer-koonfur” ama si kale haddii loo dhigo Italian Somaliland. Reer
koonfureedku waxay qaateen jagooyinkii uga waawaynaa ee dawladda. Masalan
jagooyinka ay ay reer koonfureedku ka hayeen dawladii ugu horraysay ee rayidka
ahayd (waa xukuumaddii uu madaxda ka ahaa Madaxwayne Aadan Cabdulle Cusmaan
Dacar) waxaa ka mid ahaa: jagada madaxwaynenimada; jagada ra’isul
wasaaranimada; jagada Taliyaha Ciidamada Booliska; Taliyaha Ciidamada
militeriga (Xoogga Dalka); jagada wasiirka gaashaandhigga; jagada wasiirka
arrimaha gudaha iyo jagadii wasiirka arrimaha dibadda. Magaalo madaxdana waxaa
loo soo xulay in ay noqoto magalada Muqdisho oo noqotay xaruntii dalka. Waxaana
beenowday riyo ay qabeen siyaasiyiintii gobollada Waqooyi oo ahayd in
tanaasulkii ay muujiyeen lagu abaal marin doono oo ay helayaan matalaadii ay ka
quudarraynayeen dawladdii cusbayd.
Sanadku markuu ahaa 1962-dii dawladdii ugu
horraysay ee rayidka ahayd waxay dalka u yeeshay cumlad (lacag qaran) oo loo
bixiyay SCELLINO SOMALI (Shilin Soomaali). Dawladdu waxay kaloo sanadkii
1963-dii dejisay qorshe loo bixiyay “Qorshihii Shanta Sanadood”. Dawladdu
waxay taageero u fidisay dareenkii “Soomali-wayn” oo uu gundhig u ahaa
yoolka dib u midaynta dhulalkii ay Soomaalidu degto oo uu weli isticmaarku
xukumayay ee French Somaliland (Jabuuti), Ogadeen (Itoobiya), Northern Frontier
District (NFD) ee Keenya, tasoo keentay in Soomaalidii ku hoos noolayd
gumaysiga ay si cartan iyo dhiidhi ay ku jirto dagaallo goos-goos ah uga
abuureen dhulalkii ay degganaayeen. Mid ka mid ah dagaalladaasi oo ka dhacay
NFD waxaa loo bixiyay “Dagaalkii Shiftada) wuxuuna dhacay horraantii
lixdamaadkii.
Waxaa dalka ku baahay axsaab (ururro)
siyaasadeed ku-sheeg fara badan oo magaca mooyaane laf iyo ludba ahaa qaabiil
suuradiisa (bidhaantiisii) gediyay oo aan lahayn haba yaraatee wax garaad
siyaasaded ah amaba barnaamij siyaasadeed qorshaysan oo mandiqi (caqligal ) ah,
axsaabtaasoo badidooda dalka ka hanaqaaday tobankii sanadood ee ka horreeyay
qarannimada ee ay labada geyi tabaabushaha ugu jireen xorriyadda. Axsaabtan
waxaa sida qalibka ah horseedayaal ka ahaa madax reer-magaal ah oo markoodii
hore ahaa hawl-wadeennadii ka haw-gali jiray maamulladii mustacmiriinta ee
labada qaybood ee ay Britain iyo Talyaanigu kala maamulayeen. Waxaa xusid mudan
in xilligan ay jirtay arrin cayb loo arkayay aalaaba marka ay timaado arrimaha
haybta (beesha, reerka, qabiilka) oo siyaasiyiintii waaagaas marka la waydiiyo
beesha ay ka dhasheen ay caado ahayd in ay ka gaabsaadaan in carrabka ay ku
dhuftaan qabiilka ay ka dhasheen oo “Soomaali baan ahay” keliya ku koobi
jireen jawaabtooda. Inkastoo hab-dhaqankan munaafaqnimo lagu sifayn karo marka
la eego ururradii beeelah salka ku hayay ee u baratamayay awoodda siyasadeed ee
dalka.
Dastuurkii cusbaa ee Soomaaliya waxaa namuudaj
(naamuunad, qaab) looga dhigay oo lagu saleeyay hannaan siyaasadeedkii
mustacmirkii Talyaaniga. Waxaana dastuurka lagu qoray (lagu dhigay) in uu dalku
yeelanayo Gole Sharci Dejin (Gole Qaran) oo hal –aqal ka kooban oo ay
xubnihiisuna gaarayeen 123 xildhibaan (mudane baarlamaan) oo si toos ah loo soo
doorto; Madaxweynaha waxaa dooranayay Golaha Qaranka, madaxweynahaasoo ah
madaxa uga sarreeya qaranka, wuxuuna Goluhu dooranayay Madaxweynaha lixdii
sanaba mar; Madaweynuhu waxaa uu dastuurku awood u siiyaay in uu soo tarshiixo
(uu soo jeediyo qofka qabanaya ) xilka Ra’isul Wasaaranimada oo uu ka soo
dhex xulanayo xisbiga markaas hormuudka ka ah (ugu kuraasta badan) Baarlamaanka;
dastuurku wuxuu kaloo uu awood u siiyay Madaxweynuhu in uu soo xusho
mudanayaasha Golaha Qaranka afartii sanaba mar iyo in uu u magacaabo shan gar-soorayaal
(qaalliyaal, gar-qadayaal) Maxkamadda Sare.
Idaaro (maamul) ahaan dalka waxaa loo qaybiyay
siddeed (8) gobol iyo soddon iyo lix (36) degmo; barasaabyada (Governatore-yaasha);
guddoomiyayaasha gobollada iyo maamulayaasha degmooyinka waxaa magacaabayay
Wasaaraddii Arrimaha Gudaha ee dawladdii dhexe. Heer hoose ahaan jagada keliya
ee doorasho loo galayay waxay ahayd jagada duqa baladiyada (munishiimbiyada).
Guulihii xagga wax-qabadka ee fara ku tiriska
ahaa ee xagga horumarinta bulshada ee ay saddexdii maamul ee dawladihii rayidka
ahaa ay keeneen waxaa ka manaafacaaday oo keliya dadkii ku dhaqnaa
magaalooyinka. Tusaale ahaan waxaa dugsiyo (iskuullo) yar-yar laga dhisay
magaalooyin ku yaalla Koonfurta; waxaa isbitaal laga dhisay magaalada Muqdisho;
waxaa la dhisay jid laami ah oo isku xira Xamar iyo Afgooye. Hase yeeshee
dawladdu way iska indha saabtay dadkii reer miyiga ahaa. Halkii uu ka shaafin
lahaa dhibaatadii reer baadiyaha maamulkii ugu horreeyay ee uu Ra’isul
Wasaaraha ka ahaa marxuum Cabdirashiid Cali Sharmaarke waa uu ka sii dudiyay (caraysiiyay,)
dadkii xoolo-raacatada (reer-guuraaga, xoolo- dhaqatada) ahaa ka dib markii
maamulkiisu kor u qaaday xaddiga (heerka) canshuurtii laga qaadi jiray xoolo-
dhaqatada.
Difaaca (gaashaandhigga) iyo maamulka waaxaha
dawladda waxay ahayeen xagga kharash-garaynta (kharashka ka baxa dawladda)
meelaha mudnaanta sare kaga jira qoondada miisaaniyadda dawladda. Taasoo loo
turjuman karo in meelihii hal-bawlaha u ahaa koboca iyo horumarka bulshada sida
waxbarashada, caafimaadka, beeraha iyo xanaanada xoolaha ay darajo hoose kaga
jireen xagga kharash-garaynta dawladda.
Waxaa aakhiritaankii dhacday in loo arko
dawladdu durdur amaba il ay siyaasiyiintu ku arooraan oo laga cabo, si fududna
loogu tanaado. Taa waxaa daliil u ahaa tirada aan caqli-galka ahayn ee
murashixiintii u hanqal taagaysay in ay kursi ka helaan Golihii Qaranka. Siiba
waxaa sheegis gaar ah mudan ololihii doorashada ee bishii Maarso ee sanadkii
1969-kii markii murashixiin tiradoodu kor u dhaaftay kun (1000) murashax oo
huwanaa magaca in ka badan lixdan xisbi siyaasadeed ay ku hamiyeen in ay
galaangal u helaan Golihii Qaranka ee ka koobnaa 123-da xubnood oo loo arkayay
goob ruuxii galaba uu ku hodmo. Waxaa la xusaa in tartamayaashii doorashada
qaarkood ay ku kharash gareeyeen ololaha doorashada lacag qaddarkeedu gaarayo
$30,000 oo doolarka Maraykanka ah oo u dhiganta lacag aad u tiro badan marka
dib loo eego lacagtii waagaas ayadoo welibana la ogyahay in miisaaniyad
sanadeedkii dalka Soomaaliya ee xilligaas ay ahayd qiyaastii $35 Malyuun oo
doolarka Maraykanka ah.
Ururkii Dhallinyarada Soomaalida ee leegada ee
xisbiga isu rogay (SYL) wuxuu ku guulaystay 73 ka mid ah 123-dii kursi ee uu ka
koobnaa Golaha Qaranka. Libinta amaba guulaha xagga doorashada ee SYL waxaa
badanaa loo tiiriyaa dib u qaabayn amaba wax ka beeddelid lagu sameeyay
xeerarka nidaamka doorashada, xeerarkaasoo u hiiliyay SYL iyo weliba waxaa
kaloo guusha SYL loo aanaynayaa adeegsiga maaliyaddii hanti-dhawrka qaranka oo
ay xubnaha SYL aad uga dheefeen marka ay timaaddo maal-gelinta ololahooda
doorashada. Dhacdooyinka lama illaawaanka ah waxaa ka mid ah in markii ugu
horraysay ee uu Golaha Qaranku yeesho kalfadhigiisii ugu horreeyay ay dhammaan
(marka laga reebo Cabdirasaaq Xaaji Xuseen oo markii danbe noqday Ra’isul
Waasaare) xubnihii aan horay uga mid ahayn SYL ay gebigoodaba ku biireen
Xisbigii SYL iyagoo safkii ay ka fadhiyeen kuraasta Golaha Qaranka ka wada
kacay una tallaabay saqxadii ay ay fadhiyeen xubnihii SYL si ay dib ugu soo
ceshadaan kharashkii uga baxay ololaha doorashada oo ay welibana jagooyin uga
ka helaan xukuumadda. Si loogu muujiyo qaddarin loona abaal mariyo xubnihii SYL
u soo goostay ayaa waxaa la kordhiyay tirada jagooyinka Golaha Wasiirrada oo
markeedi hore ahayd 12, waxaana laga dhigay 21 xaqiibadood, waxaana la abuuray
manaasibta 10 wasiirro ku xigeen. Tallaabadan waxay Soomaliya u rogtay dal
ficil ahaan leh hannaanka xisbiga keliya inkastoo la tilmaamo in ay Soomaaliya
ka mid ahayd dimuqraadiyadihii ugu horreeyay Afrika ee yeelata nidaamka
xisbiyada badan, haddana waxaa muuqatay in dawladdu xoogga saaraysay u
adeegidda siyaasad-xisbiyeedka oo aysan isu abaabulin horumar qaran.
Dawaladihii Rayidka ahaa waxay soo af-jarmeen
ka dib markii Madaxweynihii ugu danbeeyay ee dawladdii rayidka ahayd
Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu magaalada Laascaanood ku toogtay mid ka mid ah
ciidamada Booliiska. Lix beri ka dib dilkii marxuum sharkmaarke oo uu maamulkii
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal dhaxlay la tacaali waayay xaaladdii ka dhalatay
dilkii Madaxweynaha waxaa xigay inqilaabkii (af-genbigii) ay ciidamadu xukunka
kula wareegeen.
Qoraalkii
Hore ee Qoraga.... GUJI
(La soco qayb kale (Soomaaliya intii u
dhexaysay sannadihii 1969 ilaa 1991)
Maxamed Xaaji Caddoow
London, England
Email: mohamedadow@hotmail.com
1
Golaha Sharci dejinta ee mustacmaraddii Italian Somaliland waxaa la abuuray
sanadkii 1954-tii ee Wisaayadii Talyaaniga.
Golaha Sharci dejinta ee Maxmiyaddii British
Somaliland waxaa la abuuray dhawr bilood ka hor is-raacii labada geyi ee
sanadkii 1960-kii
Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk | May 22, 2003
|