Ogeysiis ku Jeeda Soomaalida Atlanta
Sanadkii labaad ee Habeenkii Waxbarashada
Soomaaliyeed
Burhaan Cabdi Axmed | burabdi@hotmail.com
Waxaa Soomaalida ku nool Atlanta iyo
nawaaxigeeda laga codsanayaa in ay ka soo qayb galaan xaflad balaaran oo aad loo
qorsheeyay oo ka dhici doonta Georgia, Clarkston. Waa xaflad lagu dhiirigelin
doono waalidiinta iyo ardada Soomaaliyeed ee ka qalin jebinaya dugsiyada sare ee
2002-2003 iyo kuwa ku jira Jaamacadaha sidii ay dadaalkooda u xoojin lahaayeen
iyo damaashaad looga gol leeyahay in dhaqanka, isjacaylka, iyo iskuduubnida
bulshada Soomaaliyeed lagu xoojiyo.
Xafladdan waxaa warbixin iyo talooyinka wax ku
ool ah oo khuseeya ardada iyo waxbarshada ka soo jeedin doona Prof. Axmed Warfaa,
Dr. Maxamed Cali Nuur, Dr. Xasan Cali Mire, Mudane Saciid Shiidaad, Mudane
Maxamed Xirsi Bahal, Mudane Cali Cusman Cali, iyo Mudane Maxamuud Nuur Wardheere.
Dhamaantood waa khubaro aad ugu xeel dheer arrimaha noocan ah. Waxaa cunto fudud
ku deeqay ganacsato Soomaaliyeed iyo dumar Soomaaliyeed oo sidii weligoodba lagu
ogaa garab istaaga danta guud ee Soomaalida.
Goobta: Clarkston High School
618 Indian Creek Drive
Goorta: Sabtida bisha May 24teeda, 2003
Saacadda: 5:00pm [waqtiga xafladda la bilaabidoono]
Wax barashadu waa muhiim ubadkeenuna aan
caawino oo wax u sheegno waana in aan dhiirinaa oo hiil iyo hooba la garab
istaagnaa waayo waa kuwa sii qaadan doona ama sii huwan doona magaca sharafta
wayn huwan ee SOOMAALI. Albaabada dadka waa u furan yihiin, wixii faahfaahin ah
la soo xiriira Soomaali Education Night (SOMEN) 404-324-6009.
Ka soo qaybgal wacan. GUULAYSTA GUULAYSTA
GUULAYSTA
Wabilaahi Tawfiiq
Burhaan Cabdi Axmed
burabdi@hotmail.com
May 15, 2003
Habeenkii
waxbarshada Soomaalida Minnesota
warbixin ku saabsan xafladaas oo uu soo uu idiin
soo gudbinayo Maxamuud Wardheere GUJI
14/5
Dhibaato
Weyn ayaa Soo Martay
Laakiin wuxuu hadda higsanayaa Derejo
sare,
waa cabdinaasir haji-Bare oo ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota oo.. GUJI..
9/5/3
Kulaabo Bogga
Hore....
|