Maxaa ka jira in Xuseen Xuubsireed
yahay afhayeen beeleed?.
Saeed Liibaan
London/Uk
faaraxad@yahoo.com
May 8, 2003
Akhristayaasha Somalitalk waxaan ku salaamay
salaanta Muslinka marka hore.Asalaamu calaykum, marka xigta waxaan arkay qoraal
cinwaan looga dhigay Afhayeenka
Beesha Cumar Maxamuud ee Manchester/UK.
Akhristayaasha waxaan u sheegayaa inkastoo
saxaafadu xor tahay bogga Somalitalk waayadii hore waxaa mamnuuc ka ahaa in lagu
soo qoro beelaha warkooda oo qayaxan,ama maba dhici jirin aan iraahdee in lagu
arko magac beeleeddka dilooday bogga kale ee Soomaalidu leedahay.
Aan kuu jilciyee waa warka leh beel hebla ayaa
sidaa iyo sidaa tiri .Waxaan aniga iyo in badan oo weliba ka kala yimid degaano
kala duwan aan isku waafaqsanahay in Somalitalk yahay bogagga Soomaalidu
leedahay kan ugu nadiifsan ama aan iraahdee kuwa ugu nadiifsan ee qabiilka iyo
dhinac uxaglinta banaanka ka ah, oo weliba ka dhawrsada buunbuuninta dagaalada
sokeeye iyo wararka dagaal oogayaashaba. Mana iga aha amaane waa sida
akhristayaasha bogga Somalitalk u arkaan.Hadaad rabno waad qaadi kartaa cod
bixin k usaabsan arintan si aad u'aragto waxa aan sheegayo inay run tahay iyo
inkale.
Walaal waxaan deganahay London,waxaana aan kuu
sheegayaa ninka isku magacaabay inuu yahay afhayeenka beeshaas uu magaceeda
soo qaaday ee lagu magacaabo Xuseen
Xuubsireed,walaal waa been aan waxba ka jirin jagadaas uu sheegtay waana nin da
yar oo aan xitaa dadka uu leeyahay waan matalaa aan waxba ka aqoon.
Micnuhu maaha inaan udiidanahay jagadaas
qabiilka oon xagayga wax weyn ka ahayn,waxaanse diidanahay inuu ku hadlo afka
dad badan oo xitaa aan aniganba ka mid ahay ogna inuusan ahayn waxa uu
sheeganayo,kana xun ku been abuurashada uu nagu been abuuranayo.
Markii iigu dambaysay ma jirin qof afhayeen
u'ah beeshaas oo ku sugan Machester ama meelkale oo ka tirsan Uk.
Walaal ninkaas waa Xuseen Xuubsireede wuxuu
ahaa markii iigu dambaysay dadka u'ololeeya dagaalkii ahliga ahaa ee ka dhex
socday reer Puntland labadii sanno ee udambaysay,markaasoo uu lacagaha qaaraanka
uguri jiray Kornayl C/laahi Yuusuf.Waxaan afkiisa ka hayaa Xuseen Xuubsireed mar
aanu ka sheekaysanay arimaha Puntland inuu yiri waxaan lacagta toos ugu diraa
wiilasha jooga Bookh oo aan uga dhigaa jiscin ay ku gaaraan Boosaaso iyo
Gaalkacyo si ay uga qayb galaan dagaalka lagu xoraynayo Boosaaso waa markii uu
ka maqnaa C/laahi Yuusuf degaanada Puntland qaarkeed.Wuxuu intaas Xuseen
Xuubsireed ii sii raacshey in aabihiis Maxamed Xuubsireed oo jooga Ottawa/Canda
uu isna qaabilsan yahay inuu ka uruuriyo lacagaha reer Canada isna .Halka
hooyadiis oo uu iigu sheegay Xaliimo Sugule Xaabseyna ay hawsha dhankeeda kaga
jirto taasoo aan aad ula yaabay reer dhan oo uguntan dab ka sii shidida dad ehel
ah dhexdiis.Inkastoo siyaasadu ay iska tahay wax dacar ah oo dadka kala kaxeeya
caql! igana ka qaada marka laysk uqabsado siayasad,hadana weli ma arag reer dhan
oo siyaaso isku raacsan waa qoys hooyo,aabe iyo caruur ay dhaleen ka wada
koobane oo weliba dagaal lacag u'uruurin k ufanaanaya waa yaab iyo amankaag!.
Waxaan hadaba la yaabay in Xuseen oo ku
faraxsanaa wiilasha tolkiis ee uu yiri waxaan ka keenaa Bookh iyo ka kor si ay
ugu dagaalamaan C/laahi Yuusuf oo dhiig sokeeye udaadiyaan inuu maanta sheegto
afhayeen beeleed waxaana khalad ah inuu beeshaas ku been abuurto.
Waxaan ucadaynayaa akhristayaasha boggan
Somalitalk inay sidaa u'ogaadaan in ninkaasi uusan cidna matalin ee uu yahay nin
ku sifoobay u'ololaynta dagaal sokeeye beesha uu leeyahay waan uhadlaana aysan
idilkood isku raacsanayn dagaalkii ehliga ahaa ka dhexdhacay reer Puntland
dhexdeeda.
Beesha waxaa matali kara oo afkooda ku hadli
kara laba qofkii ku sifooba.
1-In marka hore ay jirto doorasho loo dhan
yahay oo beesha ah ee aysan kooxaha siyaasada isaga soo horjeeda midood aysan
dooran.
2-Inuu qofkaasi yahay qof ka daniifa dagaalada
sokeeye ama siyaasadiisu aysan dhana raacsanayn taaso oadagba in qof noocaana la
helo badanaa.Hauud jirana uuba ka xishoodo inuu yiraahdo waxaan afhayeen u'ahay
beel hebel afkiisaba uusan soo marsiin karin qoqobkaas.
Wabillaahi tawfiiq.
Saeed Liibaan
London/Uk
faaraxad@yahoo.com
Kulaabo Bogga
Hore....
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan.
|