Habeenkii waxbarshada Soomaalida oo si haboon u
qabsoomay
Mahamoud N. Wardere
mnwardere@yahoo.com
Minneapolis, MN, USA
May 14, 2003
Maalintii Khamiista ee ay bisha May ahayd 8,
2003 waxaa Dugsiga sare ee Roosevelt oo ku yaal Minneapolis, Minnesota lagu
qabtay xaflad aad loo soo agaasimay oo loogu magac daray habeenkii waxbarshada
Soomaalida sandkii labaad. Xafladdaas oo lagu dhiirigelinayay ardada iyo
waalidiintaba sidii ay waxbarashda ugu dadaali lahaayeen iyo dhaqankaba waxay
ahayd mid aad looga fa’iidaystay. Sidan ayayna u dhacday
Saacadu markay ahayd 04:00pm waxaa bilawday
bandhiga jaamacadaha iyo iskuulada. Jaamacdaha yimid waxaa ka mid ahaa
University of Minnesota, Mankato, St. Cloud State University, MCTC, William
Mitchell college of law. Normandale C. College, Abraham Lincoln High School, iyo
Somali Education Center iyo kuwo kale. Waxaa kale oo carwada ka soo qayb galay
Head Start oo ah iskuulka caruurta yar yar ee aan gaarin iskuulka waxaana la
dhihi karaa waa meesha ay ka soo unkanto asaaska waxbarashada iyo YouthCare, iyo
hay’ad caafimaadka dadwaynaha oo ka socotay magaalada aan ku nool nahay si ay
dadka ugu baraarujo hawlo caafimaad la xiriira.
Markay saacadu ahayd 05:15pm waxaa bilaabmay
qudbadihii waxaana xafladda furay Maamulaha cusub ee iskuulka Roosevelt oo dadka
soo dhoweeyay una mahad celiyay dadkii soo abaabulay. waxaa ku xigay labo qof oo
marti sharaf ahaa ka dibna casir tukasho ayaa loo dareeray. Saacaddu markay
ahayd 06:00pm ayaa la soo noqday oo xafladdii dib u bilaabatay waxaana ugu
horayntii halkaas ka hadlay imaamka Sh. Cabdiraxman Sh. Cumar waxaa ku xigay
Macalin Maxamed Xasan oo oo asagu wax ka dhiga dugsiga sare ee Roosevelt
talooyinna siinayay arday badan muddo dheer.
Maxamed Xassan oo macallin ka ah dugsiga sare ee roosevelt, Minnesota
Sawirka oo weyn |
Waxaa ku xigay macalimad hooyona ah oo la
yiraahdo Xaliima Faarax Cadde oo lagu yaqaan inay ardada runta u sheegto aadna
ula socota dhaqan bedelka ku dhacaya dhalaanka Soomaaliyeed qaarkood. Waxa ku
xigay macalin Muxuyadiin Ali oo muddo dheer tacliinta ku soo jiray kana ahaan
jiray maamule iskuul Soomaaliya mudo dheer asagana waxa uu ka hadlay waxa la
gudboon waalidka Soomaaliyeed ee jooga Minnesota ama USA gebiahaanba. Waxaa ku
xigay nin dhallin yaro ah oo ka mid ah dadkii bilaabay habenka waxbarashada
Soomaalida sanad hore oo la yiraahdo Cabdulqadir Cabdi oo ka hadaly deeqaha
waxbarasho; Cabdulqaadir waxaa uu mudo ka soo shaqeeyay xafiisyada deeqaha
waxbarasho oo jaamacado badan oo ay ugu danbaysay University of Minnesota.
Waxaa ku xigay prof. Cali Khaliif Galaydh oo
aad ugu mahad celiyay dadkii soo abaabulay aadna ula dardaarmay ardada iyo
Waalidkaba inay waxbarshada ku dadaalaan. Markaas ka dib waxaa bilwday abaal
marin la siinayay xubno bulshada ka tirsan oo dadaal iyo waxqabad ku soo
kordhiyay Soomaalida Minnesota waxaana ka mid ahaa Mudane saciid faahiye, Cusman
caddaani saxardiid, Shafi Xaashi, Maxamed H. Rashiid, Maxamed H. Xuseen, Safiya
Cumar, Zainab Hassan, Abdulahi Guuleed, Cusman Dahir, Maxamed Axmed Daakir, iyo
labo haween oo Maraykan ah oo la kala yiraahdo Debra Rogers, Anne Mutt oo had
iyo jeer la garab taagan dadkeeno taageero iyo maqaayadda Kaah oo ku deeqday
cunto.
Waxaa xafladda soo gabo gabeeyay ardayga ah
gudoomiyaha ardad Soomaaliyeed ee dhigata Roosevelt High School oo la yiraahdo
mudane Abdulqaadir. Isku soo duuduuboo waxay ahayd xaflad aad looga faa’iidaystay.
Waxaa bilaabatay dood qaar ardada ahi leeyihiin ha lagu qabto iskuukayaga
sanadka danbe . Taasi hadii uu ilaahay idmo go’aankeeda markale ayaa la gaari
doonaa.
Mahamoud Wardere
mnwardere@yahoo.com
Kulaabo Bogga
Hore....
QORAALADII WARDHEERE
Xafladii Ardayda Soomaaliyeed ee Dhigta Dugsiga Sare ee Edison, Minneapolis GUJI.....
ARDAYDA
SOOMAALIYEEED EE DHIGTA JAAMACADDA MINNESOTA
150
arday Soomaaliyeed ayaa dhigta Jaamacada Minnesota
HABEENKII
SHOWRKA SOOMAALIDA MINNESOTA
Caruurta
Somaliyeedow Ilaah baad leedihiin
<><>
Cabdul Fataax waa
xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
<><><>LINKS<><><>
Weydii Dr. Math [Ask Dr. Math]
http://mathforum.org/dr.math
Weydii Su'aalaha Sayniska [Ask Science
Questions]
http://www.sciencepage.org/question.htm
Khariidadaha iyo Joqraafiga [Maps and
Geography]
http://www.nationalgeographic.com/resources/ngo/maps/
|