Saxaafada xorta ah iyo dagaalka
Dagaalkii Ciraaq iyo dhibaatooyinkii saxaafada la soo gudboonaaday
Axmed Yaasiin Cabdi
ismalure@hotmail.com
Arbaco, 07 may 2003
Faafin: Khamiid 08/05/03
Saxaafada xorta ah waxaa lagu tiriyaa inay
tahay awoodda afraad ee qaab dhismeedka dawlada, waana awoodda kaliya ee dadkoo
dhami ay u siman yihiin, marka la mariyo dariiqeeda xaqa ah.
Sidaas darteed saxaafada xorta ahi waxay ku
indha-la’dahay runta oo kaliya, waxayna had iyo goore baadi goobtaa xaqiiqda,
suxufiyiintuna waxay u kala wanaagsan yihiin marba sida ay ugu kala jajaban
yihiin raacd ada iyo soo helidda xaqiiqda maqan.
Saxaafada xorta ahi ma laha dano qarsoon (aan
warbaahin ahayn) oo u gaar ah hay’adda warbaahineed ee saxaafadaas abuurtay
ama dalka ay hay’addu ku abtirsato, haddiise ay danaha noocaas ahi jiraan
waxay wiiqaan tayadii saxaafada, waxayna kala dhantaalaan kalsoonidii ay
dadwaynuhu ku qabeen xogaha ay saxaafadaasi xanbaarsan tahay.
Saxaafada xorta ah waxay waajibkeeda si fiican
u gudan kartaa marka ay hesho duruufo u saamaxaya inay si xor ah u shaqayso, oon
laga carsha-carshaynin dadaalka ay xaqiiqo raadinta u galayso ama aan laga
hor-joogsanin hilinnada ay u marayso soo helidda xaqiiqda.
Saxaafada ka hawlgasha - haddayba jirto -
dalalka dunida seddexaad waxaa inta badan lagu dhalliilaa inayna xor ahayn,
sababtoo ah waxaa gacanta ku haya oo jiheeya xukuumadaha dalalkaas ka jira,
sidaas darteed waxay baahiyaan oo kaliya xogaha ay xukuumaduhu doonayaan inay
gaadhsiiyaan dadkooda ama dunida inteeda kale, balse awood uma laha inay dhinaca
kale xukuumadaha gaadhsiiyaan farriimaha ama afkaaraha ay dadwaynuhu doonayaan
in la gaadhsiiyo xukuumadohooda.
Sidaas darteed markay saxaafada reer galbeedku
soo xiganayso xog laga sheegay mid ka mid ah qalabka warbaahinta ee dalalka
dunida seddexaad waxay muujisaa in xogtaas laga soo xigtay ”raadyow ama
tilifishin ay xukuumadu maamusho”, taasoo macneheedu yahay inaan xogtaas si
wayn loogu kalsoonaan karin, maadaama suxufiga soo diyaariyay aanuu u
madaxbannaanayn daah ka rogidda xaqiiqada, isla markaana aanuu awood u lahayn
inuu raaco qaabka dhalliil saxaafadeedka oo loo adeegsado turxaan bixinta
xaqiiqda.
Hase yeeshee in kastoo dhalliilahaasi ay inta
badan yihiin kuwo xaq ku qotoma, haddana waxaa jira hay’ado warbaahineed oo
beryahan denbe cidhiidhi wayn geliyay hay’adihii warbaahineed ee reer
galbeedka, kuwaasoo tilmaamihii saxaafada xorta ah ka min-guuriyay, isla
markaana awood u yeeshay inay saami fiican ka qaataan dadyowga adeegsada qalabka
warbaahinta.
Hay’adahaas waxaa ka mid ah kanaalka
afcarabiga ku hadla ee Al-Jazira, oo ku yaalla waddanka Qadar. Kanaalka Al-Jazira
wuxuu muddo gaaban gudeheed ku guulaystay inuu kasbado kalsoonida dadwaynaha
afcarabiga ku hadla intooda badan, sababtoo ah waxay u arkaan inuu yahay
kanaalka kaliya ee u shaqeeya si madaxbannaan ee aan loo yeedhinin xogaha uu
faafinayo. Baadhis uu kanaalku sameeyay dagaalkii Ciraaq ka hor wuxuu ku sheegay
in daawadayaashiisu ay 35 milyan oo qof kor u dhaafeen, markii uu dagaalku
billowdayna tiradaasi way laba-jibbaarantay.
Laakiin nasiib darro waxaan maanta aragnaa
ifaafaalo aan fiicnayn oo ka muuqda qaar ka mid ah saxaafada reer galbeedka,
kaasoo laga yaabo inuu nuqsaan u keeno dhexdhexaadnimada saxaafada. Walwal badan
ayaa laga muujiyay sida ay saxaafada iyo siyaasadu isu dhex-galeen, waxaana
wadnaha farta lagaga hayaa in saxaafada loo adeegsado sidii aalad lagu faafiyo
aragtida xukuumadaha, ra’yul-caamkana lagu khaldo.
Waxaan wada-xusuusanaa suxufiyiintii dharka
dagaalka labbisnaa ee daba socday ciidamadii xulufada ee weeray dalka Ciraaq,
kuwaasoo soo sheegayay marba waxa loo oggolaado inay soo sheegaan, sababtoo ah
dhaqdhaqaaqooda oo dhami wuxuu gacanta ugu jiray hooggaanka ciidamada dagaalka
ku jira, waxaana loo oggolaanayay inay tegaan ama soo arkaan marba meesha loo
fasaxo, waxaana loo sheegayay marba xogta la is-leeyahay waxba uma dhimayso
siyaasada iyo istiraatiijiyada ciidamada dagaalka ku jira.
Saxaafada reer galbeedka oo dagaalka Ciraaq ku
kala qaybsantay
Sida ay siyaasiyiinta reer galbeedku ugu kala
qaybsameen dagaalka Ciraaq ayay saxaafada reer galbeedkuna ugu kala tegtay
dagaalka Ciraaq.
Saxaafada Maraykanku waxay si dhab ah ugu
xayd-xaydatay inay bulshada Maraykanka ah ka dhaadhiciso fikradaha ay dagaalka
ka rumaysnayd xukuumada Maraykanku. Wuxuu qof kasta oo raac-raaca qalabka
warbaahinta ee Maraykanku si dhib yar u fahmi karaa in suxufiga barnaamijka
samaynaya ama warka soo tebinaya iyo masuulka magaca xukuumada ku hadlaya ay
isku aragti yihiin oo si isku mid ah u falanqaynayaan arrinta markaas laga
hadlayo ee dagaalka Ciraaq ku saabsan.
Waxaan la wada-soconaa in suxufiyiinta la siin
jiray oggolaansho gaar ah marka ay doonayaan inay si toos ah warar uga soo
tebiyaan furinta dagaalka, waxaana suxufiyiinta noocaas ah loogu yeedhi jiray
”suxufiyiinta la oggolaaday”. Waxaa nasiib darro noqotay marka ay saxaafadii
iyo qorigii walaaloobeen, oo suxufigii iyo askarigii isku weel wax ku cuneen,
dhacdooyinkiina isku si u arkeen. Saxaafada Maraykanku waxay qayb ka noqotay
wasaarada gaashaandhigga, suxufiyiintii askarta dagaallmaysa la socotayna waxay
ku ekaadeen oo kaliya inay soo gudbiyaan dhambaalo borobogaandho u muuqda oo ka
xog-warramaya sida ay askarta xulufadu dagaalka u wadaan.
Saxaafada Yurub iyadu way ka duwanayd midda
Maraykanka, waxaana ka muuqatay inay xaqiiqada kaga dhawayd. ”Intii dagaalka
Ciraaq socday waxaan u dhabba-galay warbaahin shisheeye ah oo badan, dareen
maskaxeedkii ugu horreeyay een ka helayna wuxuu ahaa in saxaafada Yurub ay ku
guulaysatay inay wararka dagaalka u soo tebiso si xaqiiqada uga dhaw qaabkii ay
saxaafada Maraykanku dagaalka uga warramaysay”, sidaas waxaa tidhi barfasoor
Romy Fröhlich, oo ku takhasustay cilmiga isgaadhsiinta, kana tirsan Jaamacadda
Ludwig Maximilian oo ku taalla magaalada München ee waddanka Jarmalka.
Sababta ay saxaafada Maraykanku sida hagar la’aanta
ah ugu taageertay dagaalka iyo ciidamada waxaa lagu tilmaamay in bulshada
Maraykanku ay ka duwan tahay bulshada Yurub inteeda badan, oo dhaqan ahaan aan
qiimo wayn siinin ciidamada iyo awoodda millatariga, halka bulshada Maraykanku
ay ku faanto awoodda ciidan ee dawladeeda, arrintaasoo u horseedaysa inay si aan
kala-hadh lahayn u taageerto cududda millatari ee dalkeeda, iyadoon aad looga
baaraandegin cidda cududdaas millatari loo isticmaalayo iyo in xilligii ku
habboonaa iyo meeshii ku habboonayd loo isticmaalayo.
Bulshada Yurub inteeda badan waxay aaminsan
tahay in la soo dhaafay xilligii uu dagaalku ahaa aalad siyaasadeed, waxayna
qabtaa in hannaanka dimuqraadiyadu uu yahay jidka kaliya ee mudan in la raaco,
bulshada aaminsan hannaanka dimuqraadiyadana looga baahan yahay inay fikirkeeda
ka dhaadhiciso cidda ka soo horjeedda iyadoon awood iyo dagaal isticmaalin.
Qanaacada bulsho ee noocan ahna waxay dabcan saamaynaysaa qaabka ay suxufiyiinta
Yurub u shaqeeyaan, taasoo ay kaga duwan yihiin saaxiibadooda Maraykanka ah.
Cabudhintii saxaafada oo socon wayday
Hase yeeshee in kastoo xulufadu ay ku dadaaleen
inay saxaafada cabudhiyaan intii uu dagaalka Ciraaq socday iyo nitii ka
denbaysay labadaba, haddana waxaa arrin lagu farxo ah in xaqiiqda dhinacyadeedii
ay qarinayeen ee dagaalka ku saabsanaynd ay ka warrantay saxaafada kale een
xulufada ku xidhnayn ama saxaafadii ”oggolaanshaha loo diiday”, sida
saxaafada carabta inteeda badan, tan Jarmalka iyo kuwii la midka ahaa.
Wararka ugu xiisaha badan waxaa soo tebin jiray
suxufuyiintii ku sugnaa gudaha magaalooyinka Ciraaq, kuwaasoo si fiican u
kasbaday dareenka xog-raadineed ee bulshooyinka caalamka, dhambaallada ay soo
gudbinayeena waxay kun jeer ka xiiso badnaayeen kuwii ay soo tebinayeen
suxufiyiintii halmadyada xidhnaa ee ciidamada la socday, arrintaasina waxay
wiiqday siyaasadii xog-cabudhinta ahayd ee Maraykanka, waxay sidoo kale qiimo
ridday warbaahintii Maraykanka, oo iyagu aan saami fiican ku lahayn
suxufiyiintii ku sugnaa gudaha Ciraaq intii uu dagaalku socday.
Waxaan wali xusuustaa su’aal la waydiiyay
suxufi furinta uga soo warramayay kanaalka dheenishka ah ee DR1, ”waxayna
ahayd su’aasha la waydiiyay in iyaga (suxufiyiinta ciidamada la socday) iyo
suxufiyiinta carabta ahi ay isku si wararka u helaan”, wuxuuna ku jawaabay in
iyagu ay sugaan oo kaliya warbixinta ay dhiibaan madaxda ciidanku, balse
suxufiyiinta carabta ahi ay bulshada ku dhex jiraan, oo xogo toos ah ka halaan.
Edbinta saxaafada fadal-dheerta noqotay
Hase yeeshee xogaha tooska ah ee kanaallada
carabta qaarkood ay dagaalka ka soo tebiyaan waxay ka cadhaysiiyeen madaxda
Maraykanka, oo dhawr mar si toos ah u weeraray kanaalka Al-Jazira.
Maraykanku wuxuu Al-Jazira ku eedeeyay inuu
dhacdooyinka buunbuuniyo oo u fasiro qaab Maraykanka ka dhan ah.
Waxay dad badani wali sii xusuustaan weerarkii
ay ciidamada Maraykanku 8 abriil ku qaadeen Palestine Hotel, oo ku yaalla
badhtamaha magaalada Baqdaad, halkaasoo ay degganaayeen suxufiyiinta shisheeyaha
ah ee markaas ku sugnaa magaalada Baqdaad, waxaana weerarkaas ku dhintay labo
suxufi oo ka kala socday Kankaalka Al-Jazira iyo wakaalada wararka ee Reuters.
Wasaarada gaashaandhigga ee Maraykanku waxay
sheegtay in weerarkaasi uu is-difaac ahaa, oo ciidamada Maraykanku ay u
jawaabeen rasaas huteelka lagaga soo riday, hase yeeshee suxufinyiintii halkaas
ku sugnaa ayaa arrintaas beeniyay, oo sheegay inayna jirin rasaas huteelka laga
riday.
Waxay kaloo suxufiyiintu beeniyeen in ciidamada
Maraykanka rasaas lagaga soo riday dhismihii ay ku yaalleen xafiisyada
kanaallada Al-Jazira iyo Abu Dhubi ee magaalada Baqdaad oo isla maalinkaas
weerar lagu qaaday lagu dilay suxufi ka socday kanaalka Al-Jazira, oo lagu
magacaabi jiray Taariq Ayuub.
Weerarradaas waxaa si wayn uga cadhooday
ururrada saxaafada daneeya, waxaana loo fasiray tallaabo uu Maraykanku ku
cabudhinayo saxaafada sida xorta ah uga xog-warranta dagaalka Ciraaq.
Axmed Yaasiin Cabdi
ismalure@hotmail.com
QORAALADII HORE EE EXMEDYAASIIN
| QAYB KALE EE QORAALADII AXMEDYAASIIN
Kulaabo Bogga
Hore....
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan.
|