Afhayeenka Beesha Cumar Maxamuud ee Magaalada Manchester/UK
Xuseen Maxamed Xuubsireed
Waxaa wax lagu farxo ah in dadkayagii ay heshiiyeen nabadana ay wada qaateen ama
wada garteen wixii khilaafa ee dhexdooda yaalana ay ku dhameeyeen wada hadal ,
waa guul taariikhi ah oo ka tarjumaysa Xadaarada ay leeyihiin dadkaa wada
dhashay ee kuwada abtirsada Puntiland,
nin ka xiga ninka kale puntilland ma jiro oo waa ay u wada dhasheen nina ka kale
uma aha marti kuwa mucaaradka ah iyo kuwa muxaafidka ah toona, laakiin waxaan
ilaah uga mahad celinayaa wanaagii ay wada garteen iyo bad baadintii ay wada
badbaadiyeen dad koodaa wada dhashay waxaana hubaala intii la damacsanayd in
Dadka reer puntilland ay iska hor yimaadaan ama ay islaayaan in ay maanta aad
uga xunyihiin maxaa yeelay awalba lama ayan doonayn horumar laakiin , waxaa
farxada in ay mar waliba wax garadka puntilnad ay la socdeen tilaabo waliba oo
lala damac sanyahay oo bur burina. umada reer puntilland waxaan orankaraa waa
dad wadaniyiina Soomaalinimaduna ay ku dheertahay wax walibana ka hormariya
danta caamka ah waa mujtamaca intiisa badane , waxaana rajaynayaa marka ay ka
soo jeestaan heshiiska reer puntilland in ay u soo jeesan doonaan heshiisiinta
beesha Daarood ka diba ay gacan ka gaysan doonaan midnimada soomaaliya iyo isu
keenideeda , waxaa hubaala in ay jiraan dad u dhashay gobolada aan puntilland
ahayn in aysan marnaba doonayn in dawlad soomaaliyeed ay dhalato ama sharaftii
soomaaliyeed ay soo laabato maxaa yeelay dan ayuu u arkaa nolosha uu ku jiro ,
laakiin waxaa hubaala in aan laga yeelayn oo umada soomaaliyeed inteeda badan ay
la xisaabtamayso raadinaysana isu keenida umada soomaaliyeed iyo waliba in
la’iska qabanayo inta aan doonayn wanaaga umada soomaaliyeed , waxaan u arkaa in
aragtiyada khayaaliga ah ee ay is tusaan dadkaasi in ay iska soo dhamaandoonto
sidii Filim oo kale meel xuna ay ku danbayn doonaan waa hadayan is daba qabane ,
Dadku in ay midoobaan wanaagna ku midoobaan waa muhiim .
Ilaahay khayrka iyo wanaaga ha tuso Umada Soomaaleed.
Waxaa hubaala in aan nabad la’aanteed horumar la’gaari karin dan gaarana ayna
meela ku gaarsiinayn.
Afhayeenka Beesha Cumar Maxamuud ee Magaalada Manchester/UK
Xuseen Maxamed Xuubsireed
E-mail : mohamoud_hussein@yahoo.co.uk
Tel = 44 / 7985525950
Faafin: May 5, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkani waa mid u gaar ah
qoraaga ku saxiixan
Kulaabo Bogga
Hore....
|