SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Tartanka Madaxweynanimada Soomaaliya iyo tayada tartamayaasha

C/raxman Ceynte

Minnesota, USA

ceyntejournalist@attbi.com 

May 31, 2003 

FAALLO

KAAH

Iyadoo uu shirka "dibu-heshiisiinta" Soomaalida uu ku dhawaad sanad jirsan rabo ayaa waxaa heer kulul sii gaaraya tartanka jagada madaxweynanimada Soomaaliya.

Dunida inteeda kale waxaa laga yaqaan shaqsiyaad eey soo sharaxaan ururo ama hey'ado mug siyaasadeed ama mid dhaqaale leh. Xaalku sidaa aad buu uga fogyahay arrinka soomaalida. Wax weyn oo kaa xiga inaad isu soo sharaxdo jagada ugu sareysa dalka ma jiraan maanta. Walibana waxaa nasiib wanaag ah in xitaa hadii aadan ku guuleysan jagadaas eey u dhowdahay inaad magac weyn yeelato, adigoo dhabbe sahlan u yeelan kara madax iyo dad maamuus caalamka ku leh. Waaba hadii aan Ra'iisal wasaare lagaa dhigine, sida xaalka Carte ahaa.

aan kala qeybiyee, mushariixiinta ilaa iyo hadda isu soo taagay jagada madaxweynaha Soomaliya laba qeybood beey u kala baxaan:

(A) Kooxda hore waa magacyo eey dhagaheenu ka daaleen, Qaati-Bilaahina ka taagan yihiin. Waa: C/lahi Yusuf, Xuseen Ceydiid, Max'ed Dheere, Max'ed Qanyare, Muuse Suudi iyo wixii la halmaala.

Kooxdani, Ajandahooda siyaasadeedi uma sii baahna sharraxaad qaro weyn. waa mid iska fudud oo la yiraahdo "Ajandaha Mujaahidiinta" oo ah halheys eey jecelyihiin. Anigu cidda eey la soo "jihaadeen" baanan hubin. Ha yeeshee in iyaga lagu jihaado karo ayaan hubaa. Kooxdani waxa "Ballan siyaasadeed" u ah "Cadkanow, ama ku cun, ama ku ciidee" oo hadii uusan midkood helin jagadaas waa "bannad" ama "Qannad" hadba sida aad jeceshahay. Ma hubo ineey diyaar u yihiin ineey wada "Madaxweynayaasha ku meel gaarka ah" noqdaan. Laakiin mar uun hadii la maqashiin lahaa iyagii oo "Madaxweyne" ah dhiig-karkoodu wuu isdhimi lahaa! Qaarkood, horey ayeeyba taa uga dhabeeyeen. Tusaale ahaan, Col.C/lahi Yusuf waa "Madaxweynaha" jagada muquunsaday ee Puntland. Halka Xuseen Ceydiid ka yahay "Madaxweynihii hore ee Dowladii Salballaar" ee jagada ka dhaxlay aabihiis, Gen.Ceydiid. Qaarka aan nasiibka u yeelan in mar uun loogu yeero "Jaalle Madaxweyne" ayaa iyaguna ah kuwa eey taa ka go'an tahay, dantuba haku khasabtee ineey curiyaan Jowharland-'e. Waxaa intaa la jira, kooxdani waa kuwa aan jecleyn ineey arkaan kooxda kale ee iyaguna Madaxweynanimo doonka ah, oo iyagu u badan dad shibil/mutacalimiin soomaaliyeed ah oo dalkana ka maqnaa intuu jahawareersanaa. Kooxdani wexeey ugu yeeraan kooxda danbe "Haraagii Siyaad Barre" ama wax lamid ah. Wexeey aalaaba ku dhaleeceeyaan ineeysan u qalmin in jagadaas eey qabtaan, maxaa yeelay "Ragiimkii Siyaad Barre" kumaaneey soo jihaadin. Nimankani waa kuwa aan dan iyo heelle toona ka laheyn nidaamyada doorashooyinka caalamiga ah, sida; Sharixida Ajandahooda siyaasadeed, Iska dhisidda ama kasbashada codadka ururada awooda badan sida kuwa ganacsatada, aqoonyahannada, ardayda, haweenka iyo jaaliyadaha dibaddaba.

Bogga Faarax Sendiko:
http://www.farahsindiko.com/ 

(B) Kooxdan labaadi waa magacyo meel dhexaad ah iyo kuwa aadanba maanta kahor maqlin. Waxaana kamid ah: C/llahi Caddow, Faarax Sendiko, Cali Max'ed Caraale, Cusmaan Max'ed Faarax, Rashiid Max'ed Hure iyo Jaamac Xassan Khaliif. Kuwa kale oo fara badanna maalmaha iyo toddobaadyada soo socda ayaa la filayaa. Nimankani wexeey u badan yihiin rag qurbaha in badan ku noolaa, amaba hadda ku nool. Ajandayaal kala duwa ayeey wataan. Siyaabo kala duwan ayeey ugu rajjo weynyiihiin ineey guuleeystaan. Qaarkood sida C/Lahi Caddow iyo Faarax Sendiko waa rag magac weyn ama meel dhexaad ah ku leh soomaaliya. Inta aan anigu ka ogahay waa rag aan farahoodu dhiig ku haruudeeysneyn. Tusaale ahaan, Faarax Sendiko wuxuu 25 sano ee naga tagtay kamid ahaa ururka Cayaaraha soomaaliya iyo Afrika oo dhanba. Wuxuu intii uu jagada hayay ka gaaray fiinta ugu sareysa. Wuxuuna ku amaananyahay qaab-maamulkiisa. Xoghayaha guud ee Cecafe, Mr. Nicholas Musonye ayaa ku tilmaamay Sendkiko "nin aanan laaluush aqoon" Isagoo aad uga yaabsan awoodiisa maamuleedna wuxuu raaciyey " ... Sendiko si geesinimo leh ayaa ugu dagaallamay sidii Sports-ka Africa meel loo gaarsiin lahaa, taas oo markii danbe sababtay in Sendiko laba sano la ganaaxo". Sendiko, dadka ka soo horjeedaayi wexeey ku andocoonayaan inuu nin "Sports yahay" Laakiin Mr Musonye ayaa jawaab u hayya " Maamulka Sports-ku waa Ciyaaro siyaasadeed, Sendkina si fiican buu u cayaari yaqaan cayaarahaas, xitaa hadii ereyga (Siyaasad) kaliya la soo reebo".

C/Lahi Caddow wuxuu ahaa safiirkii hore ee soomaliya u fadhiyey Mareynkanka. Intii dagaalladu socdeen laguma dhex arag siyaasaddii dilka ku saleysneyd ee ka jirtay Somaaliya. Waagii Cartana, Marbuuba ku sigtay inuu madaxweyne noqdo. Aadbaa looga xushmeeyaa Washingnton iyo meelo kale. Ha yeeshee Riyadh iyo Qahira ayuusan waxba ku laheyn.

Ninka ugu danbeeya ee aan siiradiisa wax ka aqriyey waa ninka aan isku gobolka deganahay ee Mr. Jaamac Xassan Khaliif oo reer Minnesota ah. Todobaadkii hore ayuu is sharixidiisa iclaamiyey. Ku dhawaad dad aan tiro xoog leh laheyn baa magiciisa maqlay. Jagooyin siyaasadeed laguma maqal. Ha yeeshee dhamaan kooxdan danbe, waa kuwa leh Ajande Mucyan ah. Intooda badan wexeeyba faafiyeen Ajande dhameystiran. Tusaale ahaan Faarax Sendiko wuxuu cinwaan ku leeyahay shabakada Internetka Halkaas oo uu ku sharaxayo ku dhawaad dhamaan Aragtidiisa siyaasadeed. Waa Website-kii ugu horeeyey oo soomaali ah oo loo aasaasay ololeyn siyaasadeed. Waa tallaabo hore u kac leh. Ragga kale qaarkood, Sida Mr. Cusmaan Max'ed Faarax wuxuu heystaa tiimbareyntii (taageerid ama saxiixid- aalaaba doorashooyinka oo kaliya) ugu horeysay oo urur aan siyaasi aheyni tiimbareeyo. Waa ururka Ganacsiga Soomalida ee UAE'e. Sidoo kale waa tallaabo kale oo iyana in la dul-istaago mudan, maxaa yeelay wexeey ifineysaa in soomaalidu soo fahmayaan qaab doorasheedka caalamiga ah ee basiidkana ah.

Isku soo duub dhamaan labadan kooxodba, lama hubo cidd la "magacaabi" doono, illeyn cidna lama "dooran" doonee (Selection VS Election). Ha yeeshee shacabku malahan cod uu cidduu doono ku magacaabo/doorto. Hadii mid kamid ah Group A lasoo doortana, waa "Ka dar oo dibi dhal iyo furuq iyo daacuun" hadii Group B la soo doortana waa C/Qaasim kale- in Alle faraj gooni inoo furo mooyee. Hadii C/Qaasim kale la doortana, wuxuusanba ka dhamaan doonin tuugsiga carabta iyo isku taagtaagida Itoobiya. Hadii mid kamid ah "Mujaahidiinta" la doortana, waa dagaal iyo koobeey koow. Wexeey ila tahay markaas in shacabku dhowr arrimood deg deg wax uga qabto.

Shir Heshiisiineed oo cid walbaayi xaadir tahay (Dibu-heshiisiin waa erey khaldan).

Shir aan wadan number 15 oo lagu qabto gudaha soomaaliya (Illeyn midka hadda socdaa waa midkii 14-aad ee "dibu-heshiin'e, mid intoodaasba Somalia lagu qabtayna ma jiro).

Qaladka dhacay oo la isla garto, kahor intaan waxba la sixin (Illeyn dhamaan shirarku wexeey ahaayeen kuwa aan khaladba leys heybine).

Dhalinyarada, Dumarka iyo Dadka laga tirada badan yahay oo awood dheeraad ah la siiyo.

Allaa og wixii saxan.

C/raxman Ceynte

Minnesota

Ceyntejournalist@attbi.com

Afeef: Aragtida qoraalkkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

QORAALADII HORE EE CEYNTE 

Faafin: SomaliTalk | May 31, 2003 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD