SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA
OGEYSIIS: 

Fadlan lasoco in 48 saac ee soosota in laga yaabo in qayb kamid ah bogga in a kuusoo bixi weydo, ababtoo ah kaydkii wararkii iyo qoraaladii hore ayaa lagu xiriirinayaa server cusub, taas oo qaadan karta waqtigaas xusn. Markasta xusuusnow in haddii waqtigu intaas ka bato in aan qoraalada wixii warar ah ee soo kordha ku daabaci doonaa www.somaliatalk.com haddii Allah idmo.

<><><>

Qoraalkii May 28

Maxaa SomaliTalk iigu Soo Bixi Waayey Shalay.

Jawaab: Server cusub ayaa loo raray DNS-ka SomaliTalk.com 

To: SomaliTalk.com

Dear Valued Customer, Thank you for contacting technical support. The issue was site does not resolve by domain. I have double check all of your DNS and registrar settings and found them to be correct. Propagation of changes in DNS can take 24-48 hours to propagate accross the Internet.

Tech Support

Shabakadda SomaliTalk.com haddii ay shalay kuusoo bixiweydey sababtu waxay ahayd Server ka mid ah serverra-da ay SomaliTalk adeegsadaan oo loo raray meel cusub, taas oo keentay in la bedeley DNS [Domain Name System].

Sida caadiga ah marka la bedelo DNS-ka uu leeyahay website waxaa shardi ah in laga bedelo meesha website-ku ka diiwaan gashan yahay, marka halkaas laga bedelo waxay qaadataa in websitekaasi uu mar labaad Internetka kasoo baxo qiyastii 48 saacadood kadib marka is-bedelka DNS-ka la sameeyo, habkaas oo looyaqaan "Propagation" ama faafid uu website-ku ku faafayo Internetka, markaas kabacdi ayuu website-ku soo baxayaa. Sababtaas ayaa keentay in ilaa shalay ay kuu suurta geliweydey in aad aragtid bogga SomaliTalk.com. [eeg warqadda Ingiriiska ku qoran ee qaybta farsamadu nasoo gaarsiiyeen]. 

Waxaa kale oo xusid mudan guuritaankaas DNS-ku in uu sabbabay in la raray qoraaladii aan daabacnay saddex sano ka hor, kuwaas oo aan insha Allah ku daabaci doono server kale, sidaas darteedna ay dhici karto in aysan kuu soo bixin marka aad ku baartid barnaamijyada internetka lagu baaro ee loo yaqaan "Search".

Tan kale waxaa xusid mudan in Emailka SomaliTalk sidoo kale loo rarayo boos kale, sababtaas ayey ahayd tii aad maalmahaan emailka uga arkeyseen dhambaalka muujinaya in la dayactiri doono, waa inta adeegsata emailka Somalitalk.com, diiwaanka ama liiska inta qof ee email hadda SomaliTalk ug afuran tahay waxay gaarayaan ilaa 4507 qof.

Waxaa si buuxda hadda u shaqaynaya dhammaan Qolalka Chat-ka, qaybtaas oo ka kooban ugu yaraan 20 qol.

Qaybtii wax barashada ee HTML oo ka mid ah qoraalada aan daabacnay afar sano ka hor ayaa kamid ah kuwa aan u rari doono server cusub, insha Allah, sidaas darteed haddii qaybtaasi kuu soo bixiweydo fadlan sidaas u ogow, marka aan diyaarino cinwaanka ama linkiga aan ku daabacnay waa soo qori doonaa.

Qoraaladii ku qoraa www.SomaliTalk.comwww.SomaliaTalk.com iyo www.SomaliTalk.net wax iska bedeley ma jiraan. Waxa is bedeley waa qoraalo ku daabacnaa server afraad kuwaas oo sida aan kor ku xusnay la daabacay saddex ilaa afar sano ka hor. Dabcan taariikh ahaan ayaan u haynaa qoraaladaas iyo maqaaladaas hore, waxaana ku daabaci doonaa server noqon doona tixraac guud.

Bahda SomaliTalk.com waxay u mahad celinayaan dhammaan akhristayaasha.

Mahadsanidin


Qore: Maxamed Cali
Qaybta: Canada/USA
SomaliTalk.com 

Faafin: SomaliTalk | May 28, 2003 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

 

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD