SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Dib Udhac Kuyimid Manta Heshiiskii Puntland Iyo Xilligii Maqribka oo Laxaliyay

Shiike
faaraxbotan@hotmail.com 
Assalamu calaykum Waraxmatullahi wabarakatuhu:Bacda salaan

May 14, 2003

KAAH


Sida ay dad badan lawada socdeen , waxa lafilayay in lagu dhawaaqo Maanta Galinkii hore heshiiskii dhex mari lahaa Maamulka DG Puntland Iyo Mucaaradka Puntland, hasayeshee ma'aysan dhicin xafladdii sababo laxariira qodobo yar yar oo ay wax kasoo noqdeen.

Arrintan oo aan kawaraystay Sargaal sare oo katirsan Hogaanka sare ee Daraawishta DG Puntland, oo iga codsaday in aan magaciisa lasheegin, ayaa waxaa uu yiri arrinta hakashada keentay waxay tahay qaabkii la'isagu dhafi lahaa Ciidamada labada dhinac, taasoo sargaalku ku nuuxnuuxsaday in mamulka uu 'u ogolaaday Mucaaradka in Ciidankooda tiro Saddex Boqol (300) ah loogu dari doono Ciidamada DG Puntland qaybahooda kala duwan, sida Daraawiishta iyo Poliska.

Sargaalku waxa uu intaas ku daray in Ciidamada Mucaradka Hogaankooda Sare ay dalbadeen in Ciidamada loogu daro Tiro intaas kabadan oo gaaraysa KUN(1000)Askari, halka dhinaca maamulkana uu 'u ogolaaday Tiro Saddex Boqol (300)ah, arrintan ayaa keentay in dib loo dhigo xafladdii maanta lagu soo gabagayn lahaa Howsha Nabad raadinta Puntland.

Xilligii Salaadda makhribnimo ee caawa ayaa madashii shirka la'isagu soonoqday, waxana ay Maamulku ogoladeen in Ciidamada lakordhiyo oo lagu siyaadiyo Tiro dhan Laba(200)Boqol oo Askari, tasoo guud ahaan ka dhigaysa Ciidamada Mucaradka qaybta ay heleen inay noqoto Shan (500)oo Askari oo kubiiraya dhamman hay'adaha Ciidamada DG Puntland Ee Poliska Iyo Daraawiishta.

Go'ankan markii uu soobaxay ayaa waxa shir gaar ah yeeshay Hogaanka sare ee Ciidamada Mucaradka , tasoo ay ku aqbaleen go'anka danbe, si kastaba ha'ahaatee sargaal sare oo katirsan dhinaca GBP ee xagga ciidamad qaabilsan ayaa waxa uu ii sheegay in arrinta ciidamada haddii ay dhamaato qaabka qaybta ay laba dhinac si wada jir ahi usoo saarayaan Bayaan Nabdeed iyo Warsaxaafadeed dheelitiran oo dhinacyo badan taabanaya.

Waxaa madasha shirka kamuuqda marka aad dhinac kastaa ka eegto Sawir muujinaya Guuxa Nabadda, waxa jira Culays badan oo dhinac kastaa saaran oo ka imanaya Jaaliyadaha dibadda iyo kuwa gudaha, isla markaana waxaad dareemaysaa Tanaasulaad dhinackasta. Majirto wax waji nacayb ah oo kamuuqda madasha shirka , iyo waliba saraakiisha labada dhinac, waxad arkaysaa sarakiil laba dhinac ka kala hogaamiya ciidamooda isla markana ay wada fadhiyaan oo midkastaa taleefanka gacanta(Mobile)uu dhinaca u suran yahay, waxaad dadka kadareemaysaa Jacayl nabadda, waxa jira Hiloow Badan oo walaanimo, si kastaba arrintu hanoqotee waxan lasugayaa illaa maalinka sabtida ah in go'aankii kama danbaysta ahaa lagu dhawaqi doono haddii rabbi idmo.


Mahadsanid

shiike
faaraxbotan@hotmail.com 

Somalitalk. 

May 14, 2003 

 Qoraaladii Hore ee Shiike

Dib u Dhaca Safarkii Bosaso ee Xasan Abshir & Deerow
Khilaaf soo kala dhexgalay DKG ayaa sababay in GUJI...  13/5

Wararkii  Nabada PL 
»»Wafdigii Ugu Danbeyay oo Caawa kadulay Dubai Iyo Shariqa
»»Cabdullaahi Yuusuf iyo Cade Muuse oo yeeshay Kulan Gaar ah

Dhammaan Ka Akhri Warbixintii Shiike.. GUJI..  8/5/3

Warsaxaafadeed: Madaxtooyada Puntland 
waxaa Boosaaso maanta si rasmi ah uga furmay shirka wadahadalka dawlad goboleedka Puntland iyo....   GUJI 6/5

Wararkii hore ee Puntland
warbixintii Shiike ee wararkii Boosaaso, UAE, iyo Nairobi iyo wufuuda kusii jeeda Boosaaso...  GUJI

Kulaabo Bogga Hore....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD