Ogeysiis ku jeeda Soomaalida
Minnesota
Sanad Guuradii labaad ee
Habeekii Waxbarashada Soomaaliyeed.
Waxaa Soomaalida ku nool Minnesota iyo nawaaxigeeda laga codsanayaa inay ka soo
qayb galaan xaflad balaaran oo aad loo qorsheeyay oo ka dhici doonta
Minneapolis, Minnesota.
Waa xaflad lagu dhiiri gelin doono waalidiinta
iyo ardada Soomaaliyeed ee dhigata dugsiyada sare sidii ay dadaalkooda u xoojin
lahaayeen iyo damaashaad looga gol leeyahay in dhaqanka iyo is jacaylka
Soomaalida lagu xoojiyo.
Xafladda waxaa warbixin iyo talooyin wax ku ool
ah oo khuseeya ardada iyo waxbarashada ka soo jeedin doona khubaro aad ugu xeel
dheer arrimaha noocan ah. Waxaa Cunto fudud xafaladda ugu deeqay maqaayadda
cusub ee Kaaha Minneapolis.
Goobta: Roosevelt High School
4029-28th Ave South
Minneapolis, Minnesota
Goorta: Khamiista bisha May 8deeda 2003
Saacaduna tahay 04:30pm
Waxbarshadu waa muhiim, ubadkeenuna aan caawino
oo wax u sheegno waana in aan dhiirinaa oo hiil iyo hooba la garab istaagnaa
waayo waa kuwa sii qaadan doona ama sii huwan doona magaca sharafta wayn huwan
ee SOOMAALI. Wixii faahfaahin ah kala soo xiriira Somali Education Night (SOMEN)
612-267-0610
Ka soo qaybgal wacan. GUULAYSTA GUULAYSTA
GUULAYSTA.
Wabilahi tawfiiq.
Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk | May 5, 2003
...Qoraaladii hore ee Wardheere
...Wardheere
Archive......
Kulaabo Bogga
Hore....
|