CANADA: Gobolka Ontario oo ku dhawaaqay Xaalada Degdeg ah oo Caafimaad
Tarjumadii SomaliTalk | Canada March 27, 2003
TORONTO: Dawladda gobloka Ontarlia ee dalka
Canada ayaa ku dhawaaqday xaalad caafimaad oo degdeg ah si looga hortago loon
axadido cudurka aan la aqoon ee loo yaqaan SARS
ee kasoo fafay dhankaas iyo koonfur Bari Aaasiya. [Daawo
Halkan.... Canada TV]
Jariidada Toronto Star cadaddkeedii Arbaca
March 26 waxa uu qoray in kumanaan qof la amray in ay "is karantiinaan"
oo ay xirtaan qalabka samka lagu xirto ee loo yaqaan "masks",
aybtoodna ay guryaha joogaan. Waxaa jariidadu werisey sarkaal ka tirsan qaybta
caafimadka Torornto uu yiri qofkasta oo booqday cisbitaalka Scarborough
Grace Hospital oo kuyaal Toronto laga soo bilaabo March 16 in uu gurigiisa joogo
muddo toban cisho ah oo ka bilaabanaysa maalintii uu qofkaasi cisbitaalka
booqday. ISHA.
Ilaa hadda waxaa lagu soo waramay in Canada
lagu arkay 27 qof oo ay suurta gal tahay in ay cusurkaas qabaan iyo 5 qof oo
loogashakiyey cudurkaas. Laba qof ayaana cudurkaas u dhintay, sida aad ku arki
doontid warbixintii hore ee cudurkaan ee hoos ku qoran.
<><><>
CUDUR AAN LA AQOON OO HALIS AH OO KASOO FAAFAFAYA AASIYADA
KOONFUR-BARI
Tarjumadii SomaliTalk.com
March 17, 2003
Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee marka lasoo
gaabiyo loo yaqaan WHO [World Health Organisation] ayaa faafisay digniin
kusaabsan cudur
cusub oo dunida ku faafaya, cudurkaas oo halis ah wuxuu ku dhacaa xubnaha
neefsiga ee qofka bini Aadamka ah, waxaana cudurkaas marka lasoo gaabiyo loogu
magac daray SARS oo u taagan
“Severe Acute Respiratory Syndrome” taas oo afsoomaali ahaan ku noqon
karta cudurkii xubnaha neefsiga ee halista ahaa. Ilaa hadda waxaa cudurkaas lagu
arkay 150 oo kala jooga dalalka Canada, China (oo ay kujirto Hong Kong),
Indonesia, Philippines, Singapore, Thailand and Vietnam. Waxaana u dhintay
sagaal qof oo badankoodu ku noolaa Aasiya.
WHO waxa ay digniintaas caalamiga ah faafisay
Sabtidiid (March 15, 2003).
Ilaa hadda lama oga waxa uu cudurkani ka
bilaabmay, lamana hayo daawo la hubo oo lagu daweyn karo ilaa hadda. Waxaana
jira warar sheegaya in aan weli la aqoon in cudurkani yahay Virus ama Bacteria.
Sida degdegga ah ee uu ku fidaayo
cudurkani awgeed ayaa hay'adda WHO ugu baaqday caalamka sidii la isaga kaashan
lahaa helida ishii cudurkan, kaddibna loo daweyn lahaa, isla mar ahaantaana loo
joojin lahaa faafitaankiisa.
Khubarada caalamku waxa ay u tafa-xayteen sidii
ay u heli lahaayeen daawada cudurkaan ay WHO ku macnaysay halis soo food-saartay
caafimaadka dunida.
Inkasta oo Hay'adda WHO ay ku dhawaaqday
digniintaas caafimaad, hadana ma cayimin meelo gaar ah oo aan loo safri karin.
Laakiin saddexda dal ee kala ah Thailand, Taiwan iyo Singapore waxa ay
muwaadiniin tooda kula taliyeen in aysan u safrin Hong Kong.
Warar ay faafiyeen war-baahinta Malaysiya ayaa
sheegay in dhammaan dadka lagu arkay cudurkaas neef-mareenka ku dhacaya ay si uun ugu xiriirsan yihiin
Hong Kong.
Arintaas socdaalka la xiriirta ayaa markiiba madaxa caafimaadka Hong Kong oo lagu magcaabo Dr Yeoh Eng Kiong uu
isugu yeeray kulan degdeg ah si uu adduunka ugu xaqiijiyo in halkaasi (Hong
Kong) ay ilaa hadda tahay meel loo safrikaro.
Calaamadaha ugu waaweyn ee lagu garto cudurkaan
loo bixiyey SARS waa:
- Xummaad sare (>38oc)
- Qufac, Neefsiga oo qofka ku yaraada, ama
qaadashada neefta oo qofka ciriir ku noqta, iyo cunaha oo qofka xanuunaya.
Dhakhaatiirta
Hanoi, Vietnam oo sanka duubanaya marka inta aaney gelin qaybta gargaarka
degdegga ah.
SAWIRKA AP, oo ay sii faafisay CBC |
Waxaa kale oo calaamadahaas sare ee cudurka ka
mid noqonkara:
madax xanuun, muruqyo xanuun, daal, wareer, iyo shuban.
Waxaa dhakhaatiir badani ku tilmaameen
cudurkaan mid aad ugu dhow hargabka (durayga). Waxaa akle oo lagu tilmamay in uu
u dhowyahay cudurka liimooniyada [pneumonia].
Waxaa wararka qaybtood tibaaxeen in cudurkaas
laga qaadi karo haddii lala kulmo oo aad loogu dhowaado qof cudurkaas qaba.
Dalal badan oo dunida ka mid ah ayaa cudurkaan
indho dheer ku eegaya, waxaana kamid ah NewZealand iyo Australia.
Dhanka
Woqooyiga Ameerika, dalka USA ha'adda u qaabilsan ka hortagga cudurada ayaa ku
dhawaaqday digniin cudurkaas ku wajahan. Dalka Canada sida uu faafiyey
Telefishanka CBC cudurkan waxaa u dhintay laba qof oo kamid ah qoys Toronto ka
deggan xaafada Scarborough, qoyskaas oo qayb kamid ah ay dhowaan kasoo laabteen
Hong Kong waxaa hadda meel gooni ah lagu hayaa afar qof oo isla qoyskaas ah.
Dalka Canada ilaa hadda waxaa lagu arkay 10 qof oo cudurkaas qaba ayaa
Telefishanku ku daray. [Halkan
ka daawo warkii TV-ga Canada]
Dalka Soomaaliya oo aan hadda lahan
dawlad-dhexe oo dadka uga digi karta halista caafimaad ee halkaas kasoo bixi
karta, ama xadidid karta dadka ka imanaya dal cudurkaas lagu hubo, waxa ay
walaac ku noqon kartaa shacabka Soomaaliyeed haddii cudurkaasi dunida kusii
faafo oo aan markiiba daawo loo helin. Waxaana xusid mudan in dadka Soomaalidu
ay xiriir ganacsi oo toos ah la yeelan karaan dalalka Koonfurta Bari ee Aasiya
oo ah meelaha hadda ay dunidu indhaha goonida ah ku eegayaan. Hadaba haddii
xaalka Soomaaliya sidaas yahay, halistaasina ay jirto waxaa dhakhaatiirta
Soomaaliya la gudboon in ay ku baraarug sanaadaan cudurkaas, isla mar ahaantaana
calaamadaha cudurada aan la aqoon ay la kaashadaan dhakhaatiirta kale ee dunida
iyo hay'adaha caafimaadka oo ay ugu horayso hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO.
WIXII
KUSOO KORDHA CUDURKAAN HALKAN KA AKHRI.... GUJI
Tarjumadii Maxamed Cali
SomaliTalk Canada/USA
somalitalk@hotmail.com
TIXRAAC: www.cbc.ca
| www.who.int
| www.cdc.gov
| www.thestar.com.my
Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2003
Cudurka
Sonkorowga oo sannadkii 2002 looga digey Soomaalida USA... GUJI
Cali
Macow Macalin oo Soomaali ah ayuu ahaa qofkii ugu dambeeyey oo dunida lagu arko
cudurka Fururqa... GUJI.
LIFAAQ
SHACABKA SOOMAALIYEED WAA IN AY U DIYAAR GAROOBAAN
DAGAAL DHEER OO AH SAFAYNTA SUNTA HALISTA AH EE HADDA KU DUUGAN SOOMAALIYA,
MARKA UU DHAMMAADO DAGAALKA DHOW EE QABQABLAYAASHU
Dhakhaatiirta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed waxaa sugaaya in ay baaritaan
cilmiyeed ku sameeyaan waxyaabaha sababaya xanuunada aan Soomaaliya horay loogu
arkijirin ee hadda kusoo badanaya, gaar ahaan xanuunada carruurta. Su'aal ay dadbadani isweydiinayaan ayaa
waxa ay tahay, sunta lagu duugey Soomaaliya, (sida ay caddeysay cilmibaaristii Dr.
Bashiir Sh. Maxamed) , imisa raad ah ayey ku leedahay xanuunada kusoo batay
Soomaaliya. Jawaabteedu waxay sugeysaa Soomaalida aqoonta uleh cilmigaas...... GUJI
HALKAN
|