KIPLAGAT OO DHAMAAN HOGAAMIYAYAASHA
SOOMAALIYEED UGU BAAQAY IN AY 18ka MAARSO KASOO QAYBGALAAN SHIR DAG DAG AH
OO LAGU QABANDOONO MBAGATHI, NAIROBI
Ridwan Xaaji Cabdiwali
ridwanhaji14@hotmail.com
Mbagathi ,
Nairobi, Kenya
March 15, 2003
GUDOOMIYAHA GUDIGA FARSAMADA IGAD AHNA ERGAYGA KENYA U XIL SAARTAY WADA
HADALADA NABADA EE SOOMAALIYA DANJIRE BETHWEL KIPLAGAT AYAA UGU BAAQAY DHAMAAN
HOGAAMIYAYAASHA SOOMAALIYEED EE SHIRKA JOOGA IYO KUWA DIBADDA UGA MAQAN SHIR DAG
DAG AH IN AY KASOO QAYBGALAAN.
SHIRKAASI OO LAGU QABAN DOONO MAALINTA TALAADADA GALINKA HORE MADASHA SHIRKA DIB
U HESHIISIINTA EE MBAGATHI TAARIIKHDUNA AY TAHAY 18KA MAARSO.
WAXAA SI GAAR AH ERGAYGU UU UGU BAAQAYAA IN AY SHIRKAASI GOOBJOOG KA NOQDAAN
HOGAAMIYAYAASHA KU MAQAN GUDAHA DALKA SOOMAALIYA EE KALA AH:
COL.BARRE ADEN SHIRE "HIIRAALE"
MAXAMED CUMAR XABEEB"MAXAMED DHEERE"
MUUSE SUUDI YALAXOOW
GEN.MAXAMED SICIID XIRSI "MOORGAN"
SHIRKAASI WAXAA LOOGA HADLI DOONAA SADEX QODOB OO MUHIM AH WAXAANA AY KALA
YOHOON:
1-QAAB DHISMEEDKA DAWLADDA SOOMAALIYEED IYO SIDA LOO FULINAYO
2-KU DHAQANKA HESHIISKII XABAD JOOJINTA EE 27KII OCTOBER
3-SOO BANDHIGIDA HAWLAHA GUDIYADA 6DA AH EE SHIRKA
KULANKAASI KADIB WAXAA SHIR ISUGU IMAN DOONA GUDIGA FARSAMADA EE IGAD OO UU
GUDOOMIYE UYAHAY DANJIRE BETHWELL KIPLAGAT.
Ridwaan Xaaji C/Wali
Mbagathi, Nairobi, Kenya
ridwanhaji14@hotmail.com
SOMALITALK.COM | March 15, 2003
<><><>
Gen.
Maxamed Abshir Muuse oo Laga Yaabo in uu Sii Joogo Maraykanka
Gen. Abshir ayaa markii uu tegey
xafiiska INS si loogu cusboonaysiiyo sharciga kumeel gaarka ah ee uu ku joogey
USA ayaa waxaa loo sheegay in uu INS-ta tuso Visa, Baasaboor iyo tigidhkii uu
Maraykanka kaga bixi lahaa, laakiin.. GUJI...
8/3
DKG
oo Dugsi Hoose/Dhexe Kadhigeysa Goob Ganacsi
Waxaa Dugsigii Xamar Jadiid laga dhigayaa goob ganacsi sida ku cad wareegto
kasoo baxday DKG, arintaas oo.. GUJI
7/3
WAR-BIXIN
KU SAABSAN SHIRKA NAIROBI
Qaar ka mid ah ergada DKG ayaa si toos ah ugu soo xerooday madasha loogu talo
galay inuu shirka Soomaalidu ka socdo... warbixintii Ibraahim
Maxameddeeq 6/3
WARARKA
SHIRKA MBAGATHI
»»SRRC
oo eedayn Kulul usoo jeedisey DKG
»»Cismaan
Caato oo Weli diidan SHirka Nairobi
»»Shariif
Salaan oo Kubaaqay in Laga Soo qayb galo Shirka
»»Cawad
Cashara: Eedaynta Deriska waxba kama jiraan
Dhamman
Ka Akhri Halkan Feb 28
|