SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Gen. Maxamed Abshir Muuse oo Laga Yaabo in uu Maraykanka Sii Joogo
  • INS waxa ay weydiisteen Abshir in uu tuso Visa iyo baasaboor iyo Tikidh uu kaga baxayo Maraykanka, asagoo muujinayo in ay u qorshaysan tahay in uu ka baxayo (wadanka USA).
  • Dublamaasiyiin Maraykan ah oo hore uga soo shaqeeyey Soomaliya sanadihii 1960-maadkii ayaa ku dadaalaya in Abshir uu sii joogo USA, waxayna warqad u qoreen Colin Powell.
General Mohammed Abshir  
Abshir: Somalia's Mandela
www.insightnews.com
June 25, 2001

Genaraalka Soomaaliyeed ee taageeradiisii  dimoqraadiyadu ay sababtay in la xiro muddo 12-sano ah, kaas oo daljire Maraykan ah uu ku tilmaamay "qofka ugu qiimaha badan Soomaalida hadda nool", waxa uu hadda ku noolyahay Minnesota, laakiin waxaa dhowaan loo diidey ogolaanshihii uu ku joogi lahaa Maraykanka, sidaas waxaa ku bilaabmay qoraal dheer oo ay faafisay jariidada SHNS (Scripps Howard News Service). Dublamaasiyiin hore (oo Maraykan ah) oo Gen. Mohamed Abshir Musse u tixgelinaya jaal qaali u ah Maraykanka ayaa hadda ku hawlan sidii ay ogolaanshahaas ugu heli lahaayeen. 

Waxaa jariidadu intaas ku dartay in Maxamed Abshir, oo hadda 76-jir ah, uusan wax caro ah ka muujin xaalada uu hadda ku sugan yahay. "Waxaan filayaa in wax aan wanaag ahayni kasoo baxayn saaxibadayda Maraykanka ah" ayuu yiri Maxamed Abshir, waxana uu rumaysan yahay in ay wax kasta oo ay awoodaan u samaynayaan, oo ay ka mid tahay xeer khaas ah oo Congress-ka ah oo suurta gal uga dhigaya in uu Maraykanka ku sugnaado.

"Gen. Abshir wax badan ayuu u qabtay Maraykanka, wax weyn ayuu sidoo kale u qabtay xasiloonida wadankiisa wax aan qof kale oo Soomaaliyeed u qaban" sidaas waxaa yiri dublamaasiga shaqada ka fariistay oo lagu magcaabo Peter Bridges, oo ahaan jirey safiir Maraykanka u fadhiyi jirey Soomaaliya bartamihii 1980-maadkii.

Bridges iyo labo kale oo safiiro Maraykanka uga soo noqday Soomaaliya iyo saddex kale oo sarakiil hore oo Maraykanka u qaabilsanaanjirey gobolkaas ayaa warqad u qoray xoghayaha arimaha dibada ee Maraykanka, Colin Powell, warqaddaas oo ay ku weydiisanayaan taageerada xeerkaas Congress-ka (ee Abshir u ogolaanaya in uu Jooga USA).  Warqaddaasi waxa ay tiri Abshir caawinaadiisii uu u fidiyey xubnaha katirsanaa Militeriga Maraykanka waqtigii 1992-95 ee barnaamijkii raja soo celinta loogu magacdaray  "Operation Restore Hope" waxa ay badbaadisey in badan oo nafaha Ameerikaan ah.

Multiple sclerosis (MS) waxa lagu qiyaasaa in ay qabaan 2.5 million  oo qof oo daafaha dunida ku nool. Waxaana la sheegaa in uu ku dhaco dadka da'duudu u dhexeyso 20 ilaa 40 jir, inkasta oo uu ku dhici karo da' intaas ka weyn. Waa cudur si tartiib tartiib ah u wax yeeleeya qaybta neerfayaasha jirka  [nervous system], ila hadana cudurkaas si wanaagsan dhakhaatiirtu uma fahmin. lamana yaqaan waxa sababa, lamana oga daawo rasmi ah oo uu leeyahay.

<><><>

XABATUL-SOWDA WAXAY DAWO U TAHAY CUDUR KASTA, OO AAN GEERI KA AHAYN, sidaas waxaa ina baraya axaadiista rasuulka.

Dawladda Maraykanku si toos ah uguma cagajuglayn Abshir oo hadda ku nool duleedka magaalada Minneapolis, xaafadda Eden Prairie. Arimihiisa xagga sharciga la xiriira waa kuwo murugsan, ayaa jariidadu ku dartay. Abshir looma ogolaan deganaanshaha loo yaqaan asylum, laakiin ilaa uu dalka Maraykanka yimid sannadkii 2001 waxaa loo ogolaaday in uu xanaaneeyo wiilkiisa 27-jirka ah ee qaba jirada MS [multiple sclerosis]. Sharcigaas (uu Abshir ku joogo Maraykanka) waxa uu ahaa kumeel gaar [temporary status], kaas oo ay ahayd in mar kasta la cusboonaysiiyo. Markii u dambeysey ee uu dalbaday in loo cusboonaysiiyo waxa ay laanta socdaalka u qaabilsan Maraykanka, Immigration and Naturalization Service (INS), weydiisteen Abshir in uu tuso Visa iyo baasaboor iyo Tikidh uu kaga baxayo Maraykanka, asagoo muujinayo in ay u qorshaysan tahay in uu ka baxayo (wadanka USA).

Abshir waxa uu INS u sheegay xeerka [Congress's Bill], laakiin waxaa loo sheegay in codsigiisii la diidey oo aysan suurtagal ahayn codsi dambe.

Wargeyska oo qoraalkiisii sii wata waxa uu qoray: Soomaaliya, oo ah horay loo sheegay in ay tahay goob marti gelin karta argagixisada, waxa ay ka mid tahahay wadamada sida gaarka loo fiirinayey wixii ka dambeeyey Sept. 11. Qareenka lagu magcaabo  Martin Ganzglass, oo reer Washington ah,  waxa uu yiri qof lab ah oo ka yimid waddan noocaas ah oo aan haysan sharci rasmi ah waxaa ku waajib ah in uu isu tixgeliyo mid u nugul in la xiro, lana musaafuriyo. Laakiin INS-ta waxaa maxkamdi ka reebtay in aysan qofna u tarxiili karin Soomaaliya aydoo sabab looga dhigay in aysan ka jirin dawlad qaabili karta qofkaas la celinayo. 

Ganzglass waxa uu markii u horeysey la shaqeeyey Abshir sanadihii 1960-maadkii, waagaas oo Abshir ahaa kan ugu sareeya booliska Soomaaliya, waqtigaas Ganzglass waxa uu ahaa  Peace Corps kaas oo shaqadiisu ahayd in uu talo sharciyeed siiyo Jamhuuriyadii Soomaaliya ee  taagta darayd , ayuu ku daray wargeysku.

abshir Eeg sawirka oo weyn: Startribune
Maxamed Abshir iyo gabar yar oo uu awoowey u yahay, magaceedana layiraahdo Maryam, Minnesota.

Tim Counts, oo ah afhayeenka Bureau of Immigration iyo Customs Enforcement, waxa uu yiri  INS waa ku baraarugsan tahay xaalada waana eegeynaa arintaas. 

Maxamed Abshir waxa uu Soomaaliya ka baxay sannadkii 1998 markaas oo uu aadey Djibouti, kaddibna  Saudi Arabia, kaddibna  Minnesota, oo ah gobolka la rumaysan yahay in ay ku nool yihiin tirada ugu badan ee Soomaalida-Maraykanka ah [Somali-Americans], ayey jariidadu hadalkeedii ku xoojisey.

Labadii sano ee ugu dambeysey Abshir waxa uu ku noolaa Minnesota asaga iyo xaaskiisa iyo saddex kamid ah toddobadiisa carruurta ah. Dhammaantood waxaa taageera gabadhooda la qabo iyo wiilka uu soddoga u yahay oo haysta dhalashada Maraykanka. Xaaska Abshir oo lagu magcaabo Maryam Muuse Guul [Mariam Musse Gul], waxa ay tiri wiilkanaga xanuunsan waxaa laga joojiyey taageeradii xanaanada caafimaadka ee laga bixin jirey. Waxa kale oo Maryam sheegtay in ayada iyo carruurtaba ay dhici karto in ay lasoo gudboonaadaan dhibaatooyin marka ay Visadu ka dhacdo dhawr bilood ka dib.

Waxaa warku kusoo gabagabeeyey in xeerka [bill-ka Congress-ka ee kor ku xusan] ay qoyska Abshir oo dhammi soo hoos gelayaan, waxaana xeerkaas damaanad qaaday [sponsor]  U.S. Rep. Thomas Petri, R-Wis., oo ahaan jirey Peace Corps kasoo shaqeeyey Soomaaliya sanadihii 1960-maadkii, kaas oo aqoon waagaas ah u leh Abshir, sida uu sheegay qareen Ganzglass, ayna ku warbixisay jariidada shns.

I  I  D  H  E  H

 ISHA WARKA: http://www.shns.com   | http://www.knoxnews.com/  

TARJUMADII: SOMALITALK.COM | MINNESOTA, USA

FAAFIN: March 8, 2003

-dhammaad-

Xafladii Ardayda Soomaaliyeed Edison High School
MINNEAPOLIS: Xafladaas oo ay kasoo qaybgaleen waalidiinta, macallimiinta iyo ardayda dugsigaas waxay ahad
GUJI 5/3

 

TAXANIHII SHIRKII ELDORET 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD