SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Sawirka: AP
Hogaamiyayaasha Carabta oo Ku Dhawaaqay in ay Kasoo Horjeedaan Dagaal Ciraaq

 Wararka ka imanaya magaalada SHARM Al-SHEIKH, ee dalka Masar, ayaa sheegaya in madaxda ururka ay ku midoobeen wadamada Carabtu ay shaaca ka qaadeen in ay diidan yihiin dagaal lagu qaado dalka Ciraaq.

Waxaa wararku intaas ku darayaan in madaxda ururka midowga Carabta ee shirku halkaas uga socdey ay si xoog badan uga soo horjeesteen dagaal lagu qaado Ciraaq, waxana ay ku baaqeen Sabtidii in wadamada ku jira ururkaasi aysan ka qayb qaadan dagaalkaas.

Dhanka kale waxa ururka Carabtu ugu baaqeen Madaxweynaha dalka Ciraaq, Saddam Xuseen, in uu la shaqeeyo Qaramada Midoobey.

Qaraarka ugu dambeeyey ee ururka Carabtu ay Sabtidii ka soo saareen shirka uga socdey SHARM Al-SHEIKH, MASAR, waxa ay ku sheegeen in ay wafti heer sare ah oo Bahrain hogaamineso u diri doonaan Baghdad iyo Golaha Ammaanka si ay dhambaal qaraarka shirkaas ka soo baxay ah u gaarsiiyaan.

Xoghayaha guud ee ururka Midowga Carabta, Camar Muuse, waxa uu sheegay in ay taabacsan yihiin qaraarka Golaha Ammaanka 100%. Waxa kale uu Camar Muuse sheegay in ay si dhab ah uga soo horjeedaan dagaalka Ciraaq aysana rabin in ay qayb ka noqdaan dagaalkaas. Waxana uu intaas ku daray asaga oo yiri waa maxay sababta keeneysa in lagu degdego dagaalka aan caanka ka ahan gobola iyo aduunkaba. ma fahmin taas ayuu kusii daray.

Qadaafi oo eedayn dusha uga tuuray Saudi Arabia, Kuwait iyo Maraykanka.

Moammar Gadhafi: Taariikh Kooban

Wararka kale ee ka imanaya Masar ayaa sheegay in shirka ururka midowga Carabtu uu subaxnimadii Sabtida mar u dhowaadey in lagu kala dareero kaddib markii madaxweynaha dalka Liibiya, Moammar Gadhafi, uu dhibaatada bariga dhexe ku eedeeyey joogitaanka ciidamada Maraykanka, kuwaas oo uu sheegay in ay keeneen dalalka Sucuudiga, Kuwait iyo dalalkii kale ee ka qayb qaatay dagaalkii Khaliijka 12 sano ka hor. Hadaladaas oo lagu soo waramay in ay ka caraysiisay waftiyadii kasocdey dalalka Sucuudiga, Ciraaq iyo Suuriya oo ay isku dayeen in ay shirka iskaga baxaan, taas oo lagu soo waramay  in uu ka daba orday wasiirka arimaha dibada ee Liibiya asagoo u sheegay in Qadaafi hadalka uu yiri uusan xumaan ula jeedin.

Waxaa kale oo lagu soo waramay in Sheik Maktoum bin Rashid Maktoum oo ka socdey dalka  imaaraadka cararbta uu ugu baaqay Saddaam Xuseen in uu xukunka iskaga dego. 

Dhanka kale waxaa lagu soo waramay in madaxweynaha dalka Suuriya, Bashar Assad, uu shirka ka soo jeediyey hadal aad u kulul asaga oo sheegay in arinta Ciraaq ay tahay gumeysi, waxana uu u digey Carabta kale in ay ku xigaan.

Kulankii 15aad ee Ururka Carabta

Kulankay ay wadamada ku bahoobey ururka Carabta ku yeesheen magaalada Sharm Al-Sheikh ee dalka Masar, waxa uu ahaa shirkii cadiga ahaa ee 15aad. Kulankaan waxaa kasoo qayb galay dalalka kujira ururkaas. Kuwaas oo 13 wadamadaas ka mid ah waftigooda ay hogaaminayeen madaxweyna yaashooda, kuwaas oo ahaa: Egypt, Syria, Lebanon, Bahrain, Qatar, Morocco, Yemen, Algeria, Tunisia, Sudan, Somalia, Jordan iyo Libya.

Ra'iisal wasaarayaal iyo wasiiro ka tirsan dawlahada waxay hogaaminayeen wadamada: Saudi Arabia, Iraq, Kuwait, Palestine, Oman, Mauritania, Djibouti, Comoro Islands  iyo United Arab Emirates.

Ururkan midowga carabta waxaa la asaasay March 22, 1945 si uu u difaaco ammaanka iyo xoriyada dhammaan dalalka ku jira ururkaas. Waxaa hadda ururkaas xubno ka ah 22 dal, xoghayaha ururkaas ee hadda waa Amr Moussa oo mar ahaan jirey wasiirka arimaha dibada ee Masar, waxana lagu soo magcaabay kulankii Cumman lagu qabtay March 2001, waxana uu bedeley Dr. Ahmad Esmat abd al-Meguid oo asaguna u dhashay dalka Masar.

Xoghayayaashii soo maray ururkaas intii u dhisnaa waa lix, waxayna kala ahaayeen:

annanKofi Annan, Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobey, ayaa Kooxaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay colaada joojiyaan isla markaana ka qayb qaadaan hanaanka geedi socodka nabada, waxana uu cadeeyey in hadii ay dagaalka joojin waayaan lala xisaabtami doono, waxa kale oo Annan uu ka codsaday wadama deeqda bixiya in ay caawiyaan Soomaaliya, sidaas wuxuu ku sheegay qoraal kasoo baxay UN-ka Feb 28, 2003
  1. Abdul-Razzaq Azzam 1945-52
  2. Abdul-Khaleq Hassouna 1952-72
  3. Mahmoud Riyadh 1972-79
  4. Chedi Klibi 1979-90
  5. Dr. Ahmad Esmat Abdul-Maguid 1991-2001
  6. Amr Moussa 2001-

Soomaaliya waxa ay ururka Carabta ku biirtay 14/2/1974.

WARARKA KALE EE CAALAMKA:

PAKISTAAN: Waa berigii March 1 ayaa gacanta lagu dhigay Khalid Shaikh Mohammed oo ka mid ah dadka uu Maraykanku u raadinayey qaraxyadii September 11. 

TURKEY: Baarlamaanka Turkiga ayaa Sabtidii diidey xeer ogolaan lahaa in Ciidamada Maraykanka yimaadaan dalkaas. DAAWO HALKAN .. CBC TV.

USA: Suuqa Wall Street oo hoos u dhacay arimaha murugsan ee Ciraaq awgeed.. GUJI...

Tarjumadii: SomaliTalk Canada | March 1, 2003

LINK: www.arableagueonline.org 


I  I  D  H  E  H

ARAFAT: DAGAALKA CIRAAQ WAREEN AYUU KU NOQON XAQA FALASTIIN
Carafaad oo aaladda layska arko qudbad ugaga jeedinaayay shirka ay kuleeyihiin magaalada Kuala Lumpur ayaa yiri... GUJI... Feb 26

SADDAAM OO CODSADAY INUU WADA HADAL TOOS AH LA YEESHO BUSH
Waraysi uu la yeeshay TV-ga CBS ayuu Saddam shaaca kaga qaaday in uu diyaar inuu madaxweynaha Mareykanka kala doodo arrimaha.. GUJI

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD