SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
Banaanbax ka dhacay degmada cadaado

Email: abdulahiblack@yahoo.com
Tel : 2525 – 065-55040
Cadaado, Galguduud, Somaliya

March 11, 2003

KAAH

Waxaa gaalabta 4:30-kii ka dhacay degmada Cadaado banaabax aad u ballaaran oo lagu taageerayay heshiis shalay ay wada gaareen odayaasha dhaqanka ee Degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Dadweynw aad u badan oo isgu jiray odayaal, dhallinyaro iyo haween ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada iyagoo ku dhawaaqayay erayo ay ku taageerayaan heshiiskaas, waxaana halkaas kula hadlay odayaasha dhaqanka ee deegaanka, waxaana kalmadii ugu horreysay qaatay Suldaan C/llaahi Suldaan Axmed-Nuur oo sheegay in heshiiskani uu fure u noqon doono nabad iyo nolol cusub oo mar kale Degmada Cadaado ku naalooto.

“heshiiskani macnihiisu ma aha in dad is dilay oo is baabi’iyay oo maanta heshiiyay, balse wuxuu macnihiisu yahay odayaal talada isla fahmi waayay oo maanta talada isla helay kuna heshiiyay dib u dhiska deegaankooda” ayuu yiri Suldaan C/llaahi Suldaan Axmed-Nuur oo u soo jeediyay waxgaradka Beesha reer Xaaji Sulaymaan ee degmada Cadaado iyo deegaanada hoos yimaada in aysan gadaal eeginee ay horey eegaan.

Nabadoon Cabdi Sh.Cali Guuleed (Cabdi Gurey) oo isna fagaarahaas ka hadlay aayaa sheegay in eedihii loo soo jeedin jiray odayaasha ay maanta goobta ku hareen oo ay xaliyeen is af garan waagii ka dhex jiray, bulshada deegaankana ay maanta wixii ka dambeeya ugu shaqayn doonaan caadadnimo iyo xilkasnimo.

Cali Xaashi Garguduud iyo C/llaahi Kediye oo iyagana markoodii makaroofanka qabsaday ayaa heshiiska ku tilmaamay mid muhiim u ah dhammaan bulshada reer Cadaado meel walba oo ay joogaan.

“waxaan reer Cadaado ee gudaha iyo dibadda u sheegaynaa in uu baxay tashwiishkii ku dhex jiray odayaasha dhaqanka loona gudbay waxqabad iyo horumar” ayuu yiri Cali Xaashi oo tibaaxay in odayaasha keligood wax qaban Karin haddii aysan shacabka gacan ka helin.

C/llaahi Kediye ayaa ku dheeraaday taariikhda odayaasha dhaqanka ku dhex leeyihiin dadkooda iyo deegaanadooda, wuxuuna tilmaan ka bixiyay nabadda iyo nolosha ka jirta qaar ka mid ah gobolada is maamulku uu ka jiro sida Somaliland oo uu sheegay in odayaasha dhaqanku ka dambeeyeen.

Dahabo Axmed Carab oo ku hadlaysay magaca haweenka oo iyana halkaas ka hadashay ayaa ku nuuxnuuxsatay in haweenka deegaanka ay aad ugu faraxsan yihiin isla markaasna ay soo dhaweenayaan heshiiska ay odayaashu gaareen, waxayna xusuusisay odayaasha heshiiyay in ay yihiin kuwii deegaanka ama dib u dhigi lahaa ama horumar gaarsiin lahaa, waxayna carabka ku adkaysay in haweenka deegaanka oo mar walba u heelanaa horumarka deegaanka ay maanta diyaar u yihiin in ay gacan siiyaan odayaasha dhaqanka, waxayna halkaas ka tirisay buraanbur oo ku dhiirigelinaysay odayaasha kuna tilmaamaysay wanaagga nabadda iyo is fahamka.

Waxaa ugu dambayntii hadalkii lagu wareejiyay Ugaas Daahir Ugaas Faarax oo isna markiisa sheegay in heshiiskani uu yahay mid tilmaan wanaagsan ka bixinaya sida ay odayaasha dhaqanka ugu heelan yihiin wanaaga deegaankooda iyo dadkooda.

“ma jirin odayaal is dagaalay ama is qoomay, ee taladii ay isku khilaafeen ayay maanta isla heleen, taasna waa ILAAH mahadii” ayuu yiri Ugaas Daahir Ugaas Faarax oo taariikhda dib u raacay soona xusay waxqabadkii wanaagsanaa ee odayaasha dhaqanka ay deegaanka iyo dadkaba u soo qabteen, wuxuuna u soo jeediyay dhammaan waxgaradka deegaanka iyo jaaliyadaha reer Cadaado ee dibadaha ku nool in loo soo jeesto wax u qabashada deegaanda ay beeshu degto.

Wuxuuna Ugaaska iyo odayaashii ka horeeyayba ay bogaadin iyo ducoba isugu dareen Ururka Horumarinta Bulshada iyo Daryeelka Deegaanka (SODEPA) Social Development and Environment Protection oo isagu isku howlay howshaan dib u heshiisiinta ah.

Ururka SODEPA waa urur horumarineed oo ka howlgala deegaanada Gobolada dhexe, haddana howlo ka wada degmada Cadaado.

Intaa kaddib waxaa halkaa laga akhriyay qodabadii heshiiskii ay odayaashu gaareen 9-kii bishan, waxaana qodabadiisa ka mid ahaa:

I  I  D  H  E  H

1. in ay beeshu ka heshiisay dhammaan khilaafaadyadii iyo xumaantii la kala tirsanayay, isla markaana aan gole iyo geed dambe la keenin xumaantii laga dawoobay wixii maanta ka dambeeya.

2. in si deg deg ah loogu howlgalo dhismaha maamul baahsan oo uu degaanku yeesho lehna dhammaan hay’adihii fulinayay adeegyada bulshada.

3. in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta degaanka meelna looga soo wada jeesto ciddii hor istaagta.

4. in waxgaradka iyo guud ahaan shacabka degaanku ka wada shaqeeyaan nabadgalyada degaanka iyo degaanada ku xeeran, lana ilaaliyo wada noolaanshaha dariska.

5. in la adkeeyo ku dhaqanka shareecada Islaamka ee beesha dhexdeeda.

Waxaana halkaas laga soo jeediyay baaq guud ahaan looga codsanayay ummadda Soomaaliyeed in ay iloobaan colaadihii la soo maray isuna tanaasulaan si loo helo dowlad caadil ah oo ummada oo dhan ka raali yihiin, waxayna u rajeeyeen shirarka dib u heshiisiineed in ay miro dhalaan.

Email: abdulahiblack@yahoo.com

Tel : 2525 – 065-55040

Cadaado, Galguduud

Somaliya

Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2003

»»VIDEO: Mucjisooyinka Quraanka... [English]

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD