AFHAYEENKII
BAARLAMANKA BRITAIN OO ISCASILAY
Waxaa soo weriyey Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan
diridhaba2001@hotmail.com
March 18, 2003
BREAKING
LONDON:- Gudoomiyahii golaha Senate ka ee
Britain Robin Cock ahaana xubin muhiim ah oo ka tirsan xusbiga tallada dalka
britain haya ee LABOUR PARTY ayaa gallabta iska casilay dhamaan xilkii uu
dawladda ka hayey,.
Robin oo ahaan jiray wasiirka arrimaha dibadda
wuxuu yidhi mar uu la hadlaayey saxaafadda "Aad iyo aad ayey qoomamo u
leedahay in maanta
aan golaha Barlamaanka iska casilo, maaha wax la aqbali karo oo damiirka fayow
ka dhaadhici karta in go,aan si gaar ah la iskaga gaadho iyada oo aan beesha
caalamku isla waafaqin ama loo helin qaraar qaramada midoobay ogoshahay oo
dhigaaya in ciraaq talaabo loo dhanyahay laga qaado"
wax war ah oo sii faahfaahsan kama soo bixin
golaha baarlamaanka balse Dawn Street- ka ayaa cadeeyey in Mr. Robin Cock uu
golaha baarlamaanka ka hor akhriyi doono qudbad gaar ah.
ROBIN COOK
|
Dhinaca kale waxaa isa soo taraya in Xoghaya
arrimaha horumarka caalamiga ah ee dalka Britain Clar Short oo ah haweenay ay
iyaduna ku xigi doonto oo ay iska casili doonto golaha wasaaradda ee maamulka
Tony Blair, khubarada u dhuundaloosha saadasha siyaasadda cakiran ee maraykanka
iyo britain ee ku wajahan dalka ciraaq ayaa ku sifayey taasi in ay hor seedi
karto dhaawac weyn oo ku yimaada xusbiga Labour Party ee Tony Blair kaasi oo
looga xoog badan doono golaha Baarlamaanka taageerada uu ku lahaana ay wiiqmi
doonto, taasi oo horseedi karta burbur ku yimaada maamulka Tony Blair iyo
xusbigiisa Shaqaalaha.
Wixii warar ah ee soo kordha la soco
Waxaa soo weriyey Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan
diridhaba2001@hotmail.com
|