Mudane Ali Jarmal oo Baaq Nabadeed u jeediyey
kooxihii ku dagaalamay Medina iyo Gobolka Sh/dhexe.
March 5, 2003
Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ahna rug caddaa siyaasi Soomaaliyeed ayaa
baaq nabadeed u soo jeediyey kooxihii ku dagaalamay degmada Medina iyo gobolka
Sh/dhexe. Ali Jarmal oo marka hore u soo jeediyey tacsi dhamaan eheladdii iyo
qaraabaddii shaqsiyaadkii ku geeriyooday dagaalada iyo kuwii ku dhaawacmayba
ayaa ku nuuxnuuxsaday inaan loo baahneyn dagaal oo lagu jiro marxalad xassaasi
ah lana goobaayo sidii xal waara looga gaari lahaa nabadgelyo xumada iyo maamul
la'aanta ka jirta waddanka guud ahaantiisaba.
Mudane Ali Jarmal wuxuu ku baaqay in si shuruud la'aan ah loo joojiyo dagaalka
oo uu yiri waxaa maanta guuleystay kooxda joojisa dagaalka ee marnaba ma
guuleysato koox dagaal isku dayda iney wax ku joojiso. dagaaladdan beryahan ka
socday Medina iyo kuwii maanta gobolka Sh/dhexe ka dhacayba waxaan aragnaa in
dhimashada iyo dhaawacaba ey u badnaayeen shacab aan waxba galabsan. wuxuu ugu
baaqay maleeshiyada dirirtay iyo madaxdoodaba iney arrintan masuuliyaddeeda
qaataan lagulana xisaabtamo sababtana waxey tahay buu yiri haddaan si dhab ah
loo xisaabtamin suurta gal ma noqoneyso in la joojiyo dagaalo noocan ah oo kale
mustaqbalka.
Kofi
Annan, Xoghayaha Guud ee Qaramada
midoobey, ayaa Kooxaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay colaada joojiyaan isla
markaana ka qayb qaadaan hanaanka geedi socodka nabada, waxana uu cadeeyey
in hadii ay dagaalka joojin waayaan lala xisaabtami doono, waxa kale oo
Annan uu ka codsaday wadama deeqda bixiya in ay caawiyaan Soomaaliya, sidaas
wuxuu ku sheegay qoraal kasoo baxay UN-ka Feb
28, 2003
|
Mudane Ali Jarmal wuxuu ka codsaday kooxaha
dirirsan iney u dhaga nuglaadaan talooyinka iyo waanada ey soo jeediyaan
odayaasha, culumaau'diinka iyo bulshada nabada jecel. Ali Jarmal wuxuu ku baaqay
in markan la howl galiyo guddi dhexdhexaad ah oo arrintan si dhab ah u soo
baarta talooyinkoodana lagu dhaqmo oo heshiis buuxa la wada saxiixdo ummadda
soomaaliyeedna ey marqaati ka noqoto. Mudane Ali Jarmal wuxuu yiri waa in si
dhab ah loo xisaabtamaa oo shaqsigii ey ku caddaato falalka noocan ah talaabo
sharci laga qaado ee ma aha in mar walbo dhacdooyinkan oo kale si qarsoodi ah
lagu heshiiyo oo la dhoodhoobo waayo waxaan ka hadleynaa shacab la dilay ama la
dhaawacay.
Mar wax laga weydiiyey cidda talaabada sharciga
ah qaadeyso wuxuu ku jawaabay shaqsi walba oo wax garad ah damiirna leh ayaa loo
baahan yahay iney gacmaha is qabsadaan oo ey arrintan u istaagaan, gaar ahaan
wax garadka beelaha oo uu sheegay inuu isugu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo cid
alle ciddii ka shaqeyneysa nabadda, mana aha in xuquuqda bini'aadanka ey
shaqsiyaad ku tuntaan haddaan hadda la istaagin wuxuu yiri berri baan ka mid
noqon karnaa shacabkaas la dilay.
Mudane Ali Jarmal wuxuu ka codsaday dhamaan
shacabka soomaaliyeed in la wada canbaareeyo dhamaan shaqsiyaadka ku kaco
falalka noocan ah iyadoo la xaqiiqsanayo marka hore, loona wada istaagaa nabada
waddanka.
CQoraalkii hore ee ali jarmal
... GUJI
Warkaan kala xiriir:
Abdirahman Omar Osman
yarisow70@hotmail.com
March 5, 2003
DAGAALKII
G/SH/DHEXE OO AY KU DHINTEEN 10 QOF
Dagaalkaas oo dhexmaray Maxamed Dheere iyo Jilibka Maxamed Muuse GUJI
5/3/3
<><><>
WARARKA
SHIRKA MBAGATHI
»»SRRC
oo eedayn Kulul usoo jeedisey DKG
»»Cismaan
Caato oo Weli diidan SHirka Nairobi
»»Shariif
Salaan oo Kubaaqay in Laga Soo qayb galo Shirka
»»Cawad
Cashara: Eedaynta Deriska waxba kama jiraan
Dhamman
Ka Akhri Halkan Feb 28
TAXANIHII
SHIRKII ELDORET