Ganacsade Lagu Weerarey Isgoyska Siinaay
WQ:
Ali Mohamed Haji (Calideeq)
E-mail: caliddeeq@hotmail.com
MOGADISHU SOMALIA
March 1,
2003
Saakey Abaarihii 9:00 waxaa Isgoyska SIINAAY ee Magaalada Muqdisho Weerar
Gaadmo ah loogu Geystey Ganacsade mareyey Goobtaasi.
Wararku waxey sheegayaan in Maleeshiyooyin Fariisin Isbaaro ku leh isgoyskaas
ay ka Shakiyeen Ilaalada Ganacsadaha, ka dibna waxey Maleeshiyadii joogtey
Isgoyska Rasaas ku fureen Gaarigii iyo Dadkii Saarnaa, waxaana halkaas ku
dhintey Labo (2) ka mid ah shaqaalihii [Staff-kii] Ganacsadaha iyo Nin lagu
sheegay in uu ahaa Nin Xanuunsan oo madaxa looga jiro (waalan) oo ay Isbitaal u
wadeen iyo Dad ka dhawaa Goobta lagu Weerarey Gaariga.
Wararku waxey sheegayaan in Tirada Dhimashada iyo Dhaawacuba ay gaarayaan (4)
Dhimasho ah iyo (6) lix Dhaawac ah.
Ma jirto ujeedo Ramsi ah oo Sabab looga dhigi karo Weerarkaan marka laga
Reebo Tuhun ay ka shakiyeen Maleeshiyadda Fariisinka ku leh goobta Gaariga iyo
ILAALADA Saarneyd.
Inta badan Shilalka nuucaan ah ayaa ah kuwo ka dhaca Magaalada muqdiso taasoo
lagu micneeyo hadii ay iska hor yimaadaan Maleeshiyooyin ayna kala Shakiyaan ay
timaado Inta aan lagaala hor marin kala hor mar, ayadoo aysan jirin Hubin ay
iska hubiyaan in ayaka loo socdo iyo inkale taasoo keenta Qasaare aad u badan
haba ugu Badnaadeen Dadka Rayidka ihiye
Kofi
Annan, Xoghayaha Guud ee Qaramada
midoobey, ayaa Kooxaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay colaada joojiyaan isla
markaana ka qayb qaadaan hanaanka geedi socodka nabada, waxana uu cadeeyey
in hadii ay dagaalka joojin waayaan lala xisaabtami doono, waxa kale oo
Annan uu ka codsaday wadama deeqda bixiya in ay caawiyaan Soomaaliya, sidaas
wuxuu ku sheegay qoraal kasoo baxay UN-ka Feb
28, 2003
|
Dhankale Dagaalkii ay isku heysteen MUUDI SUUDI iyo CUMAR FILISH ayaa yara
hakadey Shaley goordambe, wali ma jirto Cid si rasmi ah u Xaqiijin karta inta ay
gaarsiisan tahay Dhimashada iyo Dhaawaca, laakiin mar aan la xiriirey Isbitaalka
MADIINO waxey ii sheegeen in ay soo gaareen ilaa 32 Ruux oo isugu jira Dad rayid
ah iyo maleeshiyadii dagaalameysay intaba.
Wararku waxey kaloo ay intaasi ku
darayaan in maantey Galinkii Dambe ay Fooda is dareen mar labaad.
Dagaalkaan Dambe ayaa ka dhashey
is Abaabul ay sameynayeen Maleeshiyada Taabacsan Cumar Filish.
Si kastaba ha ahaatee Inta badan
Xaafadda Madiino ayaa Gacanta u gashey Muuse Suudi oo waxaa la arkayey in laga
Awood roonaadey Taageerayaasha Cumar Filish inkastoo Dagaalka Muqdisho uu yahay
mid meeshii uu ku waabariistey aysan Qoraxdu ugu dhaceyn oo aad arkeysid
Hogaamiye Kooxeed Saakey Gacan Sareeyey oo Galabtiina laga Gacan Sareeyo.
By:- Ali Mohamed Haji (Calideeq)
E-mail: caliddeeq@hotmail.com
SOMALITALK MUGADISHU
DAGAAL
DHEXMARAY YALAXOW IYO CUMAR FINISH
MUQDISHO: ugu yaraan 8 qof ayaa
dagaalkaas ku dhintay, waxaana soo baxaya warar tirada dhimashada gaarsiinayaa
ilaa... GUJI...
<><><>
WARARKA
SHIRKA MBAGATHI
»»SRRC
oo eedayn Kulul usoo jeedisey DKG
»»Cismaan
Caato oo Weli diidan SHirka Nairobi
»»Shariif
Salaan oo Kubaaqay in Laga Soo qayb galo Shirka
»»Cawad
Cashara: Eedaynta Deriska waxba kama jiraan
Dhamman
Ka Akhri Halkan Feb 28
TAXANIHII
SHIRKII ELDORET
|