Maxaad
Muqdisho ugu yeeri lahayd Maanta, Ma Mooro Jinni Mise Magaalo Madaxdii Dalka..?!!.
Waxaa Qoray A. D. Elmi
adelmi@hotmail.com
March 18, 2003
|
Intii aan dhex marayay bogagga Internet-ka,
gaar ahaan kuwa Soomaalida waxaan la kulmayay qoraallo fara badan oo
ciwaanadooda ay ka mid ahaayeen " MUQDISHO CAASIMAD MA U QALANTAA..?"
iyo " MUQDISHO MA BED QABTO iyo kuwo kale oo fara badan oo hadda aanan soo wada qaadan
karin, ma yara inta jeer ee dad fara badan oo siyaasiyiin ah, iyo kuwa kale oo
caadi ahba, ay ka hadleen sida Muqdisho laga yeeli doono iyadoon laga baaraan
degin guud ahaan maamul la'aanta haysata dalka Soomaaliya. waxaad mooddaa in, in
badan lagu mashquulay ka hadlidda ama ka doodidda meel aan xalku jirin. Tusaale
ahaan in lagu meeraysto Muqdisho inay caasimad ahaan doonto iyo in kale, la
iskana indha tiro raadinta xalka guud ee Soomaaliya, waxay ka dhigan tahay,
iyadoo la soo kor dhoobtay qof miyir doorsoomay oo ay hayso Malaria, ka dibna
lagu murmo xagtin yar oo qofkaas tabcaanka ah ku taalla oogadiisa, ama lagu
mashquulo sababta uu timaha faraha badan ee ku yaalla madaxiisa uu isaga jari
waayay, iyadoo si deg deg ah aan loola cararin goobaha caafimaadka.
Buuqu wuu fara badan yahay, dadka
qaar ayaa waxay ku taliyeen, in magaalo madaxda dalka laga dhigo tuuladii ay ku
dhasheen, mid kale ayaa yiri "Maya u kaadiya Ceelkii BIYO BADANE ee
geeleennu ka cabbi jiray ayaa ku habboon in caasimadda dalka loo raro, ninba waa
dookhiis iyo doonistiise, meel kala dhac magaallo madaxdii dalka Soomaaliya.
markaan arkay qoraaladaas ayaan
anna taagtayda is iri "War adna toloow xageed u rarataa magaallo madaxdii
dalka, markaan in cabbaara indhaha ka mirig mirig siinayay ayaan soo xasuustay
inuu jiray ceel yar oo waa hore duugmay laakiin hadda tolkey dego, waxaan is iri
Allaylehe ma tiraahdaa "War halkaas Caasimadda iigu fura halkaas ayay ku
haboontahaye". Laakiin goor danbe oo aanan fikirkayga ka dhawaajin, ayaan
is qabtay, intaan Cawdu Bilaystay oo hareeraha iska fiiriyay ayaan iska
dhaqaaqay anoon wax go'aan ah gaarin, waxaanna soo xasuustay ceelka tolkay dego
in uu mar hore aasmay oo xittaa arigeennii iyo Geelleenii ag daaqi jiray, uu
macalluul la wada istaagay.. markaasaan iri "War meel xoolihiiniiba biyo
iyo baadba ka waayeen, sideed ugu qancin kartaa in ay qaran dhan caasimad u
noqoto... "Muqdishooy xaal qaado waan kuu gafaye" intaan ereyadaas iri
ayaan markiiba Moos diirtay, Canbena muudmuudsaday.
MAXAY TAHAY QORMADANI?
Qoraalka kor ku xusan oo laga
yaabo in uu dadka qaar xassaasiyad u keeno ayaan ku cabirayaa sida maanta dadka
Soomaaliyeed uu qabiilku u naafeeyey, heer uu gaarsiiyay maanta, in ay wax walba
ku cabiraan qabiil, ayna dantii qaranku sidaa ku baaba'do.
Haddaan u soo laabto muhimadda
qoraalkaygan: Muqdisho anigu ma qabo in
lagu meeraysto, iyadoon laga hadlin meel isugu keenidda Soomaali Wayn, Muqdisho
waa caasimaddii dalka, waana meel ku haboon in ay dalkan caynkan oo kale ah
caasimad u ahaato marka laga hadlayo arimo fara badan sida cimilada, Badda ay
kulaalayso, Wabiyada qarka u saaran, dhul beereedyada ku heeraarsan iyo xoolaha
nool ee duleedkeeda daaqaya.
Laakiin waa rune, Muqdisha maxaa
maanta ka soconaya..? waxaa ka socda
maanta Muqdisho waa Shar iyo Khayr, hadba waa kii Ilaah kuu qadaro kuuna soo
hormariyo, bal aan soo qaadanno khayrka iyo sharka laga heli karo xilligan
magaalada Muqdisho.
DHINACA SHARKA:
Waxaa socda Dil, Afduub, Kufsi,
Dhac iyo ummuuro kale, waxaa magaalada ka muuqda burbur xoog leh, waxaa
magaalada dhooban qashin waddooyinka gaaf wareegaya, ma jiraan biyihii guud,
korontadii guud, magaalada meelna waa mugdi meelna waa iftiin. arimahan oo dhami
waa wax naxdin iyo uur ku taallo kugu reebaya marka aad soo xasuusato bilicdii
iyo quruxdii ay lahayd Muqdisho, inkastoo maanta aysan Muqdisho sidii hore ahayn
oo aad mooddo in dhibaatooyinkii soo yaraanayaan, haddana waxa dhacaya maalin
walba intay doontaba ha leekaatee ayaa qofka Banii'aadamka ah, dhib ugu filan.
dadka ku dhaqan Muqdisho naf ahaantooda ayaa khaati Billaah ka joogsaday
darxumada haysata, waxayna Ilaah ka baryaan in dawlad khayr qabta Ilaah u
dhaliyo, dadka reer Muqdisho waxay iska ilaaween taageeradii ay u hayeen dagaal
oogayaasha, oo ay gabi ahaanba ka rajo beeleen, waxaa maanta Muqdisho ku sugan
rag ilaallo gaar ah u ahaan jiray dagaal oogayaasha, oo maanta iska shaqaysanaya.
hadalkan danbe waxaan ula jeedaa in dadka qaar aan u ifiyo in reer Muqdisho
aysan wada xumayn.
DHINACA KHAYRKA
Muqdisho inkastoo la isdilayo,
inkastoo la is afduubanayo, inkastoo isku dhacyo beeleed ka dhacaan, hadana
dhinaca kale wanaag ayaa soconaya, waxaa furan:
*Iskuuladii: Waxaa
Muqdisho ka shaqaynaya iskuullo leh manhajyo nidaamsan oo leh Hoose, Dhexe iyo
Sareba, waxaana la aaminsan yahay inay dhigtaan iskuuladaas oo subax walba ay u
dareeraan arday gaaraysa 16,000 oo arday. iyadoo maanta ay Muqdishana ku nool
yihiin dad kor u dhaafaya 2,000,000 oo qof.
*Jaamacadihii: Waxaa
Muqdihso ka shaqaynaya jaamacado dhawr ah oo qaarkood leh kuliyadihii kala
gadisnaa ayna ka hawl galaan macalimiintii hore ee dalka, ayna dhigtaan tiro
gaaraysa ilaa 1600 ilaa 1700 oo arday.
*Machadyo: Waxaa
Muqdisho ka shaqaynaya machadyo lagu barto iyagana macluumaad kala gadisan oo
qaarkood ay haatan ka hawl galaan macalimiin lagu soo kireeyey lacag aad u fara
badan, waxaana dhigta in ka badan 3,700 oo arday
*Dugsi Qur'aanno: Waxa
Muqdihso ka furan oo shaqaynaya dugsi qur'aanno qaarkood laga heli karayo
maktabado laga daalacan karo funuunta cilmig diinta Islaamka, iyadoo dugsiyadaas
ardaydu ay Qur'aanka ku bartaan Tajwiidka, waxaa kaloo dugsiyadaas lagu bartaa,
culuumta kale ee islaamka, sida Axaadiistii, Tafsiirkii, Siiradii iyo qaybo
kale, tirada dhigataana waad garan kartaa adiguba.
*Carwooyin waawayn: Waxaa
Muqdisho ka furan carwooyin waawayn oo habeen iyo maalinba furan, isla markaana
ay dhex yaalaan wax walba oo aad uga baahato.
*Shariikadaha Is-gaarsiinta:
Waxaa Muqdihso ka shaqaynaya, shariikadaha qaybiya adeegga taleefoonada oo ku
shaqeeya System casri ah.
*ISPs: Waxaa
Muqdisho ka shaqaynaya shariikado bixiya adeegga Internet-ka oo kala gadisan
isla markaana uu tartan ka dhexeeyo.
*Cisbitaallo: Waxaa
Muqdisho ka hawl gala, cisbitaallo gaar loo leeyahay oo ay ka hawlgalaan
dhakhaatiir aqoon sare leh, isla markaana adeegsada qalab tayadiisu ladan tahay.
*Shariikadaha Duulimaadyada: Waxaa
Muqdisho ka jira, shariikado kala gedisan oo maalin walba dalka gudihiisa iyo
dibadiisaba dadka u kala daad gureeya.
*Shariikadaha Xawilaadda:
Waxaa muqdisho ka jira shariikadaha Xawilaadaha oo dadka Soomaaliyeed u kala
gudbiya lacagaha ay isu dirayaan meel kasta oo dunida ka mid ah, oo khidmo yar
ka qaata qofka lacagta dirsanaya.
*Korontada: Waxaa
Muqdisho ka shaqeeya shariikado bixiya dabka oo ka jira dhamaan xaafadaha kala
gedisan ee Muqdisho, qaar ka mid ahna waxay bixiyaan dab, habeen iyo maalinba
ah.
*Warshado: Waxaa
Muqdisho ka hawl gala, warsahdo kala gedisan oo sameeya Baastada, Nannaca,
Bacaha, Isbuunyada, kuwa sifeeya biyaha, Kaartoomada, saabuunada lagu dhaqdo
dharka, kuwa lagu qubaysto iyo kuwo kale oo fara badan.
*Idaacado/Talafeeshinno/
Warsidayaal: Waxaa Muqdisho ka hawl
gala Idaacado madax bannaan, talafeeshinno iyo Wargaysyo baahiya barnaamijyo
kala gedisan oo dadka lagu wacyi galiyo, lana oran karo waxay qayb wayn ka
qaateen sidii hoos loogu dhigi lahaa xawligii ay ku socdeen colaaduhu.
*Dhismayaal Qurxoon: In
kastoo meela badan oo Muqdisho ka mid ahi, ay jajaban yihiin hadana, waxaa isla
Muqdisho ka soconaya dhismayaal aad u qurxoon, oo maalin walba aad arakaysid
iyagoo lagu hayo hawl dhisme ah.
Waxba yaanan hadalka kugu daaline,
waxaa la oran karaa Muqdisho waxaa ka socda wax san iyo wax xun intaba, Ogowna
Muqdisho waa Muqdisho uun, waa miskiin korisadii waa halka haddii aad xabad
Rooti ah iyo xabad Muus ah aad is dhex gashato aad ku sii noolaan kartid,
muuqaalkaaguna uu waligiis ahaanayo maariin.
Muqdisho waa caasimaddii dalka
Soomaaliya, waa Hilib, Waa Caano, Waa Moos, Waa Cambe, Waa Naara Jiin, Waa
Bambeelmo, Waa Yaanyo, Waa Babaay Waa Wabi, Waa Bad.
Muqdisho Waa Hooyaddii Xaddaaradda,
Waxayna jirtaa in ka badan 1000 sano. Muqdisho wax ma galabsan, dadkeeduna ma
wada xuma, ee waxaa loo baahan yahay oo kaliya waa maamul iyo dawlad soo celisa
kala danbayntii guud ahaan dalka Soomaaliya. Tan kale Muqdisho maaha tuulo yar
oo in istaaqaani, ku dhaqan tahay waa magallo ballaaran oo laga rajaynayo in wax
walba ka dhici karaan, ee Soomaaliyeey dhammaan ha loo hawl galo sidii maamul
loo wada dhan yahay dalkan loogu heli lahaa........ MUQDISHO WAA MAGAALA
MADAXDII DALKA SOOMAALIYA EE MAANTA IYO BARRI........
F.G.
Waxaa hubaal ah in qoraalkaygu uu kugu abuuri doono, laba arimood midkood:
Farxad ama Cadho/Xanaaq, laakiin kaad doonto ahaaw e' fadlan ii soo qor
talo-bixintaada [FEEDBACK-gaaga] iyadoo hal beeggaagu yahay HALBEEG QARAN kan qabiilkana tuuraya.
Waxaa Qoray A. D. Elmi
adelmi@hotmail.com
Afeef: Fikrada qoraalka iyo
xuquuqdeeda waxaa leh qoraaga ku saxiixan, waxaana lagu faafin karaa
ogolaanshaha qoraaga.
|