SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Wareegto kasoo baxdey dowlada KMG ah

"Iskuul laga dhigayo goob Ganacsi" - waa Dugsigii Hoose Dhexe ee Xamar Jadiid ee Muqdisho.

calideqWQ: Ali Mohamed Haji (Calideeq)
E-mail: caliddeeq@hotmail.com
MOGADISHU SOMALIA

March 6, 2003

 

KAAH

 

Wareegto ka soo baxday xafiiska Ku-simaha Ra’isul Wasaaraha  dowlada KMG ee Muqdisho ayaa lagu amray in mid ka mid ah iskuulada magaalada muqdhiso laga dhigo goob ganacsi.

Wareegtadan ayaa amreysay in suuqa Baakaro lagu fidiyo Dugsigii Hoose Dhexe ee Xamar Jadiid lana dejiyo dadkii laga jebiyey labadii wadddo ee laga banneeyey bartamaha Suuqa kuwaasoo wareegtadu sheegtay in ay caqabad ku yihiin nabad galyada iyo dakhli arruurinta Canshuuraha ay Suuqaasi ka qaaddo dowladda KMG ihi.

Sidoo kale wareegtadan ayaa wasaaradda waxbarashada dowladda KMG lagu amrey iney gacan ku siiyaan dowladda hoose howlahaas kor ku xusan.

Wasiirka Waxbarashada dowladda KMG Dr. Xasan Maxamed Cusmaan (Jumbur) ayaa arintaasi ka soo saaray war-cad oo uu ku diidan yahay Dugsida H/dhexe ee X/jadiid oo ku-simaha Ra’isul Wasaaruhu Amar ku bixiyey in laga gado Ganacsato waxey kasoo horjeedaa maslaxadda caamka ah ee bulshada ku dhaqan degaanka Dugsiga ku yaalo maxaa yeelay dugsigu waxaa leh dadka deegaanka iyadoo waliba uusan dabooli Karin baahida dadka deegaanka xitaa hadii la habeeyo ayuu yiri Jumbur oo uga digay mas’uuliyiinta dowladda KMG ee arrintaas ku howlan in ay ka waantoobaan inay Dugsigaas ganacsato soo dejiyaan  waxaa kale oo isoo gaartey in Dugisiga H/dhexe ee Taleex ee degmadda Hodan in gacanta wasaaradda laga bixiyo ayuu yiri Jumbur oo sheegay in arrimaha Dugsiyaddu ay xasaasi yihiin wuxuuna codsadey in dugsiyadda danta caamka ahi loo daayo madaxda maamusha .

Dhankale dowladda KMG ah ayaa amar ku bixisay  in dib loo furo Suuqa Daryeel ee Dagmadda Heliwaa ee magaalada Muqdisho oo aan muddo shaqeyn tan iyo markii loo qeybiyey dhulka ku yaala dadweyne.

War uu soo saarey ku xigeenka duqa magaalada qeybta howlaha guud mudane Cali Maxamed Cali (Ugas cali ) ayaa lagu caddeyeyy in looga baahan yahay dadka boosaska ku leh suuqa daryeel in ay shaqadooda bilaabaan ciddii ka madax adeygtana laga qaadi doono talaabo sharciga waafqsan

Dadka ku ganacsada wadada laamiga ah ayaa lagu amrey ayagana iney u guuraan deegaanan goobta loogu talo galey oo ah Suuqa Daryeel dowladda hoose ayaa sheegtey iney ku talo jirto iney biyo u diyaariso dadkaasi isla markaasna ay wax ka qabato nadaafada ayadoo ku hanjabtey in miiskii lasoo degi waayo muddo 30 maalmood ah lagala noqon doono Ruqsadii lagu siiyey

Bilihii ugu dambeeyey waxaa .la arkey Ciidamo ka amar qaata dowladda KMG ah oo aad moodo in ay yihiin kuwo Qamaam ah kuna dhex baxsanaya Suuqyada magaalada muqdisho si ay uga Qaadaan lacago Canshuuro ay ayagoo sheegaya in ay sugayan Suuqdada magalada.

Dakhli uruurinta ay wadaan Ciidaamada dowladda KMG ah  ayaa lagu macneyn karaa Labo Arimood

1. ayadoo dowladda KMG ihi ay yaraadeen lacagihii ay ugu deeqi jireen Dowladdaha Carbeed maadama aysan jirin wax muuqda oo ay qabteen laga soo bilaabo markii ay kasoo boqooleen Carta

2. ayaddoo ay dowladda KMG ay Bilo naga xigaan waqtigii loogu talo galey  Taa badelkeedana ay ka wadaan Boor iska jafid ayna doonayaan in ay helaan Kordhin loo kordhiyo Waqtiga amaba ay helaan Goobo ay ku Gor-gortamaan ayna sheegtaan in ay Ayaku gacanta ku hayaan waa dowladda (KMG) ihiye

hadaba marka aad u kuur gasho Ganacsatadda  hadaladda ay isla dhex marayaan ayaa waxaa ka mid ah  Sadex (3) sano dhamaankeed iyo Beeso Urursi waa Miskiinaa Misko la Fuulo leh taasoo ay ula jeedaan in dowladda KMG ihi aysan awood u laheyn iney Canshuurta ka qaadaan Shirkadaha waa weyn iyo Ganacsatada Hubeysan ee ay Canshuurta ka Qaadaan kuwa Dan yarta ah.

si kastaba ha ahaatee Lacagaha laga aruuriyo Suuq-yada Magaallada iyo Muqdisho ayaa hadana waxaad arkeysaa Baro Koontorool oo ay fadhiyaan Booliska dowladda KMG kuwoo qeybtooda ka qaata lacagaha Reer Muqdisho ay u yaqaanaan LEEJADA  ee laga qaado Gaadiidka Dadweynaha Qaada.

<><><>

TartanK/Cagta oo  loogu magac darey Elman Cup

Tartan Cayaareed Kubadda Cagta ah oo loogu magic darey Elman Cup laguna maamusayey Sanad Guuradii (7) todobaad ee ka soo Wareegtey Allaha U Naxariistee Marxuum Elman Cali Axmed ayaa wuxuu shaley si rasmi ah uga furmey Garoonka Kubadda Cagta ee

Baal-guri ee Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeeladda hoose Tartankaan oo si wanaagsan loo soo agaamisey ayaa waxaa ka qeyb qadanaya Afar (4) kooxood kuwasoo kala ah
1. Dakaddaha
2. Supershell
3. Elman
4. Bariga dhexe

Tartankaan oo si rasmi ah uga furmey shaley Garoonka Baalguri ayaa waxey Kulankii  koowaad ee ee tartankaan ayaa waxaa lagu furey Kooxaha Supershel iyo Dekaddaha waxey waqtigii loogu talo galey ee 90-ka daqiiqo ku dhamaatey Eber iyo 0-0

Waxaana lagu darey waqti saa’id ah oo kooxdii Gool ku hor martaa ay guushu raaci laheyd balse  waqtigii Golden Goal –ka ee lagu darey cayaartaasi waxba kama aysan badalin sidii hore 0-0 ta waxaana loo dhigey Rigoore yaal  waxeya Rigooreyaashii Guushu ku raacdey Kooxda Supershell ee ayadu kasoo jeeda Degmadda Afgooye

Tartankaan Cayaartiisa labaad ayaa dhaceysa maantey oo ay ku kulmayaan isla Garoonka Baalguri Kooxda Elman iyo Bariga dhexe,

Kooxaha ka qeyb qaadanaya Tartankaan ayaa wada Ah kooxaha heerka koobaad waxaana lagu tilmaami karaa kooxaha ugu ad adag Soomaaliya

Furitaankii Tartankaan ayaa waxaa ka soo qeyb galey dadweyne aad u fara badan oo isugu jira Waxgarad, Siyaasiyiin, Ururada Bulshada, Aqoonyahano, Gudigga Olympic-kada Soomaaliyeed ee Xiriirka kubada Cagta

Dadweynaha ayaa isu jirey kuwo uga soo daawasho tagey Tuulooyinka ku Xeersan Degmadda Afgooye iyo kuwo ka tagey Magaalada Muqdisho iyo kuwa Nasiibka u yeeshay in Gurigooda lagu qabto Tartaanka Ree Afgooye

Munaasaba Furitaanka ayaa looga Hadley wax qabadkii Marxuum Elman Cali Axmed oo asagu ahaa Shaqsi u taagnaa sidii Da’yarta Soomaaliyeed ee muqdisho ku nool ay uga Badbaadi lahaayeen  Dagaalada Sokeeye

Waxaana Dadweynihii kasoo Qeyb galey Tartaanka ay ku dhawaaqayeen Halku dhagyadii uu Caanka ku ahaa Marxuumku waxaana mid ahaa QORIGA DHIG QALINKA QAADO IYO Erayo kale

Gabagabadda Tartankaan ayaa ku aadan 09/03/03 kuna  Beegan Xiligii Marxuumka lagu Diley Magaaladda Muqdisho

By:- Ali Mohamed Haji (Calideeq)
E-mail: caliddeeq@hotmail.com
SOMALITALK MUGADISHU

<><><>

Xafladii Ardayda Soomaaliyeed Edison High School ku qabteen Minneapolis, MN, USA
MINNEAPOLIS: Xafladaas oo ay kasoo qaybgaleen waalidiinta, macallimiinta iyo ardayda dugsigaas waxay ahad
GUJI 5/3

<><><>

I  I  D  H  E  H

WARARKA SHIRKA MBAGATHI
»»SRRC oo eedayn Kulul usoo jeedisey DKG
»»Cismaan Caato oo Weli diidan SHirka Nairobi
»»Shariif Salaan oo Kubaaqay in Laga Soo qayb galo Shirka
»»Cawad Cashara: Eedaynta Deriska waxba kama jiraan
Dhamman Ka Akhri Halkan Feb 28

TAXANIHII SHIRKII ELDORET

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD