SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA
Cadaalada Xumada Lagu Sameeyey Guuleed Cabdi Daad

Qore: Maxamed Xasan Cumar "Kancaan"

omarm@execulink.com

March 4, 2003

KAAH

Cabdi Cusmaan ama Cabdi (Daad) waa Aabe Soomaaliyeed oo wiilkiisii Guuleed Cabdi Daad oo dadiisu ahayd 16 jir lagaga diley magaalada Missisauga, Ontario, Canada. Waxa la soo taagay maxkamada gacan ku dhiiglihii diley Guuleed Feb 26-2003, maxkamadaas oo ku taal magaalada Brampton, Canada. Hase yeeshee maxkamadii waxay u dhacday si aan ku salaysnayn xaq taas oo naxdin ku ridey Cabdi Daad iyo reerkiisa oo aan filaneyn go'aanka maxkamadu goysey.

Dilka Guuleed Cabdi Daad wuxu dhacay March 12-2001 Gacan ku dhiiglaha dilka gaystey oo magaciisa la yidhaahdo Ian Walter Gordon oo dadiisu ahayd 19 markuu dilka gaystey wax aqoon ah isuma lahayn Guuleed. Waxay maxkamadu ku xukuntay Gacan ku dhiiglaha SHAN SANADOOD IYO BADH,waxase la yaab noqotey markii maxkamadu u ogolaatey gacan ku dhiiglaha 45 bilood in laga jaro xadhigiisa taas oo ay ku macneeyeen iney ahayd mudaduu maxkamada sugayey.


Abdi Osman
Sawirka: mississauga..com
  

Aabe Cabdi Daad oo lagu waraysstay maxkamada horteeda wuxuu u sheegey saxaafada "Ma garanayo sharciga lagu qaaday ninkii diley wiilkayga, sharcigu siduu ahaa lama samayn gacan ku dhiiglihii xadhig gaaban ayaa lagu xukumay. Waxa maxkamada maalintaas isugu yimi 20 qof oo ka mid ah caa'ilada marxuumka iyagoo dhami way la yaabeen xukunka maxkamada. Waxa iyana maxkamadu ku xukuntay caawimaad ay caawisay gacan ku dhiiglaha gabadh taas oo dadeedu ahayd 16 sanadood,waxay qiratay dembigii ay gashay oo ahaa iney qarisay mindidii lagu diley Marxuun Guuleed

Guleed wuxuu ahaa arday wax ka dhigta dugsiga sare ee Kipling College Institute halkaas oo uu kaga jirey fasalka 11, wuxuu ahaa arday aad u wanaagsan saaxiibo badana ku lahaa iskuulka aadna waa looga jeclaa iskuulka.

Waxan ilaahay uga baryayaa reer Cabdi Daad gaar ahaan Aaabe Cabdi Daad iyo hooyo aamina (Cadare) inuu samir iyo iimaan ka siiyo wiilkoodii Guuleed isagana ilaahy albaabada janada farduusa u furo "aamiin"

Qore: Maxamed Xasan Cumar "Kancaan"
omarm@execulink.com

Si aad wax badan uga ogaatid qoraalkii saxaafada Canada ka qoreen arinta xukunkan ka akhri linkigan:
http://www.mississauga.com/mi/insidenews/story/917517p-1090914c.html 

<><><>

I  I  D  H  E  H

Sanatoorka Minnesota ee Norm Coleman oo bilaabay barashada af-Soomaaliga
iyo Dood kulul oo ka dhex taagan dadka maraykanka ee taageersan dagaalka la filayo in lagu qaado Ciraaq iyo kuwa diidan... WARARKII.WARDHEERE..... 03/03/03

»»Maahmaahda iyo Musiibada Soomaaliya
Waa qormo xiisa badan oo uu qoray Caliqeyr M. Nuur. GUJI...

USA OO WEERARKA CIRAAQ U ISTICMAALI DOONA SUNTA GAASKA AH EE DOWLIYAN MAMNUUCA KA AH 
Sidaas waxaa ku warantay jariidada Independent, UK.... GUJI..

»»AASAASKII JABHADDII XOREYNTA S/GALBEED (WSLF)

HORUMARKA AAGA SOOMALIDA AYAA XAWLI KUBILAWDAY 2003
Geyiga arimihiisa hoose u xorta ah ee ismaamulka soomaalida ETHIOPIA ayaa sanadkan 2003 ugu bilowday sansaan fiican oo....  FAALADII XAGARYARE 2/3

»»ALLAH KA CABSIGII SAXAABADA
Waa qaybtii 2aad ee Xigmad ka Macaan Timirtii Madiina GUJI...

Madaxda Carabta oo Kasoo Horjeestey Dagaalka Ciraaq
Kulankii wadamada ku bahoobey ururka Carabta uga socdey Masar ayey ku sheegeen in.. GUJI... 2/3

»»VIDEO: WARARKA BAARLAMAANKA 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
MACHADKA BEDER

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD