SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - YURUB
USA OO WEERARKA CIRAAQ U ISTICMAALI DOONA SUNTA GAASKA AH EE DOWLIYAN MAMNUUCA KA AH

ISHA WARKA: independent.co.uk | March 2, 2003 

KAAH

Maamulka Mareekanka ayaa go’aansanaysa inay sunta gaaska u isticmaasho dagaalka la filayo inay ku qaaddo dalka Ciraaq. Arrintan waxaa maanta shaaca ka qaadday Wargayska Independent ee ka soo baxa dalka England.

Wargayska oo hadalkan ka soo xigtay wasiirka gaashaandhiga Mareekanka Mr. Rumsfeld ayuu ku sheegay inuu madaxweynaha dalka Mareekanka Bush aqbalay [ama loo fahmey in uu aqbalay] codsigii uu u soo gudbiyay ee ku saabsanaa in dagaalka Ciraaq loo adeegsado sunta gaaska, kaasoo dowliyan dunida mamnuuca ka ah.

Wargaysku wuxuu intaa ku daray in suntan gaaska ah ee hadda diyaarka ku ah gobolka gacanka uu la mid yahay suntii loo isticmaalay la haystayaashii afduubay dad tiradoodu ku dhoweyd 1000 qof magaallada Moscow ee Ruushka, iyadoo qiyaastii 120 qof ay ku dhinteen wax ka badan 500 qof-na ay ahaayeen dhaawac halis ah.

Warar laga soo xigtay wasaaradda gaashaandhiga Mareekanka ee Pentagon ayaa wargayska Independent u sheegay in la soo af-jaray dib u habeynta dhowr ka mid ah sunta gaaska ee halista ah ee ciidamada Mareekanka ay u adeegsan doonaan weerarada la filayo in lagu qaado Ciraaq, waxayna suntaas gaaska ah ay isugu jiraan kuwa loo yaqaano Benzodiazapines, diazepam iyo dexmeditomide. 

Khubaro culumo ah ayaa wargayska u sheegay go’aankan Mareekanka uu shaaca ka qaaaday inuu yahay mid si toos ah meel uga dhacaya sharciga dowliga, isla markaasna musiibo weyn ku ah guud ahaan mujtamaca dunida. Waxay culumadaas intaa ku dareen inuu Mareekanka ku eedaynayo Ciraaq inuu haysto hubka kiimikada ee wax gummaada, halka uu laf ahaantiisu doonayo inuu hubkaas u adeegasado weerarada Ciraaq.

Wargayska Independent ayaa sheegay inuu Mareekanka khibrad hore ugu leeyahay isticmaalka sunta gaaska. Ciidamada Mareekanka ayaa suntan gaaska ah isticmaalay markii ay dagaalka kula jireen Fiitnaam. Hase ahaatee madaxweynihii hore ee Mareekanka Geral Ford ayaa mamnuucay isticmaalka sunta gaaskan sannadkii 1975.

ISHA WARKA: http://news.independent.co.uk/world/americas/story.jsp?story=383006 

Tarjumadii SomaliTalk Yurub

-dhammaad-

annanKofi Annan, Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobey, ayaa Kooxaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay colaada joojiyaan isla markaana ka qayb qaadaan hanaanka geedi socodka nabada, waxana uu cadeeyey in hadii ay dagaalka joojin waayaan lala xisaabtami doono, waxa kale oo Annan uu ka codsaday wadama deeqda bixiya in ay caawiyaan Soomaaliya, sidaas wuxuu ku sheegay qoraal kasoo baxay UN-ka Feb 28, 2003

Madaxda Carabta oo Kasoo Horjeestey Dagaalka Ciraaq
Kulankii wadamada ku bahoobey ururka Carabta uga socdey Masar ayey ku sheegeen in.. GUJI... 2/3

VIDEO: WARARKA BAARLAMAANKA TURKIGA--- DAAWO CBC
VIDEO:
Khudbadii Bush u jiidiyey Dadka Maraykanka
VIDEO:
Bush oo diidey taladii Canada ee Ciraaq

ARAFAT: DAGAALKA CIRAAQ WAREEN AYUU KU NOQON XAQA FALASTIIN
Carafaad oo aaladda layska arko qudbad ugaga jeedinaayay shirka ay kuleeyihiin magaalada Kuala Lumpur ayaa yiri... GUJI... Feb 26

SADDAAM OO CODSADAY INUU WADA HADAL TOOS AH LA YEESHO BUSH
Waraysi uu la yeeshay TV-ga CBS ayuu Saddam shaaca kaga qaaday in uu diyaar inuu madaxweynaha Mareykanka kala doodo arrimaha.. GUJI

<><><>

I  I  D  H  E  H

Ganacsade Lagu Weerarey Isgoyska Siinaay
iyo dagaalkii Yalaxow iyo Cumar Finish ee Muqdisho oo galabtay dib u cusboonaaday, Yalaxowna uu gacan sareeyey.... GUJI 1/3  

WARARKA SHIRKA MBAGATHI
»»SRRC oo eedayn Kulul usoo jeedisey DKG
»»Cismaan Caato oo Weli diidan SHirka Nairobi
»»Shariif Salaan oo Kubaaqay in Laga Soo qayb galo Shirka
»»Cawad Cashara: Eedaynta Deriska waxba kama jiraan
Dhamman Ka Akhri Halkan Feb 28

TAXANIHII SHIRKII ELDORET 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD