Nairobi, Kenya
March 1, 2003
Ergayga Kenya u qaabilsan soomaaliya bethwel kiplagat ayaa ku hawlan qancinta
ergooyinka aan ka qaybgalin furitaankii shirka ee kala ah dowaladda kumeel
gaarka iyo kooxda G8.
Maanta ergaygu waxaa uu la kulmay qaar kamid ah G8ka sida Mawliid Macaane , mar
aan mawliid la xiriiray waxaa uu iisheegay in isaga beeshiisa lasiiyay 16
xubnood isla markaana uu ku qancay laakiinse waxaa uu ii sheegay in qaybaha kale
ee G8ka hadii ayna ka qayb galin mawqifkooda taabacsanyahay.
Kiplagat waxaa kaloo uu lakulmay Xubnaha dawladda kumeel gaarka galabta waxaana
uu usoo gudbioyay in ay ka qaybgalaan shirka isagoo haatan kumashquulsan sidii
iyagana uu uqancin lahaa.
Kofi
Annan, Xoghayaha Guud ee Qaramada
midoobey, ayaa Kooxaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay colaada joojiyaan isla
markaana ka qayb qaadaan hanaanka geedi socodka nabada, waxana uu cadeeyey
in hadii ay dagaalka joojin waayaan lala xisaabtami doono, waxa kale oo
Annan uu ka codsaday wadama deeqda bixiya in ay caawiyaan Soomaaliya, sidaas
wuxuu ku sheegay qoraal kasoo baxay UN-ka Feb
28, 2003
|
Cusmaan Xasan cali Caato waxaa uu iigu waramay in isaga uu la kulmi doono
kiplagat maalinta Talaadada ,halka Jaaca cali jaamac uu sheegay in wali aan la
balamin isagoo horay u gudbiyay qoraal cabasho ah.
dhanka kale waxaa la dhisay gudi isku dhaf ah oo ka kooban Dawladda Kumeel
Gaarka iyo G8 ,waxaana wararku ay sheegayaan in maamul loo hagaajiyay gudigaas.
Ridwaan Xaaji
Nairobi, Kenya
ridwanhaji14@hotmail.com
<><><>
WARARKA
SHIRKA MBAGATHI
»»SRRC
oo eedayn Kulul usoo jeedisey DKG
»»Cismaan
Caato oo Weli diidan SHirka Nairobi
»»Shariif
Salaan oo Kubaaqay in Laga Soo qayb galo Shirka
»»Cawad
Cashara: Eedaynta Deriska waxba kama jiraan
Dhamman
Ka Akhri Halkan Feb 28
TAXANIHII
SHIRKII ELDORET