Halgamadaas gobonimadoonka Somaliyeed waxay
dhammaantood ka midaysnaayeen Aragtida Somaliweyn oo
ahayd in la xorryeeyo, la mideeyo, hal calan iyo hal
dawladna la hoos keeno 5ta Somaliyeed . Somaliland
waxay ahayd dalkii ugu horreeyey ee Somaliyeed oo
gobonimada qaatay June 26, 1960, ummadda Somalilandna
waxay ahayd dadkii ugu horreeyey ee kaga dhabeeya
kicinta iyo hirgelinta Aragtida Somaliweyn markii ay
la midoobeen Koonfurta Somalia 1dii July, 1960, lana
abuuray Jamhuuriyaddii ugu horreeysey ee Somalida.
Labada dhinac ee isku darsaday waxaa ra`iisal wasaare
ka kala ahaa Moxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (Gobolkii
Waqooyi) iyo Cabdullaahi Ciise (Gobolkii Koonfur).
Aragtidanu waxay ficil ahaan iyo figrad ahaanba u
jirtey intii u dhaxaysey 1943-1960, balse wixii ka
dambeeyey 1960, Aragtida Somaliweyn wey sii
burbureysey maalin maalinta ka dambaysa, waxaana god
dheer lagu ridey intii u dhaxaysey 1970-1990.
Haddaba, maxa dhacay, yaa ka mas`uul ahaa burburinta
midnimadii labada gobol iyo kufinta Aragtidii
Somaliweyn? Si aan jawaab sax ah ugu helno
su`aashaas, bal aan derisno taariikhda dhabta ah ee
30kii sano ee israaca (1960-1990). Dawladihii iskaga
dambeeyey xukunka Jamhuuriyadii Somalia ayaa iyaga oo
qaba qabweyni iyo keli-talisnimo, jaahilna ka ahaa
qimaha midnimada, markiiba ku tuntay xukun-wadaagii
Koonfur iyo Waqooyi, arrimaha soo socda awgood.
Intii u dhaxaysey 1960-1967, waxaa madaxweyne ahaa
Adan Cabdulle Cosman oo Reer Koonfur ahaa, waxaanu
ra`iisal wasaare u kala doortay Cabdirasheed Cali
Sharma`arke (1960-1964) iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
(1964-1967) oo labaduba Reer Koonfur ahaa;
baarlamaankiina si xad dhaaf ah ayey Koonfurtu u
boobtay. Mar labaad ayey Koonfurtu qaadatay
madaxweynihii (967-1969), kaas oo ahaa Cabdirasheed
Cali Sharma`arke, waxaanu ra`iisal wasaare u doortay
Moxamed Xaji Ibrahim Cigaal oo Reer Waqooyi ahaa.
Siyaad Barre oo isna Koonfur ahaa ayaa isaga oo ka
faa`iideysanaya dilkii Cabdirasheed oo ahaa 15 kii
Oktoobar 1969, kana xumaa jagada Cigaal, afgembi
milatari ku qabsaday dalkii 21kii, 1969. Duudsigaas
iyo boobka dawladnimada ee ku dhacay Reer Waqooyiga
waxa uu noqday warankii ugu horreeyey ee ku dhaca
midnimada labada gobol iyo Aragtida Somaliweyn.
Markii intaasu dhacday, Reer Waqooyigu waxa uu
isku-ciilkaambiyey dawladnimada sida fudud ee degdegga
ahayd loogu loogey Koonfurta. Dhammaan
xukuumadihii iskaga dambeeyey Jamhuuriyaddii Somalia,
waxay ula dhaqmeen Gobolladii Waqooyi sida gobol ka
tirsan Koonfurta sida Bakool ama Hiiraan oo kale,
waxayna iska-indhatireen xaqiiqada ahayd in ay
israaceen laba dawladood oo siman, waajibna ay ahayd
in la wadaago xukunka si loo ilaaliyo midnimada loona
soo jiito gobolladii maqnaa oo hiigsanayey Aragtida
Somaliweyn.
Duudsigii ugu weynaa xagga dawladnimada waxa uu ku
dhacay Gobolladii Waqooyi xilligii keli-taliyihii
Siyaad Barre oo awoodda dalka oo dhan gacan bir ah ku
haystey muddo 21 sano ah (1969-1990), kana dhigay
maqaar-saar madaxdii Reer Waqooyiga. Siyaad Barre oo
ahaa askari aqoon-gaab ah, Talyaanigu u dallacsiiyey
sarkaal boolis ah sanadkii 1954, waxa uu ahaa
qabiliiste ma naxe ah. Si uu dadka u cabbudhiyo
loogana baqo xukunkiisa, waxa uu markiiba dhegta
dhiigga u daray: Moxamed Caynaashe, Salaad Gabarrey
iyo Cabdulqaadir Dheel sanadkii 1971. Waxa uu muddo
yar kadib il-nacab ku eegay dadka Isaaqa oo ugu
indheer-garad badnaa Somalida isagoo u arkayey inay
markiiba fahmeen ajandihiisa qarsoon ee
keli-talisnimada qabiilka ku dhisan. Si uu uga
gaashaanto loolanka kaga soo fool lahaa Isaaqa, ayaa
waxa uu u baaqay Absamihii deganaa Somali-Galbeed,
siiba qabiilka Ogaadeenka, si ay u difaacaan
Taliskiisa, una oggolaaday inay dalka soo degaan,
dawladnimadana ka qaybgalaan si sharcidarro ah,
arrintaas oo mamnuuc ka ahayd dalka Siyaad ka hor.
Siyaasaddaas oo ku dhisnayd Daaroodiism, ahaydna
khiyaamo weyn oo laga galay qaran xor ah, waxay
dhaawac weyn u geysatey dawladnimadii iyo
wadaninimadii Jamhuuriyaddii Somalia, iyadoo
qaxootigii laga dhigay wadani, wadanigiina laga dhigay
qaxooti. Waxaa dadkaas lagu taxay darajadii iyo
jagooyinkii laga boobay dadkii waddanka lahaa, lagana
dhigay xubno baarlamaan, wasiiro, danjirayaal, janano,
guddoomiyaal iyo maamulayaal si ay u difaacaan
Taliskii dhiig-yacabka ahaa ee Siyaad Barre. Dhawr
haddaan tusaale u soo qaato, waxaa ka mid ahaa:
S/Guuto Bile Rafle Guuleed, oo mar guddoomiye ka kala
ahaa Togdheer iyo Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan
Afar-jeeble oo mar guddoomiye ka ahaa gobolkii
W/Galbeed, S/Guuto Siyaad Daa`uud, oo mar taliye ka
ahaa Qaybtii 26aad, iyo kuwii kale ee faraha badnaa.
Dadkaas Siyaad Barre ka soo barakiciyey dalkoodii, ha
ahaadeen madax, ciidan iyo dadweynaba, waxay
garanwaayeen inay dalka marti ku ahaayeen, waxay
garanwaayeen in Taliskii Siyaad Barre uu ku dhisnaa
dulmi iyo keli-talisnimo soo dedajiyey burburkiisa,
mudnayna in la difaaco. Intaas intay garanwaayeen
ayey qabiil ahaan ula safteen xilligii dagaallada
sokeeye, Waqooyi iyo Koonfurba, eedweyna ka galeen
dadkii dalka lahaa, kuna wacad fureen abaalkii loo
galay ee soo dhaweynta. Madaxdii iyo saraakiishii
Somali-Galbeed oo intooda badan loo bedelijirey
Goballadii Waqooyi siiba kuwa Isaaqu dego, waxay intii
u dhaxaysey 1970-1980 dadweynaha si fool-xun ugu
cabiidiyeen Taliskii Siyaad Barre, qayb weyna ka
qaateen dejintii boqolaal kun ee qaxootigii u badnaa
Absamaha. Dadkaas oo iyaga oo qaxaya guuraha ku soo
galay Gobolkii Waqooyi Galbeed intii u dhaxaysey
1978-1982, waxaa qasab lagu dejiyey Hargeysa guudkeeda
iyo inta u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa si loogu
dal-ballaadhiyo Daaroodka, loona diiday in xuduudda la
dejiyo.
Dadka Isaaqu markii ay arkeen sida loo duudsiyey
qaybtii ay ku lahaayeen dawladnimada, boqolaal kun oo
qaxooti ahna siyaasad ahaan loo soo dejiyey dhulkoodii
la tashi la`aan, muddo dheerna dheg loo dhigiwaayey
tabashadooda, loona diiday inay si nabadgelyo ah ku
muujiyaan dhibaatooyinkii haystey, ayaa waxay
go`aansadeen inay halgan hubaysan kala hortagaan
halistii weyneyd ee soo foodsaartay, taas oo ahayd
iyada oo qarka loo saarnaa dhaxal-wareeg dal iyo qaran
-guur ummad. Go`aankaas waxaa lagu abuuray Ururkii
SNM ee xaq u dirirka ahaa sanadkii 1981, waxaana
markiiba dagaal hubaysan oo aan kala go`lahayn lagu
qaaday huwantii sida cadawtinimada leh isugu
bahaysatay dadka iyo dalka, kuwaas oo kala ahaa:
ciidamadii Koonfurta (Somalia), jabhaddii
Somali-Galbeed iyo jabhaddii Abooga. Dagaalkaas oo
ahaa kii ugu dheeraa uguna dhibaatada badnaa ee soo
mara Gobolladii Waqooyi, waxa uu xoogiisu socdey intii
u dhaxaysey 1982-1990. Bishii May 1988, ayaa Ururka
SNM duullaankii ugu weynaa ku qaaday huwantii Taliskii
Siyaad, uguna galay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.
Duullaankaas oo aad u wiiqay una burburiyey awooddii
is-bahaysatadii Moqadisho, waxa Siyaad Barre ugu
jawaabey inuu diyaaradaha dagaalka, taangiyada iyo
madaafiicda goobta ku gumaado dadweynihii Isaaqa, ku
burburiyo magaalooyinka waaweyn, kuna barakiciyo
hambadii dadka oo u qaxday Itoobiya. Hujuumkaas SNM
oo Siyaad Barre ku waayey awooddii ciidamadiisa iyo
jabhadihii ka garab dagaallamayey, waxa uu markiiba ku
dhaqaaqay hubaynta xeryihii qaxootiga Absamaha iyo
qaybo ka mid ah beelihii Waqooyi wax ka deganaa.
Dabadeed hadhaagii huwantii, raaf badan oo laga keenay
Koonfur, qaxootigii, beelihii iyo SSDF (Dhafoor-qiiq
lagu soo geliyey Daaroodism, raalli-gelin ahaanna
loogu bedalay Gobollada Isaaqu dego si ay wax uga
xukumaan waxna uga soo boobaan) ayaa markiiba ku
dhaqaaqay xasuuqidda, boobka, fara-xumaynta iyo
macaluulinta dadweynihii ku sii hadhsanaa
magaalooyinka sanadihii 1988-1990. Habeenkii inta
dadka lala baxo ayaa si wadar ah loogu gawricijirey
magaalooyinka guudkooda dabadeedna xabaalweyn lagu
duugijirey, xabsiyadii Waqooyi ayaa si xad dhaaf ah
loogu gurijirey sabab la`aan. Qayb ka mid ahayd
madaxdii Taliskii Siyaad Barre waxay dadka qaar ku
dagaal-gelinjirtay in Isaaqa la tirtirayo,
dhulkoodana, gobolkii W/Galbeed la dejinayo Qaxootigii
Absamaha, Hartiguna ku kala fidayo Sanaag iyo
Togdheer. Bishii July 1989, 46 qof oo rayid ah oo
Reer Waqooyi ah ayaa saq dhexe lagu gawracay Xeebta
Gasiira ee duleedka Mogadisho, dad aad u fara badanna
loo taxaabay xabsiyadii Xamar, sanadkaas oo
dadweynihii Xamar u bixiyey “Sanadkii Isaaq Boobka.”
Dembiyadaas culus ee laga galay dadka u badan
Somaliland, waxaa amridooda ka ma`suul ahaa: Siyaad
Barre, Cali Samatar, Adan Gabyow, Moxamed Gaani Xaashi
iyo Moxamed Saciid Morgan.
Halgankii hubaysnaa ee Ururka SNM, oo shacabkiisu
hiil iyo hooba heegan ula ahaa, waxa uu dadka iyo
dalkaba ka xorreeyey Taliskii dhiig-yacabka ahaa
bishii January 1dii, 1991, kana badbaadshey dadka
Isaaqa dhaxal-wareeg dal iyo qaran-guur ummad, isla
markiibana qaxootiyadii ka eryey dalka oo dhan.
Kadib markii Ururkii SNM naafeeyey awooddii milateri
ee Taliskii Siyaad Barre, ciidan iyo qalabba, intii u
dhaxaysey 1982-89, ayaa waxa u suurtogashay Hawiyaha
inay asaasaan Ururkii hubaysnaa ee USC sanadkii 1989,
dabadeedna si fudud cagta u mariyaan Taliskii Siyaad
ee sii dhacayey, kana eryaan Siyaad Barre Xamar
January 26, 1991. Maalmo yar kadib, Cali Mahdi, oo
aan ka muuqan halgamadii hubaysnaa, ayaa xukunkii
dalka oo dhan boobay Feb.1991, sheegtayna madaxweyne
isagaan la tashan Reer Waqooyiga ama Koonfur inteeda
kale. Cumar Carte Qaalib ayaa noqday ra`iisal
wasaarihii dawladdii Abgaal ee waqooyiga Mogadisho,
Cabdiraxmaan Axmed Calina waxa uu noqday
madaxweyne-ku-xigeenkii dawladdii Habargidir ee
koonfurta Mogadisho oo uu madaxweyne ka ahaa Moxamed
Farah Caydiid. Hawiyuhu waxa uu u haystey in
shakhsiyaad ay keenikaraan dadka iyo dalka Somaliland
Xamar. Xukun kala boobkaas USC waxa uu dhashey in
awooddii USC kala jabto , karti u weydo inay Koonfur
gacanta ku dhigto, lagana dhaxlo dagaallo sokeeye oo
aan damin. Ururkii hubaysnaa ee Majeerteenka, SSDF,
isagu waa uu fashilmay sababta oo ah ma lahayn
siyaasad qeexan ee Halgan oo lug waxaa uu kula jirey
caadifadii Daaroodisamka ee Mogadisho, lugta kalena
waxa uu kula jirey shirqool uu isku baaba`shey, markii
dambana waxaa laga horgeeyey halgamadii SNM iyo USC.
Fashilaadaas SSDF waxa ku dhammaatay cabsidii Hawiyuhu
muddo dheer ka qabey Maajeerteenka oo ahayd
“Majeerteen iyo madax-madow ayaa isle`eg.” Labadii
duullaan ee Daaroodku ka soo kala qaaday magaalada
Kismayo bilihii Abriil ee 1991 iyo 1992, oo
Majeerteenku xoog ku lahaa, Hawiyuhuna labadaba ku
jebiyey duleedka Moqdisho, waxay dadka Hawiyaha u sii
muujjiyeen in Majeerteenku yahay qabiil caadi ah sida
Habargidir ama Abgaal.
Dadka Reer Waqooyigu, oo ka koobnaa beelaha
Somaliland oo dhan, markii ay arkeen duudsigii,
dulmigii iyo dembiyadii cuslaa ee laga galay 30kii
sano ee israaca, haddana Koonfurtu si kas ah u boobtay
madaxweynihii dhiciddii Siyaad ka dib, ayaa waxay
magaalada Burco ku go`aansadeen bishii May 1991 inay
gobonimadoodii iyo dawladnimadoodii kala soo noqdaan
Somalia (Koonfurta) lana baxaan Jamhuuriyadda
Somaliland.
Ummadda Jabuuti oo xorrowdey June 27, 1977, waxay
go`aan ku gaadhay inay gooni isu taagto ka dib markii
ay aragtay duudsiga iyo dulmiga lagu sameeyey Reer
Waqooyiga intii u dhaxaysey 1960-1977. Go`aankaas
Jabuutina waxa uu noqday warankii labad ee ku dhaca
Aragtidii Somaliweyn. Haddaba, sidaas ayey taariikhda
ugu caddahay in Somalia (Koonfurta) iyo
Somali-Galbeed toos uga mas`uul ahaayeen burburinta
midnimadii Jamhuuriyadii Somalia, didinta Jabuuti iyo
kufinta Aragtida Somaliweyn. Cadawga kowaad ee loo
adeegsaday burburinta Aragtida Somaliweyn waxa uu ahaa
qabyaalad. Maantana, waa yaabe, waxaa midnimo iyo
Somaliweyn u qaylinaya Somalia (Koonfurta) iyo
Somali-Galbeed oo ah labadii burburiyey midnimadii
labada gobol kufiyeyna Aragtida Somaliweyn ee ahayd in
5ta Somaliyeed la wada hoos keeno hal calan. Somalia
waaba la gartay oo waa wadan xor ahee, bal maxay sida
ay xor tahay Somali-Galbeed kula shir iman lahayd
midnimada ay u qaylinayso? Midna midnimo jacayl kama
aha, waxa keliya ee ay rabaan waxa weeye inay helaan
fursad labaad oo ay ku xukumaan kuna boobaan dal iyo
dad aanay u dhalan (Somaliland). Dadka Somaliland
waxa uu aad uga digtoonyahay in arrimahaasu dhacaan
mar kale.
Dad badan oo Somaliyeed ayaa waxay aaminsanyihiin in
5ta Somaliyeed aan la kala xigin oo qofka Somaliyeed
marba midda uu rabo dego waxna ka xukumo maadaama
Somalidu wadaagto: dhaqan, diin, af iyo midab.
Figraddan waxba kama jiraan, waana arrin halis ku ah
qaranimada iyo dawladnimada dal kasta oo Somaliyeed,
waayo waxay horseedaysaa sumaad la`aan qaran iyo
astaan la`aan dal, waana fawdadii jirijirtey intii u
dhaxeysey 1970-1990. Somalidu kama duwana 18 ka dal
ee Carbeed kuna kala dhaqan Waqooyiga Afrika iyo
Bariga Dhexe, iyo 21 ka dal ee Laatiin Ameerika kana
midyihiin Peru, Bolivia, Panama, iwm. Labadan
kooxood, qaybkasta waxay wadaagtaa: dhaqan, diin,
taariikh, af iyo midab, oo dalna dadkiisu kuma
xad-gudbaan dawladnimada iyo dhulka dadka kale.
Dalka Somaliland waxaa iska leh dadkiisa oo taariikh
ahaan, dhalasho ahaan iyo asal ahaan ka tirsan
Somaliland iyada oo aan loo kala saarayn beel-beel
balse loo aqoonsan yahay ummad isku dan iyo dal ah oo
leh xuduud qeexan iyo qaran suntan. Dadka ka imanaya
Somalia, Jabuuti, Somali-Galbeed ama adduunweynaha
kale, ha u yimaadeen booqoasho, ganacsi, shaqo amaba
xoolo soo iibgeyn, waa inay xuduudda, garoomada
diyaaradaha iyo dekadaha ka soo qaataan dal-ku-gal
waqti ku eg, ciddii ku xad-gudubtana sharciga lala
tiigsadaa si loo ilaaliyo nabadgelyada, madaxbanaanida
iyo lahaanshaha gaar ahaaneed ee Somaliland. Xukunka,
maamulka iyo difaaca Somaliland waxaa iska leh oo
qudha ummadda Somaliland. Dal iyo dadtoona kama
dhaxeeyaan 5ta Somaliyeed. Waxaa ka dhaxaynkara waa
xidhiidh wanaagsan, walaaltinimo iyo iskaashi ku
dhisan ixtiraam laba dhinacle ah..
Waxaa qoray: Ibrahim Xasan Gagaale. Email:
Ibrahim_hg@yahoo.com
Jan 28, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
<><><><><>
WARAYSI:
FAARAX MACALIN, GUDOOMIYAHA XISBIGA SAFINA, KENYA
Waraysigaas oo
Somalitalk la yeesheen waxa uu taabanayaa dhinacyo badan, gaar ahaan
Siyaasada Kenya, iyo dib-uheshiisiinta Soomaalida...
GUJI
28/1
»»WAANO
KU SOCOTA AYAAN XIRSI
»»Hashu Maankeey Gataye Ma Masaar Beey
Laqday?
»»HANASHADII SOMALILAND IYO RIYADII SOMALIWEYN
»»Warbixin aan loo baahneyn:
Jawaab Qoraalkii Ceynte ee Ayaan
»»BOGGA
MAQAALADA DADWEYNAHA...
GUJI
Cawaaqib
Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay
maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan
aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee
diinta islaamka..
GUJI...
31/12
com
|