Tan iyo intii ay dhaceen dagaaladii sokeeye
ee dalka waxaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee islaamka ah ku dhacay qax,
iyo Qaran jabay keenay iney ugu danbeyntii cadowgooda gacmaha
hoorsadaan,shaqta qaaradood ee aduunkana meel waba daadsan iygoo aan heysan
Qaran difaaca xaquuqadooda.
Dadkii u soo qaxay qurbahana waxaa
geestooda haleeshay dhibaatooyin lid ku ah Diinta,dhaqanka iyo magaca
soomaal, haba ugu horeysee dhaqamadda silloon oo si deg deg ah loogu
xuubsiibtay,iyadoon la ogeyn saameynta ay kuyeelan karto jiilka soo
karaya,waxaa intaa dheer dhibaatooyin dhinaca bulshada aafeeyey oo Qabiilka
ugu horeeya.
Hadaba hadal badan haan ma buuxiyee waxaa
markale maqaalkan iyo mar sadexaadba igu kaliftay inaan ka hadlo, waa
gabadhii soomaaliyada lugu sheegay Ayaanka Darrneyd ee Ayaan Xirsi
Cali,oo markan arimaheeda noqdeen “Allamtarra Soo dhaaf!” kadib markii
ay gaartay heer ay Nabi Muxamed NNKH ay ku tilmaanto Osama Bin Laadin iyo
Sadaam Xuseen sida ay qortay shabakad kamid ah shabakadaha Soomaaliyeed oo
aan kasoo dheehday qoraal ka hadlaya hadalada waxashnimada leh ee ay ku
hadashay gabdhaasi.
Mar aan sidaasi dheereyn ayaa walaalkeey C/raxmaan
Ceynte oo arinta gabdhani u arka wax aan qiimo laheyn sheegay in laga harro
warkeeda oo kuwa iyada ka daran lala dagaallo,kuwaasoo walaalkeey sheegay
iney yihin Qabyaaladda iyo wixii la halamaala.
Inkastoo xagga u darnaanta dadka iyo diinta
qabyaaladda iyo dagaal oogayaalku ugu horeyaan ay yihiin, hadana waxaan
leeyahay walaalkeey C/Raxmaan
marka hore mahadi ha kaa gaarto sida aad ummadda ugu soo gudbin jirtay
wararka quseeya gabdhan ee bulshada qaar lasocon.
Marka xiggana hadalada iyo dacaayda
raqiiska ah ee ay waddo Ayaan Darantan Aqoon darrida eersatay waa mid aan
indhaha laga qarsan karin,waanse ka xumahay inaan waanadda walaalkeey Ceynte
aan ka talaabsaddo sababaha la xirriira arimaha aan kor kusoo xusay.
Tan iyo intii Ayaan bilowday iney u
ollaleeyso siyaasadda dalka Holland waxaa ay u aragtay wadada keliya ee lugu
gaari siyaasadda iney tahay iney aflagaado u geysato qowmiyad ay iyada laf
ahanteeda ka dhalatay.
Waxaana wax laga naxo ah in Ayaan oo ah
ruux dumar ah garaadkeedana aan sidaasi u dheereyn ay ka dhagito Diinta
Islaamka xafiis ay u soo shaqo tagto maalin walba, halka haddii ay
cadeysatay iney diinta ka baxday ay faraha kala bixi laheyd arimo aan loo
dirsan weli wadda hadalada ku tiri ku teenta ah ee ka dhanka ah Islaamka
iyio ehelkiisa.
Kabixitaankii ay diinta kabaxday gabdhaasi
waxey sabab uga dhigtay maalintii adduunyadu dhalan rogantay ee 11 september
2001, maalintaasoo aheyd maalin weeraro lugu soo qaaday daarihii dhaa
dheeraa ee xaruntii ganacsiga aduunka iyo wasaaraddii gaanshiga dalka
Mareykanka.
Inkastoo maalintaasi iyo wixii ka danbeeyey
ay aduunyaddu gashay jawi adag iyo marxalad colaadeed,hadana waxaa
isweydiintu tahay Ayaan ma maalintaaseey eersatay oo runsatay waxa reer
Galbeedku ku sheegeen in “Islaamku Argagaxiso yahay”,mise suntii
siyaasadda ee sagaashameeyadii soo heysay baa hada ku dilaacay sidii “Daacuun
Calloolaha”?...
Runtii su’aalahan iyo kuwo kale oo dadka
maankooda wareerisay ayaan si deg deg ah loo soo dhifan karin. Balse gabadhu
hadey Diinta iyo Soomaalinimadii nacday oo maantana tii ugu darneyd lasoo
shir tagay waa Ayaan darro maanta guud ahaan tirsaneyso soomaalida islaamka
ah,waana mid aan weli laga maqal hadaladda Ayaan ku hadashay soomaalidda
qaarkeed ee la oran jiray waa gaalo ee joogay dalka ka hor dagaaladii
sokeeye. Halka maanta Ayaan muujisay iney heysato awood buuxdo oo waxey
raabto ku sheegto aflagaadana u dheertahay.
Dunida ayaa laga sheegaa in ay jiraan
sharciyo xakameynaya aflagaadada loo geysanayo diimaha iyo dhaqamada
kale,waxaase Ayaan oo adeeegsaneysa ooraah ay kasoo minguurisay dad nacab u
ah Islaamka ay u aragto iney tahay wax wanaasgan in Diinta Islaamka loo
geysto aflagaado. Maantana waxaa guud ahaan caalamka ka jirro “Mashaariic”
ay dad badani ka dhigteen meelaha keliyaha ee laga heli karro magac, iyo
lacag.
Waxaana taasi daliil u ah,dhac dhacdadi ku
dhacday Maxadweynihii hore ee Mareykanka Ronald Regan oo nin gabar jeclaa
darteed u dhaawacay madaxweyne dhan isagoo ujeeda ninkaasi ahaa magac aad
markale ula soo shir tagto gabadha aad heshid, sidoo kale Monica Lewinsky u
jeedadii ay xirriirka hoose ula sameysaytay Madaxweyne Bill Clinton uu ahaa
mid ay ku dooneysay magac, waana tusaale noogu filin in mashaariicdan
ahaayeen welina yihiin kuwo lugu irsaaqad doonto, islamarkaasna aanu hada
aheyn mid Ayaan bilowday,balse la oran karro xilli xun iyo meel xun ayey
irsaaqada ka doontay.
Ugu danbeyntii anigoon ku dheeraan doonin
faallada gabdhan ayaa waxaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed kula talinayaa
ineysan sahlan armaha qaar ee gabadhani ay maanta qarka u saaran tahay iney
wadada u furto wax magarato badan oo iyada oo kale irsaaqada meel xun ka
doona.
Waxaan sidoo kale soomaalida qurbaha jooga
aan kula talinayaa in ubbadka soomaaliyeec fiirro gaar ah u
yeeshaan,qurbuhuna yahay mid maanta halis u ah dhaqankeena iyo diinteena.
Haweenka soomaaliyeed ee weli islaanimada
ku danbeyso kula talinayaa iney abuuraan barnaamijyo wacyi gelin ah oo
loogaga hortagayo inaan fasahaad tanoo kale ah aan ummada soo marin!
Waxaa Qortay:
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg,Sweden
E-mail: ikraam@journalist.com
Jan 28, 2003
I I D H
E H
|
|
»»Ayaan
Xersi Magan dhib ka weyn ayaa jiree halala jihaado !
Weriyaha
Xamar indhihiisu wax wanaagsan ma arkaan
dhegahiisuna wax san ma maqlaan ..Jawaabtii
Hassan Nur 22/1
AYAAN
DARRADA AYAAN XIRSI MAGAN:
FAALLO: Ayaan waa gabadhii
Soomaaliyeed qof Soomaali ah ayaa ku af-lagaadootey diinta Islaamka, faallo
dheer oo kuisaabsan... GUJI
21/1
Salmaan
Rushdie oo difaacay Ayaan Xersi Cali .... GUJI...
Qurbo
Laguma Waaree Nolashaada Dabaqabo ...GABAY loo tiriyey Ayaan
Ikraam
Cali-Kaar oo Faallo Ka Qortay
Gabadhii Soomaaliyeed ee Diinta Islaamka u geftay.. GUJI..
22/11/2002
Ayan
Xersi oo noqotay Salman Rushdi-ga somalida :
32 jir soomaaliyeed oo dhawaan sheegatay ineey diinta islaamku "caburiso
isla markaana xaqirto dumarka " ayaa GUJI
12/11/2002 [C/raxman Ceynte]
Rev. Jerry Falwell oo ku sheegay
inuu argagixiso ahaa Nabi Maxamed (nabad gelyo iyo naxariis kor kiisa ha
ahaato). GUJI
0ct/7 [wardheere]
»» Ninkii Qur'aanka & Nabiga
Caayey oo MN Booqday! GUJI
»» Ninkii Beeniyey Dajaal oo
Lasiiyey Jawaab Xaqiiqtusida GUJI
Cawaaqib
Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo
kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si
dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka
culus ee diinta islaamka.. GUJI...
31/12
Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan.
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|