Bal Soomaaliyee eega kooxda ku faaneysa Dowladdii
Soomaaliyeed baan ridney oo u dabaal dageynaa waxaana raali ka nahay
dhibaatada Soomaaliya maanta heysata. Shuftada iimaankii iyo sharaftiiba
Allah ka qaadey ma waxay u dabaaldagayaan oo iskugu soo baxeen meel fagaaro
ah, Kufsiga Gabdhaha Soomaaliyeed iyo Hooyiooyinka, dilka Takhaatiirta,
Siyaasiinta, Cullimada, Carruurta Waayeelka, Ardeyda, Aqoonyahanka, Askarta,
Dumarka, Ganacsatada, Xididka, Saaxiibka, Qaraabada, Dariska Shaqaalaha,
Abbeyaasha. Maxay u dabaaldagayaan Ma waxay u dabaaldagayaan bililiqada
Hantida dadweynaha, bangiyada Dowladda, Diirashada Warshadaha, Baallayaasha
Jidadka, Xargaha Korontada, Dugsiyada, Xafiisyada Dowladda, Kuraasta iyo
Miisadaha Iskoolada, Qalabka Jaamicadaha, Isbitaaalada Gubidada
Geedaha,Boobka beeraha dadweynaha, Ciribtirka Ugaadha, Wasakheynta Badaha,
dhisashada dhulka dadweynaha, Fiiqashada laamyeeriga,
dariishadaha,Mutuleelaha, boobka guryaha shicibka iyo Dowladda, qafaalashada
Dadweynaha,Abuurista Dagaal oogayaal, Malleshiyo, Beerista
daroogada, Baasaboor been ah Baas iyo ballaayo oo dhan ayaa laga dhaxaley
dowlad la`aanta aad u dabaaldageysaan sharaf iyo wax tarna lagama dhaxlin
dowllada aad ku faaneysaan waan ereyney.
Mohamed Siyaad Barre, Allah Ha u
Naxariistee wuxuu ahaa Halyey iyo Geesi u dhashey gayiga Soomaaliyeed
dadkiisa iyo dalkiisuna waa ogyahay.Waxaa kale oo nasiib daro ah SHUFTA
Ilbaxnimada ka soo horjeeda waxay ku faanayaan Villa Soomaaliya baan shaah
ku karsanaa wixii aan soo bililiqeysanana waan keensanaa Villa Soomaaliya
iyo Guriga Ummadda meesha ayey ku arkeen ee meel ay ka yimaadeen iyo cid
dhistey iyo cid iskaleh midna mayaqaanaan.Waxaan kula talin lahaa Kooxda 26
Jaanaayo 1991 u soo jiidey DALKA IYO DADKA SOOMAALIYEED Qaran Jabka iney ka
daayaan dadka iyo dalka Fasaadka ay ku hayaan garowsadaana ineysan xaq aheyn
in xumaanta lagu faano.
Ha eegeen Aayada Albaqra (Cow) 11 iyo 12.iyo Aayada
11. When it is said to them."Make no mischief on earth" They said "We are
only ones that puts thing right" Ayada 12 Of a surely. They are the ones who
make mischief, but they realize (it) not" Sidoo kale ha eegeen Ayaada 11 iyo
12 ee Al fajar (dawn) All these transgressed Beyound bounds in the land. And
heaped therein mischief.
Waxaan hubaa inaan dadku xumaanta isku raacin ee hareerahooda maanta laga
helayo dad ka xummaa in dowladda lagu kaco oo la rido iyadoo aan laga
fakarin wixii lagu badali lahaa iyo ciddii badalilaheyd,maanta sidii xoriya
doonkii ee gabdhaha Soomaaliyeed Dahabkooda gadi jiraan ay jiraan dad badan
oo u diyaar ah iney mar labaad Xoriyadda iyo Callankii dib u soo celiyaan
Ummaddana walaaleeyaan isla markaasna iska illoobaan dhibtii soo gaartey.
Bal Soomaaliyeed Ila eega taariikhda madow iyo dhibaatada aan ka dhaxalney
Dowlad la`aanta marka yeynaan ku faanin dowlad la`aan ee aan ka wada qeyb
galno sidii aan mar labaad u soo ceshan laheyn hana ogaadaan dadka dhibta
geystey in goor ay noqotaba la ciqaabi doono.
Waxaan kula talin lahaa saddex arrimood, qolodii maalintaa 26 Janaayo ku
andacoodey waxaan Gubney Calinkii Soomaaliyeed Madaxweynihii Dowladdii
Soomaaliyeedna iyo dadkii soomaaliyeedba dalka ka cariney:
1-Ineysan Sanad Danbe ku kicin arrimahaan oo kale haddana cudadaar ka
bixiyaan (apology).
2-Iney ka qeyb gallaan halganka Ummadda oomaaliyeed loogu raadinayo
Dowladnimada iyo xoriyadda.
3-Iney u arkaan gaf cad dabaal daga xaaraanta ah ee 26Jaanayo xusaana June
26, Jyly 1 iyo Octoober 21 iyo 15 may iyo maalmihii kale oo qaranka
soomaaliyeed xusijirey.Waxaan kale oo u soo jeedinayaa qofkasta oo maanta
dhibtaato ku haya dadka Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan dibada iyo gudahaba
iney faraha kala baxaan dhibaatada ay dalka iyo dadkaba ku yahaan Allahoodna
ka cabsadaan kalana gartaan Xaaraanta iyo Xalaasha, isla markaasna ka qeyb
gallaan Dib u heshiinta iyo soo celinta dowladdii Wax ma garaadku ku
dheelay. Maanta labo cali Isma weydiineyso in qofka Soomaaliga ah Addunkana
Sharaf xumo ku jooga dalkiina sharaf xumo ku jooga.
Yusuf O. Kenadiid. SIDAAN HOOS KU WORAN AYEY U DABAALDEGEEN
Yusuf Osman
Waxaa maanta oo ku aadaneyd 26 kii January ayna ka soo wareegtay muddo 12
sano ah markii laga riday xukunka marxuum Max’ed Siyaad Barre ay
taageerayaasha kooxda Xuseen Ceydiid ku xuseen madaxtooyadii uu deganaan
jiray marxuumkaasi oo hada fariisin u ah hoggaamiye kooxeedka Xuseen Ceydiid
munaasabad la xiriirta 12 guuradii ka soo wareegtay rididii taliskaasi oo ku
aadaneyd 26 January 1991.
Ku simaha Xuseen Ceydiid Abuukar Max’ed Sh. (Abuukar Ganey) iyo xoghayaha
guud ee golaha SRRC Prof. Max’ed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii
munaasabaasi ka hadashay ayaa waxay ka warameen taariikhda halgankii lala
galay Max’ed Siyaad Barre iyo sida ay suurta gal ku noqotay in la tuuro
maamulkiisii.
Waxay kaloo sheegeen mas’uuliyiintaasi ku hadlaysay magaca isbahaysiga SNA
ee uu hoggaamiyo Xuseen Ceydiid wixii ka dambeeyey oo dhacay ridistii
maamulkaasi 26 January 1991.
Prof. Dalxa ayaa yiri “Dowlad cadaalad ah Soomaaliya ma soo marin intay
xoriyadda qaadatay waxaana shacabka Soomaaliyeed ku habsaday dhibaatooyin
kala duwan oo intooda ugu badneyd ka soo gaartay xiligii uu jiray maamulkii
Max’ed Siyaad Barre iyo sanadihii ka dambeeyey ee dowlad la’aanta iyo
fowdadu dalka ku jiray.
Munaasabadaasi ayey taageerayaasha Xuseen Ceydiid ku soo bandhigeen
sawiradii Jen. Max’ed Faarax Ceydiid oo ahaa Jeneraalkii redista maamulkaasi
qeyb weyn ku lahaa, waxaana sidoo kale halkaasi laga jeediyey suugaan kala
duwan oo ka hadlaysay maalinta 26 January maalintaas oo taageerayaasha
Xuseen Ceydiid ay sanad kasta ku qabsadaan xaruntii madaxtooyada Ex-Villa
Somalia xus ay ku weyneynayaan ridistii Max’ed Siyaad Barre oo dalka
Soomaaliya ku qabsaday afgembi milateri 21 October 1969.
Waxaa soo ururiyey Yusuf Osman
Jan 29, 2003
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
»»26 Janaayo waa malin sidee ah?
»» Janaayo
26, 2001 iyo Muqdisho.....
<><><><><>
WARAYSI:
FAARAX MACALIN, GUDOOMIYAHA XISBIGA SAFINA, KENYA
Waraysigaas oo
Somalitalk la yeesheen waxa uu taabanayaa dhinacyo badan, gaar ahaan
Siyaasada Kenya, iyo dib-uheshiisiinta Soomaalida...
GUJI
28/1
»»WAANO
KU SOCOTA AYAAN XIRSI
»»Hashu Maankeey Gataye Ma Masaar Beey
Laqday?
»»HANASHADII SOMALILAND IYO RIYADII SOMALIWEYN
»»Warbixin aan loo baahneyn:
Jawaab Qoraalkii Ceynte ee Ayaan
»»BOGGA
MAQAALADA DADWEYNAHA...
GUJI
Cawaaqib
Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay
maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan
aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee
diinta islaamka..
GUJI...
31/12
com
|