Akhristayaal waxaa taariikhda cidina ma qorto eh jirta oo la wada
xasuusanyahay in wixii soomaliya la odhan jiray ee qiirada lagu sameeyey ay
aabe u ahaayen oo ay sameeyen ummaddda iyo shacbiga reer somaliland waxaa ka
soo bilaw sannadahii kontomeeyadii ilaa laga soo gaadhay markii xorriyadda
ay qaadatay jamhuuriyadda somaliland waxaa ummadda somaliland u heelanayd
xorriyad iyo wada jir ay maruun ku faanan oo ay kula midooban wixii ay
filayeen ee ahayd qiirada israaca oo ay ku walooloban calan xanbaarsan shan
xidigood oo ka turjumaya shantii soomaliyeed ee kala firidhsana waxaa
magaalooyinka hargeysa burco iyo berbera ka bilaabmay abaabul xoogbadna oo
ay sameeyen ururo iska abaabulay bulshada reer somaliland oo aqoon aad u
xanbarsanayd watay.
Waxaa la soo gaadhay goortii iyo amintii dawladda mustacmaradda ahayd ee
ingiriisku ( british protectorate) ay wareejin lahayd xorriyadda gacantana u
gelin lahayd dadka iyo ummadda somaliland waxaa 12:00 habeenimo kumanaan qof
oo iskaga yimid lixda gobol ee somaliland u qaybsantahay ku soo xoonmeen
meel badhtamaha magaalada hargeysa ku taalla oo aan haatan wax sidaasa ka
durugsanayn goobta ay ku taallo fagaaraha kheyriyada ee ay siyaasiyiinta iyo
dawladda somaliland uga qudbadeeyan shacbiga somaliland, akhristow xaqiiqdii
shacabka somaliland kuma uu fikirayn oo qudha xoriyadd ay keligood ku taaman
iyagoon shacabka somaliland u dhalan xisdi iyo keli talinimo ayaa waxa
maankooga ku weyna goormad dadka afka soomaliga ku hadla la midayn doona
isla markii ay dawladda ingiriisku ku wareejisay calanka siyaasiyiintii reer
somaliland oo uu hor kacayey siyaasigii weynaa madaxweynihii somaliland ee
dhawaan geeriyooday marxuum mudane maxamed ibraahim cigaal.
Siyaasi cumar carte qaalib iyo rag kale oo fara badan ayaa waxaa la soo
gaadhay aroornimadii iyada oo aan habeenka laga seexan dhamaan gobolada iyo
magalooyinka dalka somaliland oo dhan waxay ay dadku ku tiraabayeen somaliya
ha is raacdo" waxaa habeenkii danbe la iskugu yimid beerta xorriyadda
ee magaalada hargeysa waxaa halkaa ka soo jeediyey geerar aad u dheer oo run
ahaantii halhays weyn noqday gebyayaagii weyna ee suldaan cabdilaahi
timacade oo gabaygiisi dheera uu hal ku dhig u ahaa " SAREEYOW MA
NUSQAMOW BAL SIDUU YAHAY EEGNE KANA SIIB KANA SAAREY" waxaa goobtaasi
ka hadlay rasa'isal wasaarahii ugu horeeyey ee somaliland oo ahaa alla ha u
naxariistee maxamed ibraahim cigaal madaxweynahii geeriyooday ee somaliland
kelmadahii halkaa uu ka yidhi ee aanay xita shacbiga reer somaliland weli
iloobin waxaa ka mid ahaa " shacabkayga qaaliga ahow umusha waa la
todoba bixiyaaye aynu todoba cisho la sugno" laakiin mudane cigaal
ilaahay naxariistii janno ha siiye wuxuu taa kala kulmay buuq isla aroortina
waxaa la dhegax tuuray gurigii uu ka degena magaalada hargeysa iyada oo
dadku ku eedaynayeen inuu ula dan leeyahay inuu walaalahayo somaliya naga
reebo, nasiib darro waxaa la soo gaadhay 1 july sannadii 1960 oo ahayd
markii uu talyaanigu ( italian protectorate) xorriyadda siiyey somalia.
Iyada oo shacabka somaliland ay u ahayd rayn-rayn iyo tamaashad ayaa
waxaa lagu beegay in labada dal waa somaliland eh iyo somalia la mideeyo si
bila shuruud ah waxaa waraaqo digniin ah ka soo gaadhayeen siyaasiyiinta
reer somaliland wadanka ingiriiska oo looga digayey inaan midawga lagu
degdegin ee loo yeelo xikmad balse taasi may dhicin ee waxaa dhabowday
hamigii ay qabeen shacabka somaliland intaan hadaba akhristow labada dal la
isku darin ayaa waxaa golahii wasiirada ee dalka somaliland oo madax uu u
ahaa maxamed ibraahim cigaal warqad u soo direen barlamaankii uu talyaanigu
u sameeyey somalia oo uu madax u ahaa aadam cadde taas oo loogu sheegayey in
labada dal midooban isla maalinta xorriyadda la siinayo somalia oo ku
beegnayd 1 july balse nasiib darro waxaa loogu soo jawaabay maxaa shuruud
aad la imanaysaan, yaa idinka wakiil ah" ha ku degdegina midawga"!!!!!
iyo hadala noocasi ah yaabka yaabkii laakiin umadda iyo shacabka somaliland
oo aad u jibaysna may dareemin hadalada waxay ka soo qaadeen hadalo
walaalnimo iyada oo somalidu hore ugu maahmaahday " gacal isma
cidhiidhyo" waxaa ay dadka iyo shacabka somaliland oo ay ka wakiil
ahaayeen maamulkii uu ingiriisku ku wareejiyey xorriyadda uu madax u ahaa
alla ha u naxariiste maxamed ibraahim cigaal si bilaa shuruud ah oo xitaa
aan jamiciyadda quruumaha ka dhexaysa ( united nations) aan lala socodsiinin
ula midoobin goboladii koonfurta ee somalia waxaa si bila shuruud ah loogu
doortay caasimad magaalada muqdisho oo ahayd caasimadii somalia ee italian
protectorate ka, akhristow xasuusnow kharashaadkii dawladda lagu midoobay
ama aan idhaahde misaaniyaddii waxaa boqolkiiba sideetan ( 80%) laga keenay
somaliland, xagga somalia oo talyaanigu caydh kaga tegay boqolkiiba labaatan
laga keenay, waxaa isla markiiba la gelay doorasho iyada sidan wax loo
qorsheeyey:-
1. in uu madaxweynahu ahaado ( koonfur) AADAN CADDE
2 . in ra,isal wasaaraha laga dhigo (koonfur) cabdirisaaq
3. golaha baarlamanka oo ka koobna 99 xubnood somaliland waxa laga siiyey 33
xubnood.
4. golaha wasiirada oo ka koobna 21 wasiir somaliland waxaa laga siiyey
afar wasiir.
5. caasimada waxaa laga dhigay muqdisho oo ahayd koonfur
akhriste waxaa shacabka somaliland oo sidaa aan kor ku soo sheegay u oleeyey
miyadnta loogu abaal guday cabudhin yasitaan iyo in laga dhigo dad aan waxba
ahayn waxa ka mid ahaa kelmadaha halhayska u noqday ee aan weligood iyo
allahood shacbiga reer somaliland maankooga iyo maskaxdooda ka faaruqayn
markii ay reer somaliland kalgacalkay u qabeen ugu tageen muqdisho si ay
walaalnimada iyo soomalinimada ula wadaagan koonfur kelmado ay ka mid
ahaayeen " SOOMALI KHALDAAN, QUDHMIS, XUNYAHOW XUNKU DHALAY" iyo
kuwa kale oo aanan halkan ku soo koobi karayn oo run ahaantii iska daa inta
jirta ee reer somaliland ahe ka uurka ku jira ka sii damqado, waxaa akhriste
la soo gaadhay sannadahii 1969 kii waxaa ka dhacay dalka afgambi militery,
iyada oo run ahaantii hargeysa waa caasimadda somaliland eh aan sidaasiba
looga dareensanayn oo ahayd goob yasan oo aan hanaanka dawladnimaba ka jirin,
oo ay dawladda la sheegayaba ku koobnayd muqdisho, waxaa 1969 12 october
afgambi militery ku qabsaday dalka gacanku dhiiglahii hubaysnaa ee afweyne
barre, waxaa u bilaabmay shacabkii reer somaliland ee masaakiinta ahaa hoog
iyo balanbal waxaa dhegta dhiiga loo daray kumanaan iyo kumanaan qof oo
iskugu jira caruur hooyoyin gabdho iyo wayeelba hargeysa waxaa ay noqotay
hoyga xasuuqa iyo dhawaaca, waxaa shacabka somaliland loo gooyoy gaar ahaan
kuwii ku noola magalada hargeysa qodobadan.
1. in dadka ku nool somaliland aanay dhisan karin wax ka dheer laba dabaq
dhisme ah.
2. in aan haba yaraate lagala soo degi karin wax alaab ah dekedda berbera
albaabadana loo .
xidho iyadoo la adeegsanayo dekedda magaalada jibouti oo ugu dhawayd
somaliland.
3. gawaadhida nooca lala dhex maro magalooyinka hargeysa waxaa loo
bixiyey ( isaaq ma gayo) oo aynu fahmi karo macnaha iyo murtida ka danbaysa.
4. dadka degen gobolada somaliland waxaa lagu amray in aan haba yaraate
shanta galabnimo albaabada loo laabo goobaha ganacsiga shakhsina lagu arkayn
meel ka mid ah magalooyinka.
Akhristow siduu ii sheegay wiil yar oo ku sugna sannadkii 1987kii
magaalada hargeisa "waxa aan xasuusta aniga oo jiray todoba sanno in
guriga nalugu soo jabiyey aniga iyo hooyaday saqdii dhexe iyada oo inta ay
askari baadhay daba ilaa dacal weliba naloogu henjabay in nala layn doono,
waxaan xaadir u ahaa nin aanu jaar ahayn oo hortayada lagu dilay maydkiisina
lagu daray xabaalaha xasuuqa ee goobta duleedka hargeysa ee loo yaqaan
"goobta dilka" ninkaas miskiinka ahaa oo aan waxba galabsanin",
run ahaantii ma soo koobi karo dhibaatadii ku dhacday shacabka somaliland
cidhiidhigii iyo duligii ay isbadeen ee la kulmay, waxaa la soo gaadhay
sannadahii 1988 kii waxaa ka bilaabmay magalooyinka hargeysa, burco, berbera,
halgan hubaysan oo lagu jihaadayey xoraynta gobolada somaliland waxaa ku
daatay dhiig fara badan waxa ku naf waayey geesiyaal naftooda u huray
xoraynta dhulkooga hooyo, nasiib wanaag waxaa sannadkii 1991 ciidamadii
halyayayada ahaa ee xaqu dirirkii SNM ( somaliland national movement) ay
gacanta kaga dhigeen xukunki kacankii hanti wadaaga ee cunsiriga ahaa ee
siyaad barre gacanta dhamaan gobolada iyo dhulka uu ka koobanyahay
somaliland akhristow waxba yaanan hadal kugu daaline waxaa la soo gaadhay 18
MAY 1991 waxaa beelaha wada dega lixda gobol ee somaliland wax garadkoogi
cuqaashoodi iyo siyaasiyiintoodi isku urureen magaalada burco oo ay kaga
hadleen aayaha iyo mustaqbalka somaliland waxaa aroornimadii 10 barqanimo 18
MAY 1991 madaxweynahii somaliland ee hore ahaan gudoomiyahii ururkii SNM uu
ku dhawaaqay dib ula soo noqoshada xorriyadii luntay ee somaliland waxaa u
bilaabmay shacabka somaliland oo ay u dhamaadeen tiif dhibaato hoog iyo
balanbal xagga akhristow muqdisho lagu raaxaysanayey jiifka, iftiin iyo
saansaad xoriyadeed oo run ahaantii ay lumiyeen balse ay ku heleen dhiigoodi
oo ay daadsheen, akhriste waxaan daliil uga dhigan kara in labada magaalo ee
hargeysa iyo muqdisho aanayba isku iman karin waxaad weydiisa qof reer
muqdisho ah maxaa ka dhacay somaliland xaqiiqdii war iyo wacaal kama hayo
wuxuu ku baraarugay caydiid iyo caato oo islaynaya, hadaba waxaan jecelahay
kuwa ku fikira magaca somaliweyn iyo kuwa u hana qaada inaan weydiiyo
su,aalahan oo aan u rabo jawaabo rasmiya oo caqli gal ah:-
1. halkay jirta midnimada danbe ee hadhay?
2. yaa dumiyey calankii shanta xidigood lahaa ee somaliweyn tallow ma
caydiidba mise waa caato idinka ka jawaabi?
3. dhibaatada dhacday ee reer koonfureedow aad ku baraarugteen ma ta
jirta tobonkan sanno ee muqdisho wareersanaydba mise waa tii jirtay
soddonkii sanno 1969 ilaa 1991?
4. markaad reer koonfureedow leedahiin dib u heshisiin yaa la
heshiisinaya ee islaayey?
5. su,aasha iigu danbaysa weeyane ma umalaynaysaan shacabkay
dhibaatadaasi ku dhacday ee sidaasi fudud xoriyadoodu uga baxday ee dhiigasi
ku daatay in ay aayar markale muqdisho u keeni idinka ka jawaabi doona?
su,aalahaasi xaqiiqdii waa qaar aan jawaab u doonayo, guntii iyo gebo
gebadii ayaan waxaan leeyahay " marka ay baabacada cad ee bini aadmiga
ku taalla ka soo baxaan ee lagu arko timo ayey somaliland iyo shacabkeeda
iyo dawladeedu intay aayar xoriyadooda soo qaadan marlabaad muqdisho keeni
karaan alla mahad leh somaliland guul iyo gobonimo
FROM: MOHAMED ABDI HASSAN ( DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com
jan 28, 2003
Afeef:
Aragtida qoraalkaan waa kuwo u gaar ah qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi
mayaan aragtida SomaliTalk
Qoraaladii
hore ee Diridhaba...
SOCDAALKA
RIYAALE IYO SAHAMINTA SHACABKA SOMALILAND
FALADII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|