Saxaafada Yurub oo
qaawisay siyaasadii Maraykanka
Faaladii: Xassan Nuur
Email: SRG14@jubiimail.dk
Feb 6, 2003
|
Waxaa si xawli leh ku
kor u socda ka soo horjeedka qaarada Yurub in dagaal lagu qaado dalka
Ciraaq, taas oo sabab looga dhigayo arimo la xidhiidh:
|
|
·
Nabadgelyada aduunka
·
Dhaqaalaha
·
Feker siyaasadeed
·
Arimo bini aadan-nimo oo aan la aqbali karin oo ka dhalan kara dagaal lagu
qaado Ciraaq
·
Diin iyo arimo kale oo badan.
Sida aynu ognahay waxaa
aduunku ku tiirsan yahay saliida Bariga dhexe, taas oo xudun u noqon karta
iska hor imaadyo aan isku dhan u socon oo ka aloosma aduunka.
|
|
Dagaalka ku wajahan
Ciraaq waxaa loo arkaa mid ay ku le’an doonaan malaayiin dad ah, reebina
doona burbur ay adkaan doonto in laga soo waaqsado sannado aad u badan iyo
weliba burbur siyaasadeed oo wax ka bedela khariidada caalamka.
|
|
Inkastoo
xaalada Bariga Dhexe ay dab kusii shido had iyo gooraale colaada wayn oo
ay u hayso Isaraa’il dawladaha iyo shucuubta Bariga Dhexe, hadana sida
la og yahay waxaa ka jira dawlado aanay isla socon iyaga iyo shucuubtoodu.
Robert Baer oo
Bariga Dhexe uga ahaa basaas CAI-da intii u dhaxaysay 1976-1997, sida uu
tibaaxay, wixii ka danbeeyey dagaalkii 1991dii, waxay dawlada Israa’iil
culays ku saartay Maraykanka in xukunka laga tuuro Sadaam (then no more
gun smoking), hadaba markii la arkay inay luntay fursadee xukunka lagaga
wareejin lahaa hogaamiyaha Ciraaq, waxaa loo xilsaaray Robert Baer inuu
khaarajiyo
|
Sources:
DK-TV1, Cairo
|
Sadaam wado kasta ha u
maree, talaabadaa oo aan lagu guulaysan iyo iyada oo ay muuqatay inay
adagtahay in mar labaad la isu keeno awoodii Kuwait ka saartay 1991kii loo
helo taageero caalami ah, dawlada dhexe ee Maraykanku si adag uma qaadan
ina xukunka laga tuuro Sadaam wixii ka horeeyey dacdooyinkii 11 September
Washington iyo NY.
Hadii markaa ay dhacdo
in Maraykanku ku guulaysto inuu gacanta ku dhigo xukunka iyo shidaalka
Ciraaq, waxay dad badan rumaysan yihiin inay soo food saari doonto
caalamka xaalado siyaasadeed iyo dhaqaale oo aad u qalafsan. Waxaa gol
jilic noqon doona dalka Iraan oo qani ku ah saliida, ayna siyaasad
ahaan iska soo hor jeedan maraykanka
iyo dalalka Bariga
Dhexe oo dhan, khaasatan Suuriya oo ay u aragto Israa’iil quwad aan la
dhayalsan karin hadii aan loo helin hab lagu kala furfuro.
|
Robert
Baer
CIA
Agent 1976-1997 Bariga Dhexe
|
|
Sidoo kale dawladaha
reer Yurub iyo Aasiya oo dhaqaalahoodu si wayn ugu tiirsan yahay saliida
Bariga Dhexe waxay aad uga welwelsan yihiin Ciraaq oo Maraykanka gacanta u
gasha, waxaa iyana dhici karta in gebi ahaanba khayraadka saliida ee
Bariga Dhexe gacanta u galo Maraykanka. Dhinaca kale shucuubta Bariga
Dhexe oo xidhiidhka dawladahoodu aad u hooseeyo waxay u arkaan duulaan
lagu qaado Ciraaq inuu horseedi doono inay si sahlan ugu dhacaan galaan
xulafo ka leh dano dhaqaale iyo dhulbaadhsi, dawladahooduna aanay waxba ka
qaban karin.
|
Kacaanka Iraan
|
Hadaba
waxgaradka reer Yurub waxay saadaalinyaan hadii Ciraaq la weeraro in
Bariga Dhexe ay hal mar ka bilaabmi doonaan dagaalo aan isku jaho u socon
sida:
1.
Dagaal lagu qaado Ciraaq oo ay ku hoobtaan malaayiin dad ah
2.
Dagaal ay qaadaan shucuubta bariga dhexe oo iskii u abaabulan, iyaga oo
abaaraya, ciidamada shisheeyey, dawladahooda, ceelasha, wershadaha iyo
dhuumaaha saliida
3.
Dagaalo ay dawladaha Bariga Dhexe la galaan shucuubtooda
4.
Dagaalo sokeeye, khaastan dalalka xudunta ah sida, Ciraaq, Suuriya,
Libanon, Iraan Urdun iyo Masar
|
Ciidankii
S.A. ee Maraykanka
gacan
siinayey 1991
|
5.
Dagaal ay soo qado dawlada Israa’iil oo ku magacaaban difaaca saliida
Dhinaca
Asia waxaa laga cabsi qabaa in xaalku faraha ka baxo dalalka Pakistan,
Indonisia, Malaysia, Afganistan, dalalka qawqaaska la isku yidhaahdo iyo
Turkiya.
|
Massacres
1991
|
Waxaa laga cabsi qabaa
in dhamaan saaxiibadii shalay cadow ku noqdaan Maraykanka. Waxaa kale oo
laga cabsi qabaa silsilad fowdo iyo dagaalo ah oo meelo kale oo aduunka ah
ka aloosma, taaso ah saadaal si xawli leh maalinba maalinta ka danbaysa
si wayn u soo kordhaysa.
|
Israa’iil’s
Strategic & Objective
Madaxwaynhii
Maraykanka Bill Clinton, Removing Sadam Foiling Syria ....
|
Hadaynu tusaale u soo
qaadano dalka Ingiriiska, warbixinihii ugu danbeeyey waxay sheegayaan
82% ay hada ka soo horjeedaan dagaalka Ciraaq, sidoo kale hadii xaalku
aloosmo waxay wado u furi kartaa garabyada siyaasadeed ee xag jira ee ka
jira dalka.
|
Wuxuu rumaysan yahay
General major Patrick Cordingley oo ahaa hogankii ciidanka Ingiriiska ee
dagaalkii 1991, inaanay suuro gal ahayn in Ciraaqiyiinta la iska laayo
sabab la’aan, wuxuu kale rumaysan yahay khasaaraha ka soo fool leh
dagaalkaas oo noqon doona mid culus dhinac dhaqaale, siyaasadeed iyo
aadaminimoba intaba.
|
|
Isaga oo is barbar
dhigaya tiradii askarta ee ku dhamatay dagaakii 1991kii oo dhinaca Ciraaq
lagu qiyaasay 10.000 oo askari, dhinaca xulafadana dhawr boqol, wuxuu
yidhi maanta oo qalabka lagu dagaalamayo ka sii casrisan yahay kii
maalintaa maxaynu filaynaa.
|
|
General
Patrick Cordingley
|
Waxaa kale oo qaba
feker kaa la mid ah Richard Hirries oo ah Biscop Oxford, wuxuu saadaal ka
bixiyey siyaasada gudaha isaga oo aan qarin welwelka uu ka qabo
masiibo dalka ku timaada “waxaa dalkan ku soo fool leh, kala qaybsanaan
aan horay loo arag, laga soo bilaabo suuqa ilaa dawlada, sida Barlamanka,
Wasiirada iyo Kaniisadaha dhamaan waa ku kala qaybsamayaan arinkan ayuu
yidhi .......”, isaga oo ku daray dhibaatada arintan ka soo fool leh waa
midaan la aqbali karin gudaha iyo debeda midnaba. Hadaba Shucuubta
galbeedka aad iyo aad ayey uga soo hor jeedaan dagaal lagu qaado Ciraaq
iyaga oo daliishanaya:
|
Biscop:
Oxford
Richard
Hirries
|
1.
in aan la hayn qorshe Sadaam ku qorshaynayo ama ku qorsheeyey inuu ku soo
ridi doono hubka wax gumaada.
2.
waxaa kale oo arinkaa sii xoojiyey, inaanba la hayn wax xidhiidha oo ka
dhexeeya AL-QACIDA iyo Hogaamiyaha Ciraaq.
|
Qodabadan waxay minjo
xaabin ku yihiin qorshaha Maraykanka uu dunida ka dhaadhicinayo oo looba
arkay mid lagu cidhiidhi gelinayo aduunka intiisa kale, laguna
baabi’inayo dad aan waxba galabsan, lana abuurayo qaxooti dhinaca kasta
aduunka isu dhaafa iyo nacayb kordha. Hadii aynu dagaal ku qaadno Ciraaq
ma dhibkii baynu yaraynay mise waynu badinay sidaa waxaa tidhi
Jessica Stern oo ahayd la talisada nabadgelyada Maraykanka 1994-95, waxaa
hubaala in sadaam u dagaalamayaan malaayiin. Bush, isagu wuxuu ku
dacwoonayaa in Ciraaq caawin karto argagixisada isagoo ku taageeraya hubka
sida wayn wax u gumaada isla markaana raad gadanaya oo qarinaya in wax
laga ogaado “cadayn loo heli maayo” taas oo dad badan uba fasirtay
in aan wax marmarsiiyo ah loo hayn dagaalka Ciraaq, hadalkaasina yahay
marmarsiinye iska mala ma awaal ah.
|
USA National Scurity
Adviser 1994-95
|
Eight leaders rally
“New” Europe to americans side, sidaa waxaa isku qanciyey Pre. George
W. Bush oo ay ka muuqato sida u saluugsan*(1) yahay, culayska ay yeelan
karaan sideed hogaamiye oo sheegtay inay ka socdaan Yurub oo Silveo
Perlusconi gudoonsiiyey kalsoonidooda, balse waxaa si jeesto ah markiiba
gaashaanka ku dhuftay hogaamiyayaasha waaweayn ee Midawga Yurub.
|
Kama
daalayo in xal nabadeed loo helo Bariga Dhexe sidaa waxaa isaga oo aad u
qaylinaya ku celceliyey Gerhard Schröder, waxaa iyaguna sidaa la qaba
inta badan hogaamiyayaasha EU-da.
Waxaa jira koox
maamulka sare ee Maraykanka ka mid ah oo taageera dawlad Israa’iil sidaa
waxaa yidhi Sir Andrew Green oo ahaa amassadorka Ingiriiska Suuriya
1991-94, Sacuudi Careebiya 1996- 2000,
|
Gerhard
Schröder
Germany
Consular
|
Robert Baer ayaa
isaguna yidhi dadka Maraykanku waxay yidhaahdaan afar indhood hoostood....
Isaga oo ula jeeda dal laba madaxwayne ayaa xukuma.
Wax
xidhiidh ah kama dhexeeyo Sadaam iyo dhacdooyinkii 11. September sidaa
waxaa yidhi Sir Andrew Green .
Waxaa dood aad u
ba’an TV-ga ku dhex martay nin dadka nabada u ololeeya ah iyo nin madax
ah oo daafacayey siyaasada debada ee Danishka taas oo ku sigatay in doodii
faraha ka baxdo, kadib markii
ninkii nabadoonka ahaa
adeegsaday hadalo uu qiray kasoo horjeedihii. Isaga oo adeegsaday
dagaalkii Vietnam si uu kiciyo dareenka dadka, wuxuu abaarayey meelba
meesha ay ka halis iyo khatar badanayd iyo erayo uu xamili waayey
masuulkii la doodayey “hada waxaad leedahay qalad bay ahayd shalay
markii Maraykanka lagu taageerayey xasuuqo Vietnam, maantana waxaad
leedahay aan taageero 150 million xasuuqooda oo weliba loo adeegsado
cashuurta muwaadinku bixiyo ayuu yidhin”, waxaa dhidid iyo xanaaq iyo
hanjabaadba is haysan waayey masuulkii dawlada daafacayey, doodiina
halkaas baa lagu soo af jaray.
|
Amb.
Sir Andrew Green
|
|
Senator Rep. Chuck
Hagel oo ah foreign affairs candidate ayaa isaguna qaba aragti ka duwan ta
dawladiisa “dawladu kama fekerin khatarta ka soo fool leh, muddo intee
le’eg ayuu socon donaa ama dhaqaale intee le’eg ayuu ku kacayaa
dagaalku” ayuu is waydiiyey mar waraysi lala yeeshay. Senator Hagel
oo ka soo qayb qaatay dagaalkii Vietnam waxay la tahay dadka aan ka soo
qayb qaadan dagaalo hore inay go’aan degdeg ah iska gaadhi karaan ayuu
yidhi.
|
Senator Rep.Chuck Hagel
|
Mar
la waydiiyey wasiirka arimaha dibada ee Danishka ujeedada Maraykanka ee ku
wajahan dagaalka Ciraaq “waxaa uun la doonayaa in laga gaadho inta uusan
gacanta ku dhigin hubka wax gumaada oo hadii uu helo cid taaban karta ma
jirto, sida N. Korea oo maanta lagu dhici la’yahay, hadii sidaasi dhacdo
dadka dunida oo dhan ayuu baadayaa” ayuu hadalkiisii gun uga dhigay.
Ugu danbayn khubaro loo
diyaariyey war bixintii 05.02.03 uu Colin Powell ka jeediyey UNka ayaa wax
wayn ka soo qaadin.
|
Per
stig Møller
M.
Danish Foreign affairs
|
Hadda oo aan qoraalkan
qorayo dood socotay muddo toban daqiiqo ah waxaad moodaa inay noqotay
dhegtaana ka dhegayso taana kasii daa, waxay khubarada falanqaysay oo laga
xidhiidhinayey dalka gudihiisa iyo debadiisaba ilaa hada ku sheegeen
warbixinta Maraykanka mid lagu qancinayo caalamka iyo shacabka Maraykanka,
suuro gal ma aha in lagu kasbado dadka reer yurub waxaa intaa sii
dheer waaba habsan waqtigan xaadirka “macnaha cidiba ka dhegaysan mayso”,
ayey toban daqiiqo kadib isla markiiba ay ku soo ururiyeen.
|
|
|
|
Xassan
Nuur
Email: SRG14@jubiimail.dk
Feb 6, 2003
Sources:
DK-TVs, European
news Disk
, CNN
Archives
, AP
, AFP
______________
*(1) kelmedda: qanacsan ::::::: sixid: saluugsan
= qawadsan.
_____________________________________
AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid
u gaar ah qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk.com
QORAALDAII HORE EE XASAN NUUR
»»LATEST
FROM IRAQ NEWS ----- ENGLISH.VERSION
[wararka kale
|