Maqaalkaasi arrimo badan ayuu ka hadlay, waxaase ka muuqata been-abuur lagu
samaynayo taariikhda shacbiga soomaaliyeed ee Ogadenya ku dhaqan ee dagaalka
hubaysan kula jira dalka Itoobiya, muddada badana kula soo jiray.
Si fiican uma aqaano qoraha maqaalka, hase yeeshee waxaan qormadiisa ka
fahmay inuu yahay nin uu ka buuxo nac qabiil, isla markaana qirtay inuu
qadiyadiisii uu xilliga dheer u soo halgamayay uga tegay cuqdad uu qabiil u
qaaday.
Arrintu si kastaba ha ahaatee wuxuu Xagar Yare tilmaamay in Ururkii
Dhalinyarada Soomaali Galbeed uu burburay, ka dib markii lagu taliyay in la
qaato magaca Ogadenya.
Arrintaas waxba kama jiraan ee dhibaatada Ururka Dhalinyarada Soomaali
Galbeed waxay ka billaabatay iyadoo ururku uu doonayay inuu u madaxbannaanaado
qadiyadiisa, adduunkana uga dhaadhiciyo si ka turjumaysa danaha qadiyada oo
kaliya, hase yeeshee arrintaas waxaa is-hortaagay maamulkii Jamhuuriyada
Soomaaliya xilligaas ka talinayay oo ku dadaalayay inuu isagu qadiyada gacanta
ku hayo, dunidana ugu bandhigo qaab siyaasidiisa la jaan-qaadi kara.
Arrintaas waxaa markaas taageertay Jabhaddii Soomaali Galbeed, oo iyada
lafteedu ahayd magac taagan, hase yeeshee maamul ahaan si toos ah u hoos
imanaysay wasaarada gaashaandhigga Soomaaliya, bajdakeeda sanadkana la soo
raacin midka ciidammada Guul-Wadayaasha soomaaliyeed.
Waxaa markaas dhalinyaradii lagu qasbay inay joojiyaan dhaqdhaqaaqyada
siyaasiga ah ee ay wadaan iyo kulanada siyaasiga ah ee dawlaha kale ay la
galayaan iyagoon dawlada Soomaaliya fisax ka helin. Wuxuuna khilaafkani sii
xoogaystay, ka dib markii uu Ururka Dhalinyarada Gobanimo Doonka Soomaali
Galbeed ergooyin u dirsaday dhawr shir oo dalka Soomaaliya dibaddiisa lagu
qabtay, guulo fiic-fiicana qadiyada loogaga soo kasbay.
Haddaba markii ay dhalinyaradu dhag u dhgi waayeen digniinihii loo soo
jeediyay ayaa markaas xabsiga loo taxaabay qaar badan oo masuuliyintii ururka ka
mid ahaa, isla markaana la billaabay in maamulkii ururka (gaar ahaan Muqdisho)
tashuush qabiil lagu furo, si cududda ururka loo wiiqo.
Arrinta kaliya ee Ururka Dhalinyarada dood ahaan u dhex-taallay waxay ahayd
iyadoo la isku hayay midkii la qaadan labada magac ee kala ah: Ururka
Dhalinyarada Gobanimo Doonka Soomaali Galbeed iyo Ururka Dhalinyarada Soomaali
Galbeed oo laga tego erayga ”gobanimo doonka”. Ururka Dhalinyarada ee ka
jiray magaalada Muqdisho wuxuu watay, kuna dhegganaa magaca hore, halka Ururka
Dhalinyarada ee Woqooyi uu ka watay, kagana dhegganaa magaca denbe.
Hase yeeshee ururkuu dhalinyarada ee soomaali galbeed marna iskuma khilaafin
magaca Ogadenya, xilligaas uu qoraalka Xagar Yare ka hadlayana lama asaasin JWXO
(Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya), fikirkeedana lama billaabin, waxaanan
aad uga xumahay inuu Xagar Yare taariikhda khalad ka sheegay, sababtoo ah
xilliga uu khilaafka noocan ah socday wuxuu ku beegnaaa qiyaastii sanadkii 1982.
Magaca ”Sii Galbeed” wax raad ah lama lahayn Ururka Dhalinyarada ee wuxuu
ahaa khilaaf ka dhex-aloosmay Jabhadda Soomaali Galbeed, kaasoo markii
guddoomiyanimada laga qaaday mudane C/llaahi Xasan ay koox madaxdii ka mid ah ku
dhawaaqeen inay sameeyeen Jabhadda Sii Galbeed, oo ay ka hoos baxeen Jabhaddii
Soomaali Galbeed, sidaas darteed magacan ”Sii Galbeed” ma ahayn mid ay
bixiyeen Ururkii Dhalinyarada Soomaali Galbeed ee wqoooyiga.
Xagar Yare wuxuu kaloo sheegay in magaca JWXO (Jabhadda Waddaniga Xoraynta
Ogadenya) si rasmi ah loogaga dhawaaqay dalka Suuriy 1987-88.
Waa khalad kale oo muujinaya xog ogaal darrada Xagar Yare. Magaca JWXO wuxuu
si rasmi u baxay sanadkii 1984, waxaana JWXO lagu asaasay magaalada Muqdisho,
hase yeeshee waxaa markii ugu horraysay si rasmi ah loogaga dhawaaqay dalka
Kuwayt.
Dhinaca kale shirwaynihii qawmiyadaha Itoobiya ee la qabtay markii uu dhacay
taliskii dhergiga ee Mingistu Xayle Maryam JWXO way ka qayb gashay, hase yeeshee
waxay kaga qayb gashay shuruudo siyaasadeed oo ay u soo bandhigtay jabhadda
EPRDF, kuwaasoo ku salaysanaa heshiis ay JWXO magaalada Khartuum kula gashay
EPRDF intii aanuu dhicin maamulkii Mingistu Xayle Maryam.
Heshiiskaas waxaa ugu muhiimsanaa in EPRDF ay aqbasho in dadka soomaaliyeed
afti laga qaado, inta aftidaas ka horraysana ayna ciidammadeedu soo gelin dhulka
soomaalida.
Arrintaasi EPRDF way u cuntami wayday oo markii ay talada dalka gacanta ku
dhigtay waxay ka baaraan-degtay qaabkii kalee JWXO ay ku dhabar jabin lahayd.
Maadaama ayna xilligaas karti u lahayn inay awood ku muquunisana waxay
Suudaan ka codsatay inay kala shaqayso sidii loo raadin lahaa madaxdii Jabahadda
Soomaali Galbeed, oo xilligaas ku sugnaa gudaha Soomaaliya, qaabkaas ayaana C/Naasir
iyo Alla ha u naxriistee Majeerteen lagu keenay.
Hase yeeshee JWXO karaamadeedii ma ayna waayin, sida uu Xagar Yare ku
doodayee, waxay sii wadday halgankii iyo looltankii siyaasadeedee ay kula jirtay
nidaamka cusub ee Itoobiya qabsaday, kaasoo ilaa iyo xad ay ku guulaysatay.
Xaga Yare wuxuu qoraalkiisa ku joojiyay xilligaas oo ku aaddan qiyaastii
1992, wuxuuna yidhi halkaas ayuu xaal marayaa. Ma aanuu dhihin halkaas ayaa
iigu denbaysay iyadoo xaal marayo.
Haddaba aan u dhammays tiree JWXO waxay halkeedii ka sii wadday halgankeedii,
iyadoo ka duulaysa mabaadii’deeda asaasiga ah, oo ah in shacbiga soomaaliyeed
ee Ogadenya ku dhaqan laga xoreeyo gumaysiga Itoobiya.
Sida la ogyahay waxay gashay doorasho Ogadenya ka dhacday daba-yaaqadii
sanadkii 1992, taasoo ay 86% ku guulaysatay, waxayna sidaas ku qabsatay
maamulkii dhulka. Hase yeeshee ujeeddadeedu ma ahayn inay maamulka qabsato,
balse ujeeddadii loo abuuray waxay ahayd inay dalka maqan soo dhiciso oo soo
celiso karaamada soomaali oo dhan ka maqan, sidaas darteed waxay ka shaqaysay in
baarlamaankii gobolku uu soo saaro go’aan ku baaqaya in dadka soomaaliyeed
laga qaado afti lagu waydiinayo rabitaankooda ku aaddan inay Itoobiya ku
sii jirayaan iyo inay ka go’ayaan, sida uu dhigayo dastuurka Itoobiya u yaalla.
In baarlamaanka gobolku uu go’aan noocan ah soo saarana waxaa muhiim ka
dhigaya dastuurka Itoobiya oo dhigaya in qawmiyad waliba ay iskeed u gu’i
karto haddii la helo shuruudo dhawr ah oo uu ugu horreeyo in baarlamaanka goblku
uu codsado.
Markii uu baarlamaanka gobolku soo saaray go’aankaas waxay Itoobiya
billowday dagaal cad oo ay ku qaadday maamulkii iyo JWXO labadaba, arrintaasoo
ugu denbayntii bar-billow u noqotay dagaalka hubaysan ee maanta ay iskaga soo
horjeedaan ciidammada Itoobiya iyo ciidammada Xoraynta Ogadenya.
Waxaa maanta Ogadenya ka socoda dagaal qallafsan oo ay iska soo horjeedaan
labada dhinac een kor ku soo xusnay, kaasoo ujeeddadiisu ay tahay in gumaysiga
lagaga dul-qaado bulshada soomaaliyeed ee Ogadenya ku dhaqan, waxaana dagaalkaas
taageersan bulshada Ogadenya ku dhaqan inteeda badan.
Waan ku raacsanahay Xagar Yare in midnimadu ay wanaagsan tahay, laakiin
midnimo raadinteed ma aha inaad uga leexato hadafkaagii qaaliga ahaa.
Cadowga ummada soomaaliyeed ee Ogadenya ku dhaqan wuu cad yahay, qadiyadana
caad ma saarna oo waa qadiyad gumaysi iyo gumaysi la dirir. Qofka bani’aadmaka
ahna haddii uu qadiyadiisa daacad u yahay ma waayo qaab uu ugu halgamo, haddii
uu ku dhibayo magaca Ogadenya, qaado magac kale ”Qadhoon” la bax, laakiin
dalkaaga u halgan. Hal-beegguna ha noqdo gumaysi diidnimo, hase yeeshee qofkii
halganka ka hadha ama ka leexda waa isaga iyo yeelkii, waana ”Hangaraarac Lug
uma dhutiyo”