Qof ahaan haddii la ii
waydiiyo xiriirka labadaas magac waxaa maskaxdayda kusoo dhici lahayd
kalmadda ah gumaysi. Dirirdhaba waa magaalo ay Soomaali (Ciise, Canfar iyo
kuwo kale) ama Orommo sheegato oo ay haystaan gumaysiga Itoobiyaanka ah
sidoo kale Somaliland waa magac Ingiriis sameeyey. Dirirdhaba hadaad
waydiiso wuxuu oranayaa waxay ahayd British Somaliland! Kollay
Soomaalidayada kale sidii yicibka ama aargoosata ayaan inta magacaas ukala
jabinay Soomaaliya kaliya kala soo baxnay. Laakiin Dirirdhaba iyo kuwa ku
fikrada ah qolofta intii kore ayey jabsheen laakiin intii hoose bay u
daayeen oo wali waxaa ku dahaaran qoloftaas waana taas tan keentay in ay Professor Lewis ammaanaan halka ay Professor Samatarna ka caayaan. Maxaa
yeelay Professor Lewis wuxuu ka mid yahay qoloftii aan ka soo sheekaynay ee
ku wareegsan yicibka qaybtiisa hoose ilayn iyagu wali “land” baa
Soomaaliya dabada uga dheggen. Marka Dirirdhaba iyo waxa la fikrad ahi
waxaan qoloftaas ahayn ma arkaan.
Fiicnaan lahaydaa inaanan
waqtigi iskaga lumin akhrinta maqaalkiisii ahaa: sooyaalka taariikheed ee
Somaliland iyo sarbeebta dahsoon! Maqaalka markaan akhrinayey anoo isleh bal
wax ka kororso wuxuu soo qaatay labo nin oo isaga micno gooniya ugu fadhiya
waa Abwaan Hadraawi iyo Shakespeare.
Horay baa loo yiri weel
walba waxa ku jira baa laga daadsadaa/shubtaa. Marka wiilka waxaa xaday
England oo u maqli jiray iyo dadkii ay gumaysatay. Wiilkan hadduu indhaha
furi lahaa oo uu jalleeci lahaa waxyaabaha ka dhacayey Soomaalida inteeda
kale khaasatan gobollada dariska la ah sida Bari waxaa usoo bixi lahayd
intaysan Ingiriisku iyo Talyaanigu qabsan Soomaaliya waxaa jiray xaddaarado
iyo boqortooyooyin. Bari oo intaas u jirta waxaa ka dhisnayd boqortooyo oo
xitaa leh qaab ay u qoraan Afsoomaaliga. Suurtagal ma tahay in nin Bari
jooga uu yiraahdo waxaan rabaa inaan Bari goosto oo iksa illaawo Baladweyn,
Jowhar, Xamar, Marka, Baydhabo, Gedo iyo Kismaayo? Waa arrin qof caqli leh
aan ka suuroobin maxaa yeelay qofka Binu Aadamka waxaa ku abuuran fidro ah
wax korarsi. Marka Dirirdhoboow adinku ma waxbaad kororsateen mise waxbaad
iska goyseen haddaad Soomaali ka go’daan?
Dirirdhaboow ma jiro qof
cidla ka yimid ee miyaanad ogayn ninka Laascaano, Hawd ama Sanaag kula degan
in ay lahaayeen boqortooyo oo haddii sooyaal iyo soojireen la isu tirsado uu
halkaa galayo ilayn adiga iyo waxa kula firkada ahba waxaad ku faanteen
Somaliland-nimo idinkoon Habar fulaan u aabboyeeline
Marka ma rabin inaan kuu
jawaabo anoo arkayey qoraaladaada maxaa yeelay waxaan anigu la xaali jiray
qabqablayaasha dagaalka khaasatan kuwa dad ii xiga laakiin hadda waxa igu
soo baxay qabqable qalin oo isagoon socod baran raba inuu ordo. Waxaan u
arkaa adi iyo wixii kula fikrad ah dad ka baqaya in dhaxalka dhulkooda laga
qadsho waatan Soomaalidu tiraahdo dhaxal ninkii ka baqaya in laga qaadiyo
hala qaybsho buu ku waashaa.
Inkastoon reer Mudug ahay
laakiin diyaar uma ahi inaan Laascaano visa ku galo waxkastoo dhaca sidoo
kalana mara rabo inaan baasaboor u garaacdo Hargeysa iyo Xamar midna xitaa
haddii carriga kuwa kula caqliya qabsadaan.
Dirirdhaboow waxaan filayaa
inaad caqlisatay iyadoo Maxamed Siyaad la hadalhayo oo SNM
ay markaas dhulka Soomaalida ah ee Itoobiya gumaysato joogaan. Sidii ninkii
indhaha la’aa ee Ilaahay mar araga u furay oo arkay diiq ka dibna indho la’aantiisii
ku noqday. Oo markasta oo wax la waydiiyo xitaa maroodi ama geed wuxuu
yiraahdaa diiq intee ka le’egyihiin. Marka sheekadaadii waxay dhaafi
wayday SNM iyo Somaliland iyo Shakespeare. Aniga SSDF ugama dambeeyo sidaad
SNM uga dambaysid inkastood aad waddadii aan qaadnay aad qaaddeen waxaana u
arkaa inaan dhib ka kororsanayno oo xumaan naloo qorayo ilayn annagaa
Soomaaliya barnay in Amxaaro loo cararee.
Professor Samatar iska
daaye haddii ay ila kaftamaan kuwo fikradaada qaba waxaan ku dhahaa horta na
geeya waqtigii ka horreeyey intaan Ingiriisku carriga qabsan. Dhulka sidee
loo deggenaa? Ma idinkaa carrigaas oo dhan xukumay? Marka ma degaankii
Ilaahay dadka ku beeray oo uu dajiyey baad rabtaan inaad u diidaan oo sheeko
Ingiriis aad qaadataan. Marka Professorka waxaas buu ujeedaa. Teeda kale
miyaadan ogayn in Professorku uu tagi karo oo ku noolaan karo Soomaaliya
meeshu doono sida Kismaayo, Marka, Xamar, Baraawe, Baydhabo, Gedo, Jowhar,
Baladweyn, Galguduud, Mudug, Garoowe, Laascaano, Bari iyo Sanaag.
Haddaysan jirilahyn Ilmo
Gahayr, Barkhad Cas, Faarax Oomaar, akhyaartii kale iyo guud ahaan dadka
waxgaradka ah ee degaankaas sheekadu waa ila durki lahayd. Si uuna
maqaalkaygu u noqon sidii laftii feeraha ahayd ee nin walba dhinucuu rabo
dadka utusi jiray waxaan mar walba maanka ku hayaa oo u duceeyaa Barkhad Cas
markaan xasuusto “ninkaas aragiisa uurkaan ka nacee aan ooyee albaabka ii
xira”. Ina Gahayrna waatuu lahaa England baa gubaynaysa maxaa iiga
gidhiisha. Waxaan aaminsanahay inaan nimankaas ka xigo Dirirdhaba iyo qof
kastoo la caqli ah.
Marba haddii dadka reer
Waqooyi ay ku jiraan dad noocaas ah waxay dhaafeen “qullatayn” oo qof
kasta oo maangaab ah ama siyaasi raba jago wax kama xumayn karo ama ceeb uma
soo jiidi karo. Waana ku ammaanyihiin inay maamul samaystaan say uga
badbaadaan dhibta ka dhacaysa wadanka intiisa kale.
Professor Samatar wuxuu
ogyahay inkastoo ay Soomaaliya tiro yartahay marka loo eego waddamada
dariska ah laakiin waxay leedahay tayo mana rabo inaad noqotaan waddan yar
oo sida Swaziland,Lessotho, Rwanda, Brundi ama Jibouti. Maxaad u fahmi la’dihiin
waxa Jarmalkii Galbeed fahmay. Jarmalka Galbeed kan Bari dhaqaalo ugama
baahnayn bal iyagaa ku dhibqabay laakiin waxay ogaayeen inay dadkoodii
yihiin koow dabadeedna qiimaha ay leedahay dhul weynida iyo dad badnaanta.
Haddana arrintaas waxaa ka cabaadaya Ingiriiska iyo wadamo kale oo Yurub ah.
Marka Dirirdhaboow Koonfur oo idin ka qanisan marka loo eego dhinac kasta
idinkana dad badan inay iyagiina idiin yeertaan adinkuna aad carartaan waa
idiin caqli xumo. Ogaada haddaad rabtid inaad dhulka aad degtaan goosataan
waxaa Itoobiya u noqonaysaan sida ay Swaziland u tahay Koonfur Afrika waana
arrintaas waxa Professorka iyo annaguba aanaan idin la rabin.
Marka Dirirdhaboow waxaan
nahay hal jir/jidh oo leh labo gacmood marka haddaad rabtid inaan gacan
isgoysid adaa ku dhibqaba waa haddii ay dhacdo. Xanuunkeeda goysmada kaliya
ayaadan u dulqaadan karin iska daa inaad ka raysatide.
Marka waan arkay inta qof
ee Professor Lewis u tahniyadaysaye waa in hadda Professor Samatar aad raali
galisaan.
“Gaagaabso oo aamus yaan
gaar lagaa qabane”
cabdulwaaxid Khalii | cabdulwaxid@hotmail.com
Faafin: Feb 1, 2003
Afeef:
Aragtida qoraalkaan waa kuwo u gaar ah qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi
mayaan aragtida SomaliTalk
DHULKA:
Qiimaha
iyo sharafta dhulku leeyahay
Waa taxanihii qoraalada
Cabdulwaaxid Khaliif GUJI...
31/1
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|