Faarax Macali. Waa been, aniga gobolkaan ka imaaday wax jirana malahan, Somalida
mala awaalka wey ka helaan, Soomaalidu wa xoolo raac, waa shakhsi raac, cid dhib
ku haysaa ma jirto, cid u goodin lahaydn ma jirto, taa waxay dhamaatay Sanadkii
92. markii Axsaabta badan la furay oo Dastuurka waxa yaala halbawle ahaa laga
badalay oo doorashooyinkii dhaceen ayey dhamatay arintaa, Soomaalida wax ka
duwan dadka kale inaan lagu sameyn karin wey ogtahay, wadanka Axsaab badan ayaan
laga sharciyeeyey, waxayse mar walba diyaar u ahaayeen iney daba dhilif
ahaadaan, iyagoo wali ka mid ahaa Dawladii xukunka haysatay ee shaqada loo
doonanayey, waxa alla wixii la doono ayaa Soomaalida laga meel marsadaa, wax
walba haddii lacag loo helo iyaga kaliyana ma’ahan kuwa Soomaaliyana waa sidaa
oo kale mar Itobiya ayaa xoogaa lacaga siin oo hoteelo geyn, mar carabahaas ayaa
meel ula ordaya, marka waxaa soo cadaatay in ninka Soomaaliga ah ay taariikhda u
gashay saas, waana nasiib xumo in haddii hanti naloo hayo aan iibsankarno shakhsiyadeenna, dadnimadeen, dhibka dadkenana aan
siisan karno waxyaabo cayn kaa soo kale ah.
Somalitalk.com: Inta badan Soomaalida aad baad u dhaleeceysaa, hadaladaada dadka
dhagaystana saasey kugu sheegaan, dad kula qabana waa jiraan, marka maxay tahay
cadaynta aad u hayso in Somalidu ay dhaqankaas leeyihiin
Faarax Macali. Wax aniga ii muuqdo oo aan oran karo Soomaalida waxaa saa ku
khasbaya majiraan, sabatoo ah waxa kugu khasabaya inaad dadkaaga iyo dalkaaga
iibsato majirto, illeen markaad gadato meelaad uga baxdo malahan oo adna meeshii
unbaad wali taagnaan, hadana wey dhacdaa arintaa oo dhaqan taarikhi ah ayan
uleenahay runta haddaan sheegana illeen hada ajnabi u faani meynee oo anaga
kaliya ayaan nahayee dhaqan-kanaga fiiri oo taarikhda dib usii baar, fiiri
maahmaahaha Soomaalida, sida “Af wax cunay xishoo”, waxaa lagu dhihi “Maalinkii
oday oday habeenkiina habar habar”, hada fiiri “Meel il laga la’yahay hadaad
tagto ishaa la is tiraa”, tan eeg “Maslaxadaad maqaar eey baa loogu seexdaa”,
waxaanba anigu garan la’ahay maslaxada aan maqaar ey ugu seexanaya, ninka
Soomaaliga ah wuxuu ku oran meeshan dan yar baa igu jirta, mabda’ayga ma’ahan
laakin caruurta biilkooda ayaan ka helayaa, waxasoo dhan baa jira, iyadii ayaana
nasoo hiraaday, awal dhexdeenna ayey ahayd, hadda laaki!
n jiraan ayaa nagu xiran, Amxaaro ayaa daris nala ah, Eratariya ayaan meel dheer
noo jirin, Kenyaa nagu xiran, wadamadii kale ee East Africa ayaa nagu dhaw,
aduunkii oo dhan ayaa isku soo dhawaaday Soomaalina meel kasta waa joogtaa,
runtii waxaa loo baahan yahay in waxyaabaha xun ee dhaqankeena kamid ahaa in la
bado oo umadan masiirkeeda la badbadiyo, ileen umad aan wax walba soo marin
majirto, hada Yahuud boqolaal sano eyey daba gadisnaayeen oo meel walba lagu
ugaarsanayey, laakiin 50.kii sano ee aan soo dhaafnay dad dhisan weeyaan, annaga
hada wixii na soo maray haddey yihin wax aan ku cibraqaadaneyno oo aan dib danbe
loogu noqoneyn oo waa tii la yiri nin mu’min ah god laba jeer lagama qaniino,
shalay hadad dadkaagii iibsatay hadana inaad ku noqot ma’ahan , Soomaalida
halkan ha joogaan ama Itoobiya ha joogaan, ama kuwa Jamhuuriyada ha’ahaadaanee
waa isku wadamid, hadana il adayga aan leenahay waxaa ka mid ah, inaan u radino
qiil khaladkii aan galno, maahmaahdii waa tay ah!
ayd, wadaad hadii qaalin helo qiil mawaayo, taas ayaan nolosheeda ku wadnaa ,
intuu khalad ogaan u sameeyo ileen qorigaad ku istaagto qajaftiisa waxba kaama
dhimo baa la yiriye, meeshuu cudurdaar ka sameyn lahaa oo uu dhihi laha taladan
waan ku khaldanaa ayuu mala’ mala’ gali oo uu hadana qiil u raadinayaa,
beentaasna ayaa lagu wadi, waxaa kugu daliil ah dadkii markii hore labooday
wiilkii Uhuru ee yiri waan dooraneynaa oo Madaxweyne ayuu noo noqonayaa ayey
hadana markii ay ku galeen dareeysteen doorashadii oo laga adkaaday be
mucaaradkii galeen, wadankan hadda waa lagu sheekeystaa Soomaalida oo mabda’ooda
ayaa lagaran la’yahay, maanta ninkan ayuu amaani, barina mid kale ayuu amaani,
misaajid asagoo lacag ka uruurinayao ayaad arki hadana isagoo kaniisad lacag u
uruurinyo ayaad arki Soomaalida kaliya ayaa laga hayaa dhaqankaas nin kale
lagama hayo.
Somalitalk.com: laakin ka waran dooda dhahaysa Soomaalidu waa dad ka aqoon yar
ka tiro yar, ka hatni yar, qawmiyadaha kale ee Kenay, marka cuqdadaas ah in
Soomaalidu aysan miisan ku lahayn wadanka, sow makenyso iney xisaabaad badan la
qabsan waayaan.
Faarax Macalin. Sida aad hada shegeyso waan ku doodi jiray markii aan ku hadlayo
sidii mucaarad ahaan, laakin markii dhab ahaan loo fiiriyo Soomaalida dadbadan
oo ka liita ayaa jira, Muslimka kale oo xeebta jooga oo dhan waa ka liitaa,
Baajuuntaa ka liidata , Giryaamo oo %50. Muslim yihiin ayaa la liita, Digo oo
%100. Muslim ah ayaa ka liita, Gaalada hadaad dhex gasho, Bakoodka nimanka la
dhaho wey ka liitaan, Turkaanada waa ka liitaan, sambura,Boorana iyagana waa ka
liitaan, laakin kuligood meel loogu soo hagaago ayey leeyihin, hadey ku
khasaaran iyo ahadey ku faaidaan iyagoo meeshooda taagan ayaa loogu yimaadaa,
Somaalidu wey ka danbeeyaan dadka Kenaya laakin kuwa ka sii danbeeya ayaa jira,
laakiin meel loogu soohagago leh, anaga taayada wax nagu khasbi oon ka ahayn
beenbeentayadii majiraan, gunno donasho, daba dhilifnimo, iyo fitnada qoys
qosyka ah unbaa sal u ah waxa na haysta.
Somalitalk.com: Markii uu Moi soo bandhigay Uhuru oo ay sameysmeen xisbiyada
Narc waxaad Idaacadaha ka tiri markii lagu weydiiyey maxaad ugu biiri weyday,
waa cunsuruyiin, arintaa majirtaa maxaadse ugu biiri weyday?.
Faarax Macalim. Haa wan iri, haddii aan kuu hormariyo, in mawqif la qabsado oo
ah mid aan guureyn oo ka dhalaneysa danta dadkaaga, ku guuleysataa iyo ku
guuldareysataaba, waa loo baahan yahay, aniga marka Faarax ahaan waan diiday
Narc, inaan dhex ordo, hadda aan kula jooga haddaan u tagi lahaa gacmo furan
ayey igu soo dhawayn lahaayeen laakin mayeelayo, wax kstoo dhaca, sababtoo ah
waxay ku dhisanyihiin ayaa ah qabaa’ilkii waa weynaa oo isu tagay, wax danta
Muslimka ama Soomaalida ay leedahay oo laga gaari doonana iiga ma muuqato,
haddii la gaarana waa un in annagoo mideysan oo u dagalameyna xuquuqdeenna aan
soo ceshanno, Aniga Xisbiga hadda wadanka qabsaday waxaan u arkaa iney
cunsuriyiin yihiin ayna ka liidan doonaan ku wii ka horeeyey, waz wanaagsann
aysan Muslimka iyo Soomaalida u keegeyn, iyagoo ii yeeraya ayaan ka dhaga
adkeystay, haddii qolyahan Soomaalida ee Kanu ahaa ay mawqif kooda qabsadaan oo
ay dhahaan, Haa Narc magaleyno, shalay tana kama qabno, hadana xuqu!
uqda dadkeenna annagoo mucarad ah ayaan u doodeynaa waxna u qabaneynaa, wey
fiicnan lahayd, laakiin maxay sameeyeen, saastey u arkeen in kanu ay sii socoto
waxay bilaabeen shaleyto, iyagoo leh waxaan la shaqayneyno dawlada cusub, waa
nala siray, waa nala khalday, i.w.m., wax jirana ma’ahan oo cidna ma sirin,
aniga Faarax ahaana narck uma arko inuu wanaag ka iman doono,
Somalitalk.com: Soomaalida Jamhuuriyada dagan iyo Somaalida Kenyaba Siyaasi caan
ka ah ayaad tahay, guud ahaan dadkuna waa ay ku jecel yihin, marka maxaa
sababey in aad laba doorasho dhacdo.
Faarax Macalin. Laba doorasho ayaan dhacay, intaan ku soo sheegay ayaa meesha ku
jirta, qoys qoys ayaa jira, aniguna ilaahay maqaadiirtiis qoyska marka kor laga
fiiriyo ma’ahee, hoos ahaan jilibyada yar yar baan ka dhashay, midda labaad
lacag baa la isticmaalay, oo xisbiga xaakimku isticmaalay, anigu lacag mahayn,
hadaan hayana ma bixiyeen oo intaan qof laalusho ma oranayo ii irid, afkaarta
dadkii waad ka dhaadhicin, dadkii waa saad u shegtay wey kula jiraan, doorashada
intaysan dhicin dadka %70. iney aniga ila jiraan ayaa la filayey, laakiin
lacagbaa la qaybiyey oo aniga irid ayaa la yiri, nin kasatana shilinkiisii ayuu
qaatay, inbadanna waxaa lagu soo duway qoys qoyskii, labadaas shey Soomaalida
jirkeeda lagama saari karo, hanti jacayl, qabiil, iyo hugunidoon ayaa Soomaali
haysata, labadii jeerna labadaa arimood ayaan u dhacay.
Somalitalk.com: Marka la eego taariikhda Siyaasiyiinta Soomalida waa la
yaqaanaa, adiga marka taariikhdaada Siyaasadeed la eego mucaarad unbaad ahayd,
marka mucaarad-nimada faa’iidada kuugu jirtaa maxay tahay?.
Faarax Macalin. Horta mucaarad-nimada waxay ka dhalaneysaa waxyaaba dhacay
mooyee ma’ahan sidii mad-hab la iska haysto, sida Ahlu Sunaha u leeyihin
Madaahib Xanafi, Shaafici oo kale, marka majiro mad-hab la dhaho mucaarad oo la
iska haysto, laakiin dawladii dhisneyd marka aysan kuu cadayn iney ka
dhexmuuqato wixii danta dadkaaga ah, khasab inaad dadkii u doodo ayaa loo baahan
yahay, inaad sheegto wixii dadkaaga ka maqan mucaarad uma haysto ee baraarujin
ayaan u haystaa, muhimada ugu weyn oo ay Siyaasada oo dhan leedahay waxaa
weeyaan, daryeelka dadweynaha dalkaaga ku nool, dawlada gacanta ku hasyo
noqotayaa, ma’ahee mid kale oo ku fiirinaya oo ceebahaaga soo saaraya noqotayaa,
kulli danta dadka ayaa lagu wada jiraa, aniga runtii ma’anan jeclayn ku mana
talagalin inaan mucaarad sidaan u ahaado, laakin duufaanno ayaa dhacay oo amar
ilaahay lagu xisaabin kara, wixii aan mudo ka soo shaqayneynay ayaa afar bari
gudahood isku badalay, oo dhinac ayaa loo wada yaacay, aniga dad b!
adan oo meel u wada socda hadaan arko waxaan ahay dadka is dhaha bal u kaadi
dadkan badan un ha iska raacinee, hadana dadkii dhinac u yaacay ayaad mar dhaw
arki doontaa iyagoo soo gadoomay, inkastoo markii hore la ila yaabay oo la
iyiir maxaad dowlada u soo raaci weyday oo iney badinayeen waa muuqatay, laakiin
aniga waxaa ii muuqatay in dhaandaba gaalle la yara daba orday oo kale iney iska
noqotay, oo meesha lagu hungoobay lagana soo wada gadoomi doono, midbaanse shaki
ku jirn isbadalkii dhacay inuu saameyn doono dalka, tii lagu jirayna uu dhaami
doonaa oo kama xumaan doono tii hore, horumarkuna fasiraad ayuu u baahan yahay,
maxaa la dhahaa horumar, ma rag dadkaaga ka mid ah oo ka dhexmuuqda dawladaa
hurmarku, ma dalkaaga oo mashaariic laga fuliyaa horumarku, waana mid in laga
dooda loo baahan yahay, isku soo duuduubo xaga wanaaga ayuuu wadanku ku socdaa,
xaga Muslimka sidey u xisaabtamaan un weeye, xaga Soomaalida sidoo kale.
Somalitalk.com: Xisbiga hadda dalka qabsaday sida loo rabo waxaa laga garan
karaa sidii codka loo siiyey, iyaguna waxay ku balanqaadeen iney isbadal badan
sameyn doonaan, ma isleedahay 5.Sano ayey ku hirgalin karaan isbadalkii suuroobi
waayey wax ka badan 30.sano.
Faarax Macalin: Waxaan aaminsanahay dadka Kenya ku nool waa dad aad u dadaal
badan oo iney dhidid kooda cunoon aaminsan cilmina leh, iyagu dawlada waxay uga
baahan yihin waxaa weeye un iney dawladu hortooda ka gudo, una badbaadiso
dakhliga dadweynaha laga soo qaado sida cashruuta, oo si fiican u maamusho, saan
aaminsahayna isbadalka dadweynaha ayaa keenay ee dowladu makeneyso, laakin
arimaha lagu soo caanbaxay oo ah waxaasan qabaneynaa aniga waxaan u arkaa iney
tahay hadalkii Soomaalida ee ahaa Haweenka beenna waa lagu soo xero galiyaa
runna waa lagu dhaqaa, hada tiiyoo kale ayaa muuqata, laakiin marba hadii a y
dawladii dhismato rajadii laga qabayna ay aadu weyn tahay, dawlada waxay ku
guuleysatay ma’ahan jacayl loo qabay ee waxay ahayd nacaybkii loo qabay dawladii
ka horeysay, aglabiyada ay hada haystaan waa mid aanan u arkin iney tahay shey
wanaagsan, waxaa fiican mar walba inaad haysato codadka %52.ama %51, si dadku
aysanba rajo badan kaaga sii qabin, axsaab badan ooxisa!
abtamaya ayaa meesha ku jira, hadiise aad aglabiyad badan hesho degdeg ayaad ku
fashilmeysaa, maxaa yeelay dadku daawo degdeg ah ayey sugayaan, daawa degdeg
ahna lama heli karo sida runta ah dhaqaale looma hayo weyna adag tahay, hadana
is badallo wey dhici doonaan, wax yaabaha la sugayana ma dhici doonaan, dad
badan baa oran doona saan ma sugayn, balanqaadkii aaway, markii Narc la
hagaajinayey waxaan uga soo horjeeday waxaan diidanaa in shacabkii Kenya aysan
halmeel isku uruurinin oo Axsaab badan la hagaajiyo, si hadhaw cududdii u
qaybsanto, sifa hadhaw xisaabtan u yimaado, dowladuna ay noqoto mid si joogto ah
loola xisabtamo. Haddiise hal xisbi wadanka qabsado waxay noqon Dektaatoor baad
ka soo tagay Dektaatoor kalana waad dooratay, waayo wuxuu doono samayen karaa,
waayo boqol iyo dhawr ayaa ugu jira barlamaanka, hadana kuwii Soomaalida ahaa
iyo kuwa kale ayaa yaacaya oo Albaabadii laga xirtay, marka wadankii oo dhan
mucaarad malahan, hada kuwii xisbigeyga ahaa oo 14.qof k!
a helay wax hada la ogyahay oo mucaarad sii ahaanaya ku waasaa kajira, maxaa
yeelay kanu hadda xoogeedii iyo kuwii Uhuru waday waxay leeyihin anaga dawladan
cusub ayaan la shaqayneynaa, maxaa dhacay waa isku qabiil, marka xoogaa nasiib
xumidaas ayaa jirta, taasaa waxay kuu muujineysaa iney dowlada fashilmi doonto,
lakin inuu wadanka isbal ka dhici waa wax iman guud ahaan, maxaa yeelay duufaan
lama celin karo waa mawjad socoto.
Somalitalk.com: oo ma waxaad leedahay fashilku wuxuu iman kara shantaan sano
gudahood .
Faarax Macalin. Haa khasab mudo yar waxaan la gaarin ayuu iman, hadaa la kala
boodi rabaa, sabatoo ah waa 14.xisbi oo rabay inuu midkasta dadka Madaxweyne u
noqdo, xisaabtan gooni ahna haystay, marka haddu xisabtankii iska waayo iska hor
imaad baa dhicin, weyna bilaabatay iney kuu muuqatay iyo in kale mooyee, oo
durbadii qiiqii baa soo baxay walow uusan weyneyn,
Somalitalk.com: Madaxweyaha cusub ee dalka qabsaday mudo mucaarad ayuu ahaa
adiguna mucaad ayaad ahayd sidee buu yahay xiriirka idinka dhexeeya labadiinna.
Faarax Macalin: Runtii ixtraam baa naga dhexeeyey sida an aniga aan aaminsanahay
shakhsiga Siyaasiga ah in lagu jeclaado ma’ahan,, ee waa inlagugu ixtraamo
afkaartaada iyo mabaadi’daa, mid lagula qabo iyo mid lagaaga duwan yahayba baa
muhim ah, marka aniga ixtraam weyn baa dhaga dhexeeyey, aad buu isgu dayey inaan
ku biiro oo balan qaadyo iyo waxbaa na dhexmaray, anna wey ila yara fool
xumaatay inaan aniga wax raadsado, maxaa yeelay waxaa iiga soo baxday inaan
aniga wax raadsanayo mooye umadii aan matalayey iney adkaan doonto sidii wax
loogu qaban lahaa oo aad markaa noqoneyso sidii aan soo sheegnay af wax cunay
xishoo, marka waxaa ii dhaantay inigoo duurkeyga iska jooga, oowixii aanka
sheegi ka sheego oo la kashifo hadii dhibka la ka shifo waa yaranaayaa, isaguna
mudo dheer mucaarad ma’ahayn labadii doorasho unbuu ahaa ka hor wasiir buu ahaa
11.Sano Madaxweyne ku xigeen ayuu ahaa, nin nidaamkii jiray kamid ahaa ayuu
ahaa, barigii aan axsaabta badan dooneynay nin ka soo ho!
rjeeday ayuu ahaa, dad kaloo badan oo kanu ahaa ayaa kula jiray, hada 4.wasiir
oo kamid ah 3.biloodka hor wasiiro bey ahaayeen, makra isbadal halbowle ah ma
dhicin ee dadkii unbaa marba koofiyad xiranayey, oo leh tan wey dhacaysaayee tan
kale ii dhiib aan madax gashadee, Kibaki reer Kenya wey garan wuxuu qaban karo
iyo wuxuusan qaban karin, hadana waxaad mooda in codkii u batay in loo heeso
sacabana loo tumo, lakiin wixii jira wey soo bixi doonaan.
Somalitalk.com: Makula tahay Uhuru inuu ku guuleysanayo doorashooyinka soo
socda, oo inte in le’eg ayuu rajo yeelan karaa.
Faarax Macalin: wallaahi wax kasta waa dhici karaan, Shan sano waa mudo dheer
gudaheedana is badallo badan baa dhici karo, laakin uma arko in uu ka bixi karo
inuu noqdo gudoomiyaha mucaaradka ee Baarlamaanka, nin yar weeyaan, nin hanti ku
soo koray weeyaan, nin doorashadaan ka hor aan marnaba aan la dooran buu ahaa,
hada ka horna wuu isku dayey wuuna dhacay, ilama ahan nin ka bixi karo inuu
yahay Siyaasada iyo laablaabkeeda joogtada ah iyo inmaskaxda si joogto ah looga
shaqaysiiyo, waxaa ii muuqata xisbiga kanu haddii ay rabaan iney dad muuqda
noqdaan iney wax iska badalan xisbiga oo ay dadkale lagu soo biiriyo oo jagooyin
waaweyn ka qabta xisbiga, dadkii ka muuqdayna inta badan waa dad la nacay oo
laga hor imaaday, marka khasab bey ku noqon iney dhiig cusub raadsadaan, horta
waa xisbi haba laga badiyee hada aan si fudud loo dhihi karin wey u dhamaatay
waa soo jiri jiray oo tuulo kasta xafiis ayuu ku lahaa, haddii xitaa laga
badiyey meel walba dabkooda ayaa ka shidnaa qoryih!
ii unbaa la gal galin, tanna haddii ay fashilanto horay ayey ka soo noolaan
kartaa, marka ma’ahan dad la fududeysan karo.
Somalitalk.com: waxaad tahay nin waxa uu rumeysan yahay si dhameystiran u
sheega, taas marka miyeysan kugu noqoneyn dhibaato Siyaasad ahaan iyo nabad
galyo ahaanba.
Faarax Macalin: Wixii dhab ahaan aad aminsan tahay hadaad u sheegi weydo inaad
been sheegto ayey noqon, ileen been lama difaaci karee, hada aniga wax dhib ah
igama soo gaarin, marka laga rebo labadii jeer ee aan dhacay, dhibaatooyin yar
yar wey jireen waayo dawlada waagii hore in wax laga shego ma’ogelyn, hada
laakin aniga mana la igu dilin, xabsisna la ima dhigin, markii iigu badnaa
maalinbaa xafiis la igu reebay la imana xirin, aniga markii horana wixii aan soo
bartay ayaan ku shaqaysanyey markii danbana Becmushtar ayaan galay, marka
ilahayna waad isku xireysaa waadna shaqa tageysaa, waa run dad badan baa kugu
nacaya, aniguse khasaare iguma dhicin doorasho lagu dhacana wax weyn uma arko,
oo qaar badan oo been sheegayey ayaan dhacay, hadana wadankii waa sii
furfurmayaa, Dimuqradiyadii ayaa sii badaneysaa waxyaabihii la dhihi armaa lagu
dilaa ama lagu xiraa caadi ayey iska noqoneysaa, umada Soomaalidana haddii aan u
horsiidi lahayn calool adaygaa markay arkaan Siyasigoodii !
oo adag, shacabkuna wuu adkaanaya, anaguna been ma sheegeynee wixii jiray unbaan
shegeynay, marka wax dhib ah uma arki anigu.
Somalitalk.com: haddaan aadno shirka Soomalida ee Eldoret, maadama aad tahay
Siyaasi asal ahaan ka soo jeeda Soomaali rajada aad ka qabto inuu hirgalo
shirkan maxay tahay.
Faarax Macalin. Rajo weyn ayaan ka leeyahay in ay nabad ka dhalan doonto, walow
Soomaaliya hadda ay inta badan nabad tahay, Eldoret rajo ayaan ka qabaa taas
waaxaan u leeyahay waa fursadii u danbeysay oo waxaa la leeyahay bal hada aan
isku dayno, haddii ay Soomaalidu hadda ka faa’idesan weysana midda ku xigta
wakhti dheer ayey qaadan doontaa, marka kuwa hore haddii lagu soo ciyaaray tanna
waa in aan lagu ciyaarin, haddiii la eego dowlada hada wadanka qabsatay, waa
qabiil weyn oo aqoon leh, suuqiinii waa ku yar yahay maadama ay mushtar yihiin,
dadkooda kuma filno, marka Madaxweynaha hadda wadanka xukuma wuu ka duwan yahay
fikrad ahaan kii ka horeeyey, Madaxweynihii hore wuxuu ahaa kirishtaan cunsiri
ah kuna yara xisaabtama inuu ku mudo dheereysto dhibaatooyinka jiiraankiisa ka
jira ha’ahaato tan Suudaan ama Soomaaliya, waayo marna wuu shidi jiray, marna
wax damin buu iska dhigi jiray, laakin kibaki waa Madaxweyne qabiil weyn ka
dhashay, oo hantida dalka Kenya %60,iyagaa leh,!
marka iney Itoobiya nabad ka dhacdo, oo Suudaan ay ka dhacdo, oo Soomaaliya ay
ka dhacdo, si ay uga shaqaystaan oo macalimiin ay ka noqdaan, oo dhakhaatiir ay
ka noqdaan, ayaa ka dhaadhacsan Madaxweynaha hadda, isagoon u daneyneyn
Soomaalida kaliya ayuu u daneynaa qabiilkiisa, qabiilkiisa waxay dagan yihiin
gobolada dhexe oo Soomaali, Sambuura ayaa ku heegaarsan, dadkaasna waxa la
amisan yahay iney qabaa’ilkaas hubka haystaan, marka dadkaas in hubka laga dhigo
danbaa ugu jirta, si dariska iyo wadanka ammaan u helaan, ninkii hore ee ergayga
gaarka ahaa looga dhigay Dib-uheshiisiinta Soomaalida wuxuu ahaa nin ay aad u
xuntahay taariikhdiisa ayuu, mana ‘ahayn nin xilkaasoo kale lagu aamino, maxaa
yeelay Madaxweynihii hore wanaagba kama rabin, Mwangale wuu ka shaqaysatay
meesha, ninka hadda cusub ee la sheegay inkastoo uu yahay nin kirishtaan ah oo
Asalraac ah, horayna u ahaan jiray Safiir, waxaan u arkaa inuu si daacadnimo ah
u galidoono arinta, kiplagat waxa uu ahaa nin ku d!
hexjiray Nabadeyntii Suudaan, inkastoo uusan dhexdhaxaad ka ahayn oo uu
kirishtaan ahaa, laakin Soomaalida kirishtaan malahan, oo waa dad wada walaala
ah, hadda ka hor ayaan ka wadahalnay damaqansho ayuuna ka muujinayey arinta
Soomaalida, isaga iyo dakale ayaan ka wada hadalnay, hadda haddii lamagacaabana
inaan caawiyo, oo iila soo xiriiro ayaa laga yaabaa, mudo yar ayuu qaadan doonaa
shirka, arinta muhimka ah waxa weeye mawqifka ay ka qaadadoonaan faragalinta
Itoobiya ee Soomaaliya, walow caalamka Sanad ka hor iyo hadda aysan isku mid
ahayn, oo Itoobiya waa lawada arkay hadda, IGAD wey dadaashay, IGADna waa in ay
iska deysaa Diblomaasiyadda ku dhisan kala xishoodka, taasna waxa wax ka qaban
kara, “Cadallah” oo ah nin jilicsan, aniga taas waan ku dhaliilayaa, waxaana u
kala cadaan la’ xiriirka dowladisi Suudaan iyo Itoobiya iyo hawsha uu hayo,
marka inuu cuslaadoa ayaa la rabaa, marka Soomaalida waxaa haystay sadax
mushkiladood, midi waa Itoobiya midna waa moi, midna waa xog!
haya guud ee IGAD marka hadda moi tag, labadana kale ayaa xal u baahan,
Somalitalk.com: Siyaasiyiinta Soomaalida ee halkan jooga wax xiriir ah oo aad la
leedahay ama lakulan aad la sameysay ma jiraan.
Faarax Macalin: Sadaxdi bilood ee la soo dhaafay xiriirkaayaga wuu yaraa ileen
doorasho ayaan ku jirnay, kadibna safar wadanka dibadiisa ayaan ku maqnaa, oo
shirar ayaan aaday, marka xiriirkeenu wuu yara walow qaarkood aan Teleefan ku
sheekeysanay, xiriirkeenuna waa yaraa, waxaana loo baahan yahay iney si dhab ah
u wada hadlaan, oo ay isu waraystaan, marka waxaan la soconay in Siyaasiyiinta
Somalida intii uu socday shirka Eldoret ay goob jooga yaal badan oo dalal kale
ka socda joogeen oo marka ay shirka ka soo baxaan waxna lagu shubayey waxnla
laga shubayey,
Somalitalk.com: Diyaar ma u tahay inaad adigu qayb ka qaadato arimaha
Soomaaliya, sidee baadse uga qayb qaadan.
Faarax Macalin. Horta in Soomaaliya ay dawlad ka dhalato waxay marka koowaad dan
ugu jirtaa Soomaalida aan ku nooleyn Jamhuuriyadda, markii aan anigu arimaha
Soomaliya ka hadlayey ma’ahayn nin Soomaalida Jamhuriyada kaliya u dagalamayey
ee taayadana waan u dagalamayey, illeen dantaanada ayaa ku jirta, ha’ahaadan
kuwa ku noll Kenya, ama Itoobiya ,ama jabuuti, jiritaankeenna ayaa ku xiran, taa
awgeed arinta Soomaaliya in xal laga gaaro diyaar ayaan u ahay inaan wax kasta
ku bixiyo qiima kasta ha ku kecee diyaar baan u ahay inaan ka qayb qaato xalka
Soomaalida.
Fahad Yaasiin xaaji Daahir
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com
Jan 28, 2003