SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
Rag Khalad ku sheegtaye adigu ha khaldamin!

Qore C/R Maxamed warsame : am_post@hotmail.com

KAAH


Waxaan rabaa in aan walaalkay Miicaad M aan tuusaaleeyo in uu khalad ka galay isagu walaalihiisa somaaliyeed sida Dr Cali khaliif Galaydh. Miicaadow markaad caanaan iyo falal xun-xun aad ka sheegayso qof walaalkaaya oo muslim waxaa kula gudboon marka u horaysa in aad cadaymo u hayso waxaad ka hadlayso marka xiga in aadan ilaawin sharfta uu qofka muslimka ah ee walaalkaaga ahi uu kugu leeyahay. Taas waxaan u leeyahay in aad ku geftay Mr C Galaydh markiid aad lahayd Laakiinse, nasiib darro haddii kuwii wax noo bartay ay yihiin sidaan aragno...Bal eeg Prof.Ali Khaliif Galaydh, wuxuu noqday mid waddanka kusoo kordhiyey eex, dulmi, dhac,lacag been ah oo xalaaleeyo iyo koox hor leh..

Walaal waxaan ku leeyahay ha deg-degin adigu naftaadana khalad ha ka gelin ereyga aad ku hadlaysona hubso oo is weydii warwaxani ma jiraan mise?soomaalidu waxay ku maah-maahdaa "Hubsiinyo hal baa la siistaa"

Waxaa tiri Mr Galaydh eex buu galay suu,aashu waxa weeye yuu eexda ka galay maadiga mise dawladii carte lagu soo dhisay? haday arintu adiga tahay cadee oo ha ka dhigin mid soomaali oo dhan laga galay, hadii arintu ay soomaali tahayna ma ku cadyn kartaa isaga oo hortaada fadhiya war waxaas baad eex ku gashay laakiin haddii aadan wax cadayn ah ku hayn shaadhka hayska xumayn sharaftu waa qaali,e.

Anigu sidaan aaminsanahay Mr Galaydh waa nin wadani ah danta soomaaliyeedna daacad ka ah taana waxaa tusaale kuugu filan markii C/Qaasin iyo Deerow ay xilka ka qaadeen isagoo dalka ka maqan oo weliba dan soomaaliyeed ku maqan oo aad loogu khaldamay isaga oo doonaayeey in aan laysku xadgudbin, qofna aanu ku takri falin sharfta wadanka iyo dadka,una halgamaayey sidii DKM aqoonsi ay u heli lahayd taas oo dadkoo dhan marag ay ka ahaayeen heerkii uu ga gaadhay siyaasadiisa wadaninimada ah iyadoo xiligu yaraa.

» Cambaareyn Loo Soo Jeediyey Prof. Samater [Miicaad]
 

Hadaba iyadoo loo heeshiiyey markii la arkay in uu daacad u yahay danta dadka iyo dalka. sidiina xilka looga qaaday isagoo debed ku maqan waa kii Mr C Galaydh raacay sharcigii oo aan muran iyo qaylo ka keenin oo iskaga degey xilkii uu hayey si sharaf iyo wadaninimo ku dheehantahay markay kuwii uu ka fiilaayey inay cadaalad dadka ku horseedaan majaxaabiyeen iyagoo aan wax eeda ku hayn tiina ay ku fashilmeen oo meel ku gaadhi waayeen.

Markaa walaalow Miicaad M ha ku khaldamin walaalkaaga sharafta kaa mudan. Eex muu gelin oo waa kii qabiil kasta qancinaayey,oo soomaaliya ka abuuray in laysa soo horfadhiisto oo lawada hadlo haday TV,ga tahay iyo haddii kaleba

Lacag uu xaday oo aad ku cadyn kartaa ma jirto ee waxaad ku lifaaqaysaa tuhun oo waxaad isleedahay mar haduu heerkaa gaadhay wax buu cunay taana waa gef mar hadaadan wax cad ku hayn oo hore baa rag ugu fashilmeen.

Ta u danbeysa oo aad tiri Koox hor leh buu abuuray. war sidee bay ku dhacdaa isaga oo dawlad dhan metelaya oo madax u ah ayuu wuxuu ka doortay in uu banaanka ka maro oo aanu ku doodin aniga xil laygama qaadi karo, aniga ayaa soomaalia madax u ah IWM sida hogaamiye kooxeedyadu sameeyaan maanta.

Hadaba hadal iyo dhamaadkii ka noqo gefkaa aad ka gashay Mr Cali Khaliif G.

Qore C/R Maxamed warsame : am_post@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

 

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan,  

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD