Markan waxaa soo dhowaatay dhisidii dawlad
Soomaaliyeed:
Mahamoud N. Wardere
mnwardere@yahoo.com
Musharaxii hore ee duqa Minnesota
Jun 25, 2003
Haddaba murashaxiinta iyo dadka dhisdda
dawladda ka qayb qaadanayaa waa inay niyad wanaag, is ixtiraam, daacadnimo,
bisayl siyaasadeed, iyo wada shaqayn muujiyaan. Kuwa xilalka qaadi doona waa in
ay ogaadaan in ay dayici doonaan ilmahooda, reerkooda, iyo danahooda gaarka ah
mar haddii ay u guntadeen in ay qaadaan xil xafiis dadwayne – waa xil in laga
cararo mudan -waa xil aan mudnayn in lagu deg dego.
Dadka Soomaaliyeed ma dooran inay degaan
geeska Afrika iyo siday u kala degaan midna waxaa kale oo ayana muhiim ah in la
is xasuusiyo ilaa intii uu ee Ilaah idmo inay wada noolaanayaan ama ha
isjeclaadeen ama ha isnecbaadeen. Mar haddii ay dadka Soomaaliyeed ku qasban
yihiin inay caro edegtaas ku wada noolaadaan waxaa fiican in la isticmaalo
maskaxda ilaahay ku manaystay iyo weliba waxa ay haystaan oo addunnkaba wax
haystaa yar yahay; waa maxay waxaas?
- Islaanimo
- Khayraad dabiici ah
- Dhul ka wayn oo ka badan
- Isku af
- Isku dhaqan iyo waxyaabo badan oo aanan
koobi karin.
Waxaa kale oo la xaqiijiyay in dadka
Soomaalidu leeyahay karti iyo maskax iyo dadaal dheeri ah oo meelaha ay tagaan
markii ay nabad helaan waxaa ka muuqda inay yihiin dad shaqaysta oo xirfad
dheeraad ah u leh ganacsiga iyo waxbarasho.
Dhibaatada ammaan la’aanta waxay keentay in
dadka Soomaaliyeed maskaxdii iyo maalkii ay gashan lahaayeen dalkooda ay
geliyaan dalaka dibadda oo haddaad aragto meelaha qaar aad yaabaysaa waxaas
haddiila maalgeliyo dalkii inta shaqo ay abuuri lahayd iyo sida ay wax uga tari
lahayd nolosha dad badan oo Soomaaliyeed oo maanta u baahan maalgelintaas.
Mudanayaasha iyo marwooyinka dawladda u soo
dhisayo dadwaynaha Soomaaliyeed oo haatan ku sugan Mpagati, Kenya suurtogal ma
aha in aad soo samaysaan dawlad aanan u cuntamaynin dadwaynaha Soomaaliyeed oo
maanta kala yaqaan dawlad xun iyo mid fiican, dadka Soomaaliyeed waxay muddo 13
sano ah u oomanaayeen inay mar uun helaan dawlad cadaalad ah oo sugta amaanka
kana shaqaysa waxbarashada ubadka iyo daryeelka umadda iyo hore u marinta dalka.
Qofkii aanan garanayn afka Ingiriisiga
waa jaahil—Arrintaasi ma dhabbaa? Inteese- in la’eg ayaa lagu gumaystaa?.
WARDHEERE....GUJI |
Awooda madaxwaynaha iyo dawladdaba waa in ay
xadidnaataa oo ay jirtaa meel lagu kala baxo haddii tusaale uu madaxwaynaha ama
ra’iisul wasaaraha sharciga jebiyo waa in sharaxaad la waydiin karaa ama
maxkamad la soo taagi karaa, waa in aan mardanbe la arag inqilaab military, iyo
jabhad qabiil ku dhisan oo gumaada ciidanka qaranka, waa in aan ciidamada
qaranka loo adeegsanin gumaad shacab, waa in mudanyaasha baarlamaanku aysan
noqon golaha sacabka ee ay awood u yeeshaa inay waxbaaraan fikradooda na si
buuxda u soo gudbiyaan haddii ay danta dalka ku jirto. Qalabka warbaahintu waa
in ay ka muuqataa wadaninimo isla markaana ay baaritaan ku sameeyaan dhaliisha
dawladda iyo musuqmaasuqa si nadiif ah. Ciidamada booliska waa in number loo
yeelaa si loo helo kii ku xadgubda muwaadiniinta isla markaana maxkamad loo soo
taago. Waa in muwaadinka aan lagu xad gudbin weliba la gaarsiiyaa in uu ku
faano dawladiisa ama uuba aaminaa in uu asaga dawladdaba yahay. Mas’uuliyiinta
dawladda waa in ay ogaadaan in ayaga madax loo yahay oo weliba ay keliya
adeegayaal yihiin-yaa madax u ah? shacabka!
Shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon in
aysan mardanbe dhagaysan siyaasi ku sheeg mucaarad ah oo jaahil ah oo aanan
xisaabtamaynin ficilkiisa maxaa ka iman kara oo bilaaba dagaal sokeeye iyo
jabhad dadkana ku beer jilicsada in uu danta qabiilkiisa u dagaalamayo oo uu
mujaahid yahay Ogow dawladdii Soomaaliyeed waxaa riday jabhado wixii laga
dheefayna nin walba waa ogyahay waayo shacbiga ma garan sida wanaagsan ee loo
rido dawlad xun ayadoo aan dalka dhan la bur burin. Mardanbe yaynaan ogolaan in
jabhad rido dawladdii la soo dhiso. Waa in uu qofka Soomaaliga ah aaminaa oo
oran karaa dalkan anigaa iska leh mana yeelayo qof fidmo wade ah inuu qas ka
rido haddii uu rabo qabiilkayga ha ahaado oo anaa joojinaya.
Haddii ay dawladu xumaato ama aan ku qanci
wayno waa in aan qoriga la qaadan ee si xadaarad leh loola dagaalaa waayo
dawladda dalka ma leh ee shacbiga ayaa iska leh. Mardanbe waa in aanan isku
qaldin waxa qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed leedahay sida nalalka baabuurta
kala celiya iyo waxa madaxwayne leeyahay.
Waxa aan sugnaa waa dawlad fiican oo ay
shacbiga Soomaaliyeed u riyaaqaan. Dawlad Soomaaliyeed oo joojisa qaxa iyo
dadka Soomaaliyeed ee ku dhamaanaya saxaraha, badaha, xerooyinka qaxootiga, iyo
dawlad u dooda kumanaanka kun ee Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan oo ku xiran
xabsiyada shanta qaaradood ee adduunka ayagoon waxba galabsan oo lagu soo
eedeeynayo inay dalalkaas si sharci daro ah ku soo galeen. Dawlad ku soo celisa
dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku dhib qabaan in ay dalkooda ku soo
laabtaan.
Dawlad wax wayn ka qabata caafimaadka ,
waxbarashada iyo sare u qaadista wacyiga dadwaynaha si aan mar danbe loo arag
qof Soomaali ah oo u dagan qabiil ama jabhad ama ku kaca wadaninimo xumo,
gudniinka fircooniga iwm. Waa in la helaa dawlad wax ka qabata fasahaadka
qaadka iyo dhaqaalaha uu dibadda u saaro. Dawlad shaqo abuurta oo dhiiri gelisa
in Soomaalida kala firirtay inay dalkooda maal gashadaan oo soo camiraan.
Dawlad qofwalba u samaysa number lagu garto si aan mardanbe qofkii danbi galaa
ugu dhuumanin qabiil oo looga soo dhexqabtaa. Dawlad dawladaha adduunka ugu
fiican
Markaa ka dib dhiiga qofka Soomaaliga uu aad
qaali u noqdaa!
Sharafta qofka Soomaaliga ay soo noqotaa!
Ilaahow Soomaalida qalbigooda isjeclaysii oo
ka dhig umad wanaagsan adigaa qaadir ahe
Wabilaahi towfiiq.
Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com
QORAALADII HORE EE WARDHEERE
Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2003
.... Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|