SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Yaa u gar-naqi doona dhalinta soomaaliyeed iyo Internet-ka?!!

Qore:- Raage Osman Omar.
somstudent@hotmail.com

KAAH

Maalinwalba waxaad arkaysa iyado ay dunida ku so kordhayaan arimo cusub kusaaso la xiriira aqoonta uu ilaahay ku maneestay aadamaha, hase ahaatee waxaa yar inta sida wanaagsan uga faa’iideysa, waxkastoo ku so kordhana dunida waxaan shekki ku jirin in uu xanbaarsan yahay dheef iyo dhib labadaba….laga soo bilaabo sanadihii sagaashamadii waxaa dunida daafaheeda buuxiyey wax loo yaqaan Internet kaaso dunida ka dhigay meel la mid ah tuulo yar,.waxaad arkaysa qaybo ka mid wadamada aduunka oo iyagu aan raali ka ahayn faafidda internetka dalkooda taaso ay ku dadaaleen inay sameeyaan meel dhexe si loo xakameeyo waxa baxaya iyo waxa so galaya, arintas o dadka qaybtii ku fasireen mid xir xir-naan iyo horumar ka hor istaagid leh, inkalena ku sheegeen mid ilaalinaysa akhlaaqda dadka dhalinta ah……hadaba dadka soomaaliyeed e iyagu si ba’an ugu faafay dunida horumartay ayey dhib wayn ka haysata isticmaalka internetka, taaso aad moodid inay u adeegsadeen dhan aan loo bogin ee inaba aysan ku jirin wax faa’iido ah..waxaanse sheki ku jirin in in kale o badani ay ka faa’iidayaan isticmaalkaas si aay uga kororsadaan aqoon.

Gabar ka sheekenaysa dhibta u u kenay internetka
Carruurta iyo Khatarta Internetka... Akhri sheekadii shannon

“waxaan ka mid ahaa qoys ka kooban Aabe, hooyo, iyo aniga, waxaaan aad u jeclaa isticmaalka internetka hase ahaatee waalidkay iima ogolaan jirin inaan si xor ah ugu dhex wareego, waxaa safar galay waalidkay taaso an ka faa’ideystay si xor ahne u isticmaalay, waxaanu isku baranay meelaha lagu wada sheekeesto wiil dhalin ah, is wareesi dheer ka dib waxaanu noqonay dad isku xaafad degan, wuxu iga codsaday in aanu kulano, wuxu ii sheegay goob aan ku kalano. Waxaan si ad ah u dareeemayey baqdin sababto ah waxay ahayd markii iigu horeysey aan la kulmo wiil, iswareesi gaaban waxaan ka codsaday inaan tago.. wuu iga yeelay…waxaanu muddo kale ku wada xiriirnay internetka,waxaanu ku balanay inaanu kulano markale…kulamo badan ka dib wuxu ii sheegay inuu iga so dooni doono reerkayaga una sheegi doono inuu rabo inaan isu doonano..! (doonanashadu waa dhaqan ay isticmaalaan carabtu taaso ah in la isku ogaado wiilka iyo gabadhu) waxa si ad u dheeraaday safarki waalidkay, waxaa guriga igu weheliyey qaraabo kuwaaso an sii raac raaci jirin dhaq-dhaqaaqayga…waxa sidoo kale batay kulankayagii..waxaan ahaa gabar aad u dhoorsoon…waxaa aad u dheeraaday kulankayagii kaaso markii danbe sababay inaan lumiyo sharaftaydii..waxaan dareemay xanuun….waxaan la xiriiray dhakhtar waxa la ii sheegay inaan xanbaarsanahay!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

sheekadan oo aad u dheereed, uuna qoray mid ka mid ah wargeysyada ka faalooda arimaha qoyska ayey ku so gaba-gabaysey gabadhaasi in ay halkaas ku wayday mustaqbalkeedi…….

Meelaha lagu isticmaalo internetka e lo yaqaan Internet Café waxaad ugu imanaysaa dhalin aad u farabadan kuwaso ku mashquulsan isticmaalka Paltalk, mararka qaar waxaad kugu adkaanaysa inaad dhegeysato hadalada aan qiimaha lahayn ee ka so yeeraya kuwaaso isugu jira cay….ka hadlid galmada, haddii aad isu bar bar dhigto wakhtiga + hadalkiisa + kharashka waxaa ku so baxaysa inuu ninkaan dhalinta ahi jafayo Qar aan cawsi ka so baxayn iyo wax an rabbi raali ka ahayn,,,,,,,,,,,, waxaa xusid mudan in qofka bani’adamka ahi lagala xisaabtami doono wakhtigiisu halka u maray loona baaahan yahay in dhalintu ku xisaabtanto wakhtigoodu uu ilaah ku maneestay…..

Qore:- Raage Osman Omar.
somstudent@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD