MARKAZ CUSUB OO LAGA FURAY
MAGAALADAM MUQDISHO
Abuukar yaasiin
abuukarsom@hotmail.com
Waxaa toddobaabdkan magaalada muqdisho gaar ahaan dagmada hodan xaafadda kaasa
bal balaare lag furay markaz cusub oo lagu magacaabo (markaz mucaad bin jabal
lil dacwah) markaz kaan ayaa waxaa furay qaar kamid ah dhalinyarada xaafadda
kaasa bal balaare waxaana sida uu sheegay gudoomiyaha ama maamulaha markazkaan
Al-ustaad Abuubakar Maxamed Yaasiin oo ka
hadlaayay munaasabaddii furitaanka markazka uu sheegay in markazku loogu tala
galay in uu ka qeyb qaato wacyi galainta bulshada soomaaliyeed uuna qeyb ka
yahay dadaaladda loogu jiro in umadda soomaaliyeed looga saaro dhibaatada ey ku
jirto isla markaana uu markazku noqon doono meel wax lagu baro bulshada
soomaaliyeed gaar ahaanna diinta islaamka iyo waliba luqadda carabiga si ey u
fududaato in ey umadda soomaaliyeed waxbadan ka ogaato diinteeda islaamka oo
ilaahay mahaddiis eey umadeenu jirin diinkale oo ey leedahay
Sidoo kale waxaa uu sheegay in markazka lagu
qaban doono aqoon iswaadaarsi wax tar u yeelan duuna bulashada.
Waxaa munaasabadaasi ka hadlay jaamacado iyo
hey ado kala duwan oo ey kamid ahaayeen
- Jaamacada Al- islaamiya ee muqdisho
- Jamcuyadda quraanka kariimka
- Dalladda culumada soomaliyeed iyo waliba
- markazka Ibnu baaz oo ah mid lamid ah kan
la furaayay
waxaana kamid ahaa culumadii ka hadashay
furitaanka markazka
- sh/c/llaahi ibraahiim
- sh c/raxmaan jiniqoow
- sh maxamuud sh ibraahin suuleey
- iyo culumo kale oo badan
waxaana loo baahan yahay in umadda soomaalyeed
meelkasta oo eey joogtaba eey ka qeyb qaataan hir galinta iyo taakuleynta
maraakizta iyo meelahaan oo kalaba oo ah kuwo wax tar u leh umadda soomaliyeed
W.D. Abuukar Ayaasiin Xaaji Daahir
Muqdisho
Soomaaliya
Abuukar yaasiin
abuukarsom@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku
saxiixan,
Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2003
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|