SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
TAARIIKHDII HORE EE SOOMALIA

Faallo: Cali diiriye nuur pilot | tigaana_52@hotmail.com 

June 15, 2003 

KAAH

Sideedaba halkee ka soo jeeda magaca soomaliya? arintaan fikrada kala duwan aya lagaa qabaa.

Laakiin tan ila quman waxay tahay in dadka soomalida ay ka soo jeedaan dadka kuushitiga koonfureed

Qoowmiyadahaas waxaa ka mid ah Saaxada,cafarta,oromada iyo soomaalida.

Waxay asal ahaan ku farcameen koonfurta itoobiya iyo waqooyiga keenya ilaa harada udof la yiraahdo.

Badankooda ilaa iyo hada halkaas ayay ku nool yihiin. soomaalida qowmiyadahaas kala duwn ayay ka tirsan yihiin waa dad da weyn magacyo badan aya lo yiqiinay sida (reer bunt,reer berbera,reer barbaar iyo reer banaadir).iyo kuwa kale oo fara badan ,magaca soomaaliga ah inta la og yahay hada waxaa lala kulmay

Qarnigii 15naad Soomaalinimada sideedaba ma jinsi baaa?jinsi waxaan ula jeedaaa rayidka waxa la yiraahdo

Jawaabtu waa maya sideey aniga ila tahay soomaalinimada waxay ka kooban tahay ama waxaan ula jeedaa

Jamhuuriyada soomaaliya waxaan u kala qaybin lahaa sadex jinsi (cadaan,madow bunti ah,iyomadow buni ah).

Madowga buniga ah ayaa ah kan soomalida ay u badan yihiin cadaanka waxay inta badan ku nool yihiin marka,baraawe iyo xamar dadka madowga bantuga ah iyana waxay ku nool yihiin jiinanka labad webi iyo koonfurtoodaba sidaas darteed soomalida jinsi kaliya kama koobna ee sadexdaas jinsina way u siman yihiin soomaalinimada. hadaba soomalinimada ma diinbaa?jawaabtu waa maya waayo?dadka soomaaliyeed inta diinta soo gaarin ayay ku noolayeen geeska afrika waxyaabihii waydaas hore la caabudi dha2qankeena ilaa iyo hada waa la geli karaa qof kastoo muslim ah soomaali ma aha waayo?af soomaligii isaga oo jira ayay diinta na soo gaartay , Taasi ayaana sabab u ahayd markii ay diinta si fiican u qaadan waayeen in shiikh yuusuf al-kownayn uu soo saaaray(alif la kordhabay iyo alif la hoos dhabey iyo alif la goday)

Laakiin soomalidu waa dad muslim ah sidaas darteed ayay diintu ugu yeelatay uguna leedahy saameyn weyn taariikhdeena,dhaqankeena oo dhan bal hada aynu eegno diinta iyo abtirsiinta,Abtirsiinta oo jirta ayay diinta na soo gaartay ee abtirsiintu kama ay imaan diinta islaamka,laakiin waxa iyana run ah in diintu ay saamayn weyn ku yeelatay abtirsiinta casriga ah ee soomaaliyeed ilaa iyo hada reeraha soomaliya ay ku abtirsadaan shiiqyo,iyana ay abtirsiintoodu gasho bini--haashim iyo Qureysh dhawr qarni ka hor ayay dhaaftay diinta ayaa saamayn ku yeelatay in abtirsiintii hore ee reeraha soomaaliyeed tan cusubi bedesho wax soomali ugaar ahi sideedaba ma aha waxaa inala wadaaga dadyoow badan sida Fulaaniga,hawsaha iyo dadyoow kale oo tan iyo senegaal ku nool oo diinta islaamka qarniyo danbe gaartay.

Isweydiintu waxay tahay soomaliya waxay u dhowdahay jasiiradaha carbeed maxaa qoray in bini--haashim abtirsiintooda gaarsiiyay reer senegaaal ,tani kaftan igama ahan laakiin waa xaqiiqo cilmi ah oo la hubiyay.

Aqristoow waxaan intaas uga gudbi lahaa soomalinimadu waa maxay??waa dareen ka dhashay is bar bar dhig qowmiyado kala duwan oo foormalihiisu yahay anaga iyo idinka anaga oo soomali ahiyo idinka oo talyaani ah, anaga oo soomali ah, idinka oo amxaaro ah. marxaladihii dareenka soomalinimo soo maray hadaan si kooban u qaadano sidaan ayaan u qiyaasi lahaa.

1--marxaladii axmed gurey iyo iska dhicintii boortaqiiska

2--Tawradii dhaqaneed ee yuusuf al--kowneyn

3--Halgankii isticmaar diidka haa ee sayid maxamed cabdule xassan

4--Waqtikgii asxaabta siyaasadeed ay soo baxeen oo ku caan ahaa(soomaliyay toosoo)

Waqtikgaas ay soo baxeen asxaabta siyaasadeed ayaa dareenka soomaliyeed gaaray heer biseel ah waxuuna dhalay dareen cusb oo ah dareenka wadanimo,labada dareen waxaa u dhaxeeya farqiyo waaweyn,

1--Dareenka soomalinimo waa mid dhexdhexaad ah yacnii soomaliga waa soomali waxuu bar bar dhig u yahay umadaha kale ama qowmiyadaha kale.

2--Laakiin dareenka wadaniga ah ma aha mid dhexdhexaad ah ee waxuu wataa qiimayn siyaasadeed, mid bulsheed,mid dhaqaaleed iyo dhaqanba,waxuuna lidi ku yahay dib u dhaca qabyaalada iwm.

Waa dareen xuduntiisu tahay halganka horu marinta umad nimada iyo dalad nimada soomaaliyeed.

Wax kastoo yoolkaas car qalad ku ah wuu ka soo horjeedaa dareenkaas wadanimo.

Soomalinimada ma wada wadaagto iyana waa nasiib daree itaal daradiisa ayaa noogu wacan aafooyinka hada ina haysta. Aqristoow waxaan jeclaan lahaa inaan ku soo xiro qabyaalada sideedaba nacfi ma leedahay?? qabyaldu waa laba nuuc A)Qabyaalad hideed ee soomalidu dhaqan u leedahay sida xoolo gooyada makta la wada bixiyo iyo xeerar kale oo fara badan qabyaladaasi waxay leedahay xeerar adag oo laga gudbi karin. B)Qabyaalada kale waa tan magaalooyinka ka dhelatay oo ku magac dheer qabyaalada siyaasadeed tani wax dumis mooyaanee wax anfac ah oo ay umada u leedahay ma jirto bay ila tahay qabyaalada siyaasdeed nabad walaatinimo iyo horu mar toona ma keeni karto waxaana adeegsado siyaasiyiinta danahoodav gaarka ah ka leh iyagaana cadowga koowaad ah wiiqa dumiyana qaranka.

Ugu danbeyntiii qabyaalada iyo dawladnimada siyaasadeed halkee bay iska soo galeen??

Dawladii casriga ahayd ee aanu 60kii gaarnay waa tii ugu horaysay ee taariikhdeena ee soomali badnkeed midaysay ka hor waxaa jiri jiray dawlado heer gobol ah.

Waxay dhalatay iyadoo dareenkeeda wadanimo curdin yahay, dhaqaaleheedu uu itaal yar yahay,aqoonta casriga ahna biloow ay tahay,qabyaalada siyaasdeedna ay xoog leedahay, Sidaas darteed dawladnimadaasi inay ku fikirto wax la yaab leh ma ahan waayo??? kooxihii ilaa iyo hada xukunka haayay waxaaayba dawlad u arkeeen ilaa iyo hadana u arkaaan hanti gaar ahaneeed oo iayagu leeeyihiiiiiiiiiiiiin.

Waxaa Qoray

Cali diiriye nuur pilot

tigaana_52@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2003

Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.

Qoraaladii Hore ee Xasan Nuur

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI 


Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga.... GUJI 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD