SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
AQOON YAHANO SOOMAALIYEED EE KA TIMID LONDON, UK AYAA SHALAY 23/06/03 SHIR LA YEESHAY MR KIBLIGAT
KAAH

Aqoon yahanno soomaaliyeed ee ka timid London, UK ayaa shir la yeeshay Mr Kibligat, Madaxa Maamulka shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed ee ka socda Mbagathi. Mudane Mohamud Ahmed Nur (Tarzan) oo ku hadlayey magaca wafdigan ayaa u sheegay Mr Kibligat ujeedada booqashadoodu, isagoo ku tilmaamay iney u yimaadeen si ey u sii xoojiyaan shirka si gunaanadka shirku uu ku dhamaado guul.

Mudane Tarzan ayaa ku nuuxnuuxsaday ineysan iyagu u imaan jago raadis, ha yeeshee buu yiri ey waajib nagu noqotay inaan shirka mira dhalkiisa la xaqiijiyo, sidoo kale ku tilmaamay iney muhiim tahay in go’aanka shirka uu noqdo mid maslaxad guud u ah waddanka oo uu ka digay qatarta ey keeni karto haddii dano gaar ah lagu dhex wado shirka. Go’aanka shirka waa mid saameyn weyn ku yeelan doono mustaqbalka ubadka soomaaliyeed iyo jiilalka danbaba, sidaas daraadeed aqoon yahannadu ey soo jeediyeen in si taxadar ah looga fogaado danaha gaarka ah.

Aqoon yahanno badan ayaa ku soo qulqulaya goobta shirka oo ka kala yimid dibeddaha iyagoo aan arkeyso iney meel walba joogaan, aad iyo aadna looga dareemay dhaqdhaqaaqooda, iyagoo qoraalo fara badan goobta keenay, wallow aad dareemeyso in xubnaha shirka ey qaarna aaminsanyihiin muhiimadda aqoon yahanada soomaaliyeed ey kaalinta ey ka qaadan karaan shirka, halka qaar kalena ey qabaan in soomaalida dibedda ka timid laga xaq leeyahay oo eysan iyaga fahamsaneyn marxaladaha waddanka gudihiisa. Ha yeeshee weli aqoon is weydaarsi ama dood noocaan ku saabsan oo cilmiyeysan lama sameyn sidaad daraadeed ilaa hadda waa un kutiri ku teen, loona baahan yahay in dood noocaan ah la sameeyo.

Aqoon yahanadda goobta ka hadashay waxaa kaloo ka mid ahaa Mudane Duran Farah iyo Eng. Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) oo isaga sheegay in hay’adaha caalamka iyo IGAD ba ey la yimaadaan qorshe haboon oo wax ka badeli kara hab u sami socodka shirka oo aad moodo mid gaabiya, wuxuuna ka codsaday Kibligat inuu dar dar geliyo shirka si eysan hoggaamiyeyaasha iyo dhammaan ka soo qeyb galayaasha eysan u kala tegin, muddo gaabanna la soo gabagabeeyo shirka, waayo buu yiri shacabka soomaaliyeed muddo ka badan 8 bilood bey rajo ku nool ahaayeen eyna sii yaraaneyso kalsoonidooda.

Mr Kibligat oo isagana ka hadlay goobta ayaa aad iyo aad ugu mahad celiyey aqoon yahannada oo yiri maxaad mar hore u imaan weydeen, uuna u caddeeyey in shirka uu ku jiro qeybtiisii ugu danbeysay, diyaarna u yahay inuu la shaqeeyo aqoon yahanada soo booqatay, una oggolaaday iney madasha shirka soo geli karaan mar walbo. Mr Kibligat wuxuu kaloo uu caddeeyey in magacyada liiska ey soo gudbiyeen odoyaasha dhaqanka, hogaamiyeyaasha ey inta badan dhameystir ku dhow dahay isagoo sheegay in 90% magacyadu yihiin kuwo lagu kalsoonaan karo ka dib markuu kala tashtay soomaali fara badan oo kala duwan.

Aqoon yahanada ayaa raaciyey iney joogi doonaan inta shirku ka dhamaanayo eyna taageer san yihiin charter kii ey sameeyeen guddigii is waafajinta ee uu hoggaamineyey Prof. Abdi Samatar, eyna ku tilmaameen in manta waddanka u baaahan yahay in la wada fiiriyo danta guud si loo helo dowlad caddaalad ah una shaqeyneysa shacabka soomaaliyeed.

Magacyada:

  • 1) Mohamud Axmed Nur (Tarzan)
  • 2) Bashiir M. Jaamac (Bashiir Goobe)
  • 3) Duran Ahmed Farah
  • 4) Hussein M. M. Sh. Ali (Damuumaaye)
  • 5) Ahmed Nur Max’ed Hashi (Seyga Ruushka)
  • 6) Abdirahman Omar Osman ( Eng. Yarisow)
  • 7) Aweys Sheekh Haddaad ( Aweyska Maanta)
  • 8) Axmed Nur Hassan Abdulle
  • 9) Mohamud Isma’il Hassan ( Daba yare)
  • 10) Cumar Saleyban Ali
  • 11) Ibrahim Sh. Hassan
  • 12) Axmed Mukhtar Mohamud
  • 13) Abdullahi Ali Mohamed
  • Iyo qaar kale oo aan magacyadooda halkan ku soo koobi Karin.

Qoraalkan kala xiriir:
Abdirahman Omar Osman
 
yarisow70@hotmail.com

QORAALADII HORE EE Cabdiraxmaan


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD